Gudaha Ka Eeg :Fadhigii Golaha Wakiilada Ee Maanta Oo Lagu Doortay Gudomiye Ku Xigeenka Kowaad Ee Golahaasi .

Fadhigii saaka ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta lagu doortay Gudoomiye ku xigeenka kowaad Ee Golaha Wakiilada Somaliland .

Waxaana Fadhigan Shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax, iyadoo fadhigan ay soo xaadireen, 70 Mudane .

Xilkan Gudomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada, waxaa u tartamayay saddex xildhibaan oo kala ahaa

Xildhibaan Axmed Yaasiin Ayaanle

Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin casood

Xildhiban Xasan Hufane

Waxaana cod loo qaaday saddexdan xildhibaan, iyadoo uu Xilka Gudoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada uu ku guulaystay Xildhibaan Axmed Yaasiin Ayaanle oo helay 50-Cod, Xildhiban Axmed Casood ayaa helay Hal Cod, Halka Xildhibaan Xasan Hufane uu helay 16-cod .

Sidaasna waxaa Gudoomiy ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada ku noqday Xildhibaan Axmed Yaasiin Ayaanle oo ku abtirsada Xisbiga KULMIYE .

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso