Saluuga Laga Qabo Saami-qaybsiga Xilalka Xisbiga WADDANI Oo Sababay In Siyaasiyiin Badani Istiqaallada Dhiibaan+ Siyaasi Miisaan Oo Is Casilay

“Waxaan shaacinayaa inaan Waddani ka baxay aniga oo saluugay 36 Xoghaye Oo Uu Cirro magacaabay, oo 3 kaliya Uu Ka siiyay gobolka……”

 

Hargaysa (Togaherer)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha  ee xukuumaddii UDUB, Cismaan Sh. Cabdi Sh.  Muxumed,   ayaa ka baxay  xisbiga Waddani oo uu ka tirsanaa.

Cismaan Sh. Cabdi oo shalay jirjaraa’id ku qabtay magaalada Hargaysa, ayaa sheegay in uu saluugay guddiyadii dhawaan uu magacaabay guddoomiyaha xisbiga Waddani,waxaannu  tilmaamay in guddiyadaas lagu xaqiray gobolka Awdal oo aan laga siin saamigii ay ku lahaayeen.

“Waxaan si rasmi ah  u shaacinayaa inaan  xisbiga Waddani ka baxay aniga oo saluugay shirkii golaha dhexe ee  lagu doortay murrashaxiinta xisbigaas iyo liiskii uu ku soo  saaray guddoomiye Cirro oo uu 36 xoghaye oo uu magacaabay uu saddex xubnood oo kaliya ka siiyay gobolka Awdal. Sidoo kalena Guddiyo uu magacaabay guddoomiyaha Waddani oo 121 xubnood ahaa, waxa gobollada Awdal iyo Selel  ka heleen 7 xubnood oo kaliya,”ayuu yidhi Cismaan Sheekh, waxaannu ugu baaqay bulshada degaankiisa inay ka tashadaan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, waxaannu yidhi;    “Dadka ka soo jeeda gobollada  Awdal iyo Selel waxaan leeyhay ka tashada xisbigaas, waanad  kala garan kartaan  xisbiga dantiinna wada, guddoomiyaha xisbiga Waddani waxaan kula talinayaa in aanu caayin dadka maskaxdooda waxaan  u malaynayaa in aanu waxba doonayn.”

Mr. Cismaan waxa kaloo uu ku ammaanay xisbal xaakimka Kulmiye codkii aqlabiyada ahaa ee Mudaneyaashoodu ku doorteen Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee wakiillada Md. Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle;  “27kii bishan aynu ku jirno waa la ogaa xisbiga Kulmiye waxa uu ka hawlgalay doorashadii lagu doortay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha wakiillada Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle xisbiga Kulmiye    ayaa  sabab u ahaa in la doorto xildhibaankan ka soo jeeda gobolka Awdal,”ayuu yidhi wasiirkii hore ee Macdanta iyo biyuhu.

Advertisement

Ku Xayeysiiso