Dhacdadii Bariire oo abuurtay Qalalaase Xiriirka Warbaahinta ( Communication Crises)

Dhacdadii Bariire oo Abuurtay Qalalaase Xiriika Warbaahinta (Communication Crises)

Maahan wax ku cusub caalamka ama dalkeena Soomaaliya in ay dowladaha soo wajahaan qalalaase warbaahineed kaas oo sababa dhaleecayn, qoraalo la soo dhigo baraha bulshada oo dib looga saaro, eedeyn dhanka saxaafada la isku marsiiyo mararka qaarna wasiiro iyo shakhsiyaad xilal culus ka haya dowlada dhexdeeda ay warbaahinta u gudbiyaan fariimo is burinaya. Arintaan aad ayeey ugu badan tahay dowlada dhexdeeda, waana mid soo noq noqota, waxaase aan jeclaystay inaan halkaan ku soo koobo qodobo muhiim ah oo mustaqbalka looga baaqsan karo qaabka loo wajahay dhanka warbaahinta dhacdadii xanuunka badnayd ee Bariire kadib.

Soomaalidu waxy ku maah-maahdaa “Af daboolan waa dahab”  ama “Gacmo Geel jire hoos ayaa loo dahaqaa” Aamusnaantu waa mida ka warsugta fikradaha la isla dhex marayo iyo shakiyada jira hadii ay run yihiin iyo hadii ay been yihiin. Marka xaalkaan oo kale dhaco waa in ay kulan deg deg ah isugu yimaadaan dhamaan qaybaha ay khusayso si meesha looga saaro isbar-bar yaaca, gudbinta fariimo khaldan iyo hadalo isburinaya oo saamayn ku yeelan kara warbixinada soo bixidoona.

Xaaladahaan oo kale waxaa la adeegsadaa talaabooyinkaan hoos ku qoran si loo xakameeyo Qalalaasaha Warbaahineed

·      Waxaa kulan la isugu keenaa dhamaan dadka arinkaan khuseeyo sida, Wasiirka Gashaandhiga, Wasiirka Warfaafinta, Afhahayeenka ciidanka, Afhayaeenka Dowlada, Taliyaha Ciidanka, Wasaarada Aminga, Agaasiamaha Warfaafinta Madaxtooyada, Garyaqaanka guud iyo Xeer Ilaaliyaha Qaranka.

·       Waxaa la qeexaa talaabada la qaadayo nooca ay tahay, waxaana isla markiiba la sii daayaa warbixin kooban oo lagu tilmaamayo in falkaan uu baaritaan ku socdo.

·      In la xaqiijiyo dhibka dhacay hoostana laga xariiqo waxa sababay

·      In la isla fahmo cawaaqib xumada ka dhalan karta arinka

·      In la qiyaaso qaabka ay saxaafadu uga hadashay

·      In la isla afgarto cid kale oo awoodi karta in ay arinkaan ka caawiso, khaas ahaan cid madax banaan ama gacan sadexaad

·      In la isla jeex jeexo hadii ay jiri karaan shakhsiyaad ama hay’ada kale oo arinka wax ka gali kara

·      In laga taxadaro cida ka fa’iidysan karta khaladka dhacay

·      In la diyaarsho xarun dhexe oo lagu soo aruuriyo macaluumaadka khuseeya arinkaa.

·      In loo dul qaato dagaalka dhanka saxaafada ah oo ka iminaya shakhsiyaadka, Xildhibaanada, Siyaasiyiinta ama Odayaasha dhaqanka

·      In Madaxda sare lala wadaago go’aanka ugu danbeeya, hadii ay ahaan lahayd fariimaha baxaya, jawaabha  la bixinayo iyo habka ugu wanaagsan ee loo wajahayo arinka

·      In la isla fahmo casharada laga baran karo arintaan

 Kulankaas markuu dhaco kadib waxa muhiim ah in la qaado talaabooyinkaan hoos ku qoran

·      Cadayn iyo qiimayn qalalaasaha warbaahineed

·      Isu keenitaan dhamaan dadka ku lugta leh dhacdadaan

·      Qiimayn heerka ay gaarsiisan tahay xaalada ka dhalatay qalalaasaha warbaahineed

·      Maamulida iyo xakamayn warbaahinta dowladda iyo qaybaha kale ee afka dowladda ku hadla

·      In la diyaariyo fariimo midaysan oo la siinayo saxaafada

·      In dhinacyadu isla fiiriyaan fariinta ka hor inta aan la sii dayn

·      In la qiimeeyo qaabka warbaahintu u soo xigatay fariinta la siidaayey

 

Waxaa xusid mudan mudadii  aan ku dhex jiray warbaahinta dowladda in ay dowladu u wajahday ka hortaga qalalaase warbaahineeddilkii ay ciidanka dowladu u gaysteen Allaha ha u naxariistee Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir 24, May, 2015-kii, arinkaas waxaa laga yeeshay talo balaaran, waxaana lagu wargaliyey qaybaha afka dowladda ku hadla iyagoon wax hubsan in ay dilka Xildhibaanka ka hadlaan.

Waxaa shir isugu yimid Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii xiligaas Maxamed Cumar Carte, Taliyihii Ciidanka Milateriga Gen, Indho  Qarsho, Wasiirkii Amniga Cabdirizaq Maxamed Cumar, Taliyihii Ciidanka Nabadsugida Gen, Tuuryare, iyo anigoo ahaa Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaa la isku keenay dhamaan macluumaadkii khusaysay arinkaan waxaan go’an lagu gaaray in saxaafada warbixinta la siiyo marka la soo dhamaystiro macalumaadka kusaabsan qaabka dilku u dhacay.

Saxaafada gudaha iyo mida dibada ayaa dilka xildhibaanka ka qortay hadalo kala duwan, qaar ayaa sheegay in Alshabaab ay ka danbeeyeen dilka, qaar ayaa soo qoray in dablay hubaysan ay gaysteen dilka Xildhibaanka, qaarna waxy soo qoreen in ciidamo dowlada ah si bareer ah u dileen. Alshabaab ayaa dhankooda soo saaray qoraal ay ku sheeganayaan masuuliyada dilkaas.

Warbixintii midaysnayd ee dowladu soo saaratay saacado badan kadib dilka Xildhibaaka ayaa si faah faahsan loogu sheegay qaabka wax u dhaceen, waxaana arinkaas lagu cadeeyey in ciidamada dowlada ah ay si kama’a ah u dileen xildhibaanka kadib markii kala shaki uu dhex maray Ilaaladi Xildhibaanka iyo Gaari ciidan saarnaa. Waxaa kale oo laga fa’iiday oo meesha ka cadaatay in falal badan oo ka dhaca muqdisho aysan gaysan Shabaab oo kaliya balse masuuliyadeeda ay sheegtaan.

Dulucda qoraalkayga ayaa ku qotoma in marka arinkaan oo kale uu dhaco lagama maarmaan ay tahay in la aamusiyo Afhayeenada tirada ka batay ee hay’adaha dowladda, lagana dhowrsado in saxaafada lala wadaago warbixino aysan soo saarin gudi xaqiiqo raadin ah.

 “Dabku wuxuu ku bilowdaa holac, deg degna waa u faafaa” kalamada aan laga fiirsan oo aad dhigto Twitter ama facebook waxaa saamayn ay ku yeelan kartaa siyaasada dowladda, waxaana suurtagal ah in ay dhumiso kalsoonida shacabka.

 

Diraac Salaad Fagaase

Agaasimihii Hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha hadana ah la taliyaha dhanka Saxaafada ee Wasaaradda Maaliyadda

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso