Wiil Dhalinyaro Soomaali ah oo isku dilay dalka Qubrus

Wiilkan Dhalinyarada ah oo kamid ahaa Soomaalida kunool Dalka Qubrus ee ka tirsan Qaaradda Yurub ayaa lagu soo waramaya in uu isku dilay magaalada Larnaaka ee dalkaasi Salaasadii aan soo dhaafnay kadib markii loo diidey magan gelyo.

Soomaalida kunool Jasiiradda Qubrus ayaa sheegaya in sababaha loo aaneynayo in uu is dilo wiilkaasi oo lagu magacaabi jirey Max’ed Daahir Dayax ay tahay kadib markii uu la kulmey dhibaatooyin adag oo dhanka nolosha ah, islamarkaana loo diidey in uu lamidoobo qoyskiisa oo kunool dalka Britain.

Booliska dalkaasi Qubrus ayaa xaqiijiyay in wiilkaasi oo isaga is diley kadib baadhitaano ay sameeyeen,waxaa lagu qiyaasayay da’ahaan 18 ilaa 19 qof

Cabdalla Max’ed oo kamid ah Soomaalida kunool Dalka Qubrus ayaa ka warbixiyay dhacdadaasi oo naxdinta ku noqotay Soomaalida dalkaasi ku dhaqan.

“Waxaa lagu magacaabi jirey wiilkaasi Max’ed Daahir Dayax, wuxuu ka yimid Muqdisho, aniga muddo 1 sano ayaan is garaneynay, wuxuu kunoolaa dalkani, runtii waxyaabaha hadda loo sababaynayo in uu isdilo waxay tahay in laga hor istaagay in uu qoyskiisa oo kunool Ingiriiska uu lamidoobo, taasi oo in muddo ah uu ku hamiyay,Dalkani runtii ma daryeelo dadka Qoxootiga ah, wiilkani muddo ayuu I weydiin jirey goormaan shaqo heleynaa, goormaan waxbarasho heleynaa”, Ayuu Yidhi Cabdalla.

Ciidamada booliska Dalkaasi Qubrus ayaa wada baadhitaano ku aadan sababta keentey dilka wiilkaasi,iyadoo lafilayo in meydkiisa halkaasi lagu aaso.

Dalkaasi Qubrus waxaa kunool Soomaali badan, kuwaasi oo isugu jira, qoxooti, Deegaan iyo kuwo kale oo waxbarasho ahaan u jooga, waa Jasiirad kamid ah Yurub waxay ku dhowdahay dalka Turkiga.

Advertisement

Ku Xayeysiiso