Cilmi-baadhis Sheegtay In Hidde-sideyaashu ay  Go’aamiyaan In Kaneecadu Ay Kala Doorato Qofka Ay Qaniinayso Iyo Ka Aanay Taabanayn

 

 

Cilmi-baadhayaal u dhashay dalka Maraykanka, ayaa sheegay in hidde-sidayaashu ay door muhiim ah ka ciyaaraan amma go’aamiyaan sida qofku u soo jiidanayo kaneecada amma ay sababaan in kaneecadu dadka qaar qanniinto, qaarna aanay qaniinin.

Daraasadan oo lagu daabacay jariirada PLoS One oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, waxa ay sheegtay in ay jiraan caddaymo laga helay hooyo caloosha ku sida ilmo oo jidhkeedu miisaan ahaan weyn yahay, mid cabta alkoosha iyo hooyo jidhkeedu soo saaro Carbon Dioxide badan ay soo jiidato kanecada, kadibna baadhitaan lagu sameeyey 37 ubad ah oo isku mar dhashay, waxaana ka soo baxday in hooyada soo jiidan jirtay kaneecada in ilmaheeduna la mid yahay oo ay kaneecadu jeceshahay inay qaniinto.

Cilmi-baadhayaashu waxa ay kaneeco dhex dhigeen dhuun amma quraarad u dhaw laba ilmo oo mar wada dhashay iyo qaar mataanno ah, waxaana la ogaaday in mataanaha aadka isugu eeg ee beedka kaliya ee hooyada ka samaysma (Identical) ay isku si u soo jiitaan qanniinyada kaneecada, halka kaneecadu mataanaha aan isu eekayn (fraternal) ay kala door bido.

Daraasadu may sheegin in ay jiraan walxo khaas ah oo qofka jidhkiisa ku jira oo sababa in kaneecadu qanniinto dadka qaar, qaarna aanay taaban, iyagoo cilmi-baadhayaashu sheegay in loo baahan karo daraasad dheeraad ah si loo sii ogaado waxyaabaha sida dhabta ah u sababa in kaneecadu dadka qaar qaniinto, qaar kalena aanay jidhkooda taaban.

Advertisement

Ku Xayeysiiso