Baroortu Orgiga ka weyn: Dooeashooyinka Somaliland

Baroortu Orgiga Ka Weyn: Doorashooyinka Somaliland:

Axmed Maxamed Diiriye )(Toorno), ahmedmdiriye, Hargeysa

 Akhristoow, marka aad ciwaanka maqaalkan aragto waxaa laga yaabaa inaad u qaadato saadaal taban oo ku wajahan doorashadd madaxtooyada ee la filayo Noofember, 201. Xaasha!!! BAROORTU ORGIGA KA WEYNE, dulucdaydu waxay tahay shanta sano ee soo socota waxaa inoo qoondaysan inay qabsoomaan shan doorasho kuwaaso kala ah

 1. Madaxtooyada, November 2017

2. Goleyaasha Wakiiladda iyo Deegaanka, Abriil 2019

3. Golaha Guurtida, Abril 2020,

4. Madaxtooyadda (Tan ku xigta), Noofember 2022,

5. Ururadda Siyaasadda, Diisember 2022

 Miyaynue awoodnaa dhaqaale ahaan, waqti ahaan, iyo tamar ahaan midnaba; iyaddoo heerka shaqo la’aanta dalkeena lagu qiyaasay 70.4% (UNDP, 2012), dhaqaalaheenuna uu yahay kan adduunka ugu hooseeyaa (GDP per capita of $444).Waxaa inagaga sii daran muranka sharci iyo siyaasadeed ee ka imanaya (Ninka aan waxa soo socda garani, waxa joogana ma garto). BAL DHUGO, sida uu dhigayo xeerku

 1. Ururadda/Xisbiyadda Siyaadda” waxaa la furayaa tobankii sanoba mar (Hayee!); halkaasoo ay ururadda siyaasada ee is-diiwaan geliyaa ku tartami doonaan doorashadda “Goleyaasha Deegaanka”.

 2. Ka dibna, saddexda urur siyaasadeed ee ku guulaysta codka ugu badan ayaa noqon doonaa saddex xisbi qaran oo ka tartami doona doorashooyinka tobanka sano ee soo socota, sida Madaxtooyada, iyo goleyaash xeer dejinta. Marka la isu minguuriyo xeerkan iyo jadwalka doorashooyinka ee sare ku xusan, waxaa soo muuqanaya is-maan-dhaafyo sharciyeed iyo siyaasadeed.

Kow, muddo-xileedka Goleyaasha Deegaanka (Muddo kordhinta ee Guurtidu dhawaan gaadhay) waxay ku egtahay bisha Abriil ee 2024; halka ay tahay in urrurada siyaasada  la furo bisha Diisember ee 2022 (Waa dhamaadka tobankii sano ee ka soo bilaabay Diismeber 2012). Halkaa waxaa is-waafiqi waayay muddada xeerka ururadda siyaasada jideeyay iyo dhamaadka muddo xileedka Dawladaha Hoose. Markaa ma muddo xileedka Dawladaah Hoose ayaa lagu soo celinayaa Diisember, 2022; mise  furasgadda xisbiyadda ayaa dib loo dhigayaa ilaa Abriil 2024.

Labba, maxaa lagu qancinayaa “muwaadiniinta damaca siyaasadeed leh” ee qorshaystay inay urur siyaasadeed furtaan dabayaaqada 2022; isla sanadkaana ay ka qayb galaan tartarka doorashadda madaxtooyadda (ee tan ku xigta). Hadda ogaada, anigu waxaan ku jirraa xubnaha  DAMACA MADAXWEYNE HOLADAY, oo waxaan u diyaar garoobay inaan 2022, oo aan 60 jirsanayo inaan u tartamo jaggada Madaxweyanha (Haddii eebe idmo), maragna waa leeyahay.

Hadda weli way inoo hadhsan yihiin xeerarkii doorashad Golaha Wakiiladdaa iyo xulashada Guurtida, dib u eegida Xeerka Komishanka oo la isu miisaamo xubnaha ay xisbiayada tartamaayaa magacaabayaan, xeerkii bangiyada, wahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, iyo hebel vaa Xamaar inagu wada! (Alla waraaboow, maxaan UUUUUUUUU kaa maqlay). Waar maxaynu la fadhiisan, haddii aynu ataxiyaadkii sara-joogga ku akhrino.

 Doorashadan Madaxtoouyadda ee Noofember, 2017 laftigeeda maxaa inooga meel yaala ” haddii ay laba xisbi ku murmaan codka la kala helo”;  oo Golaha Guurtiduna ka aamuso siddii is-maan-dhaafkii loolanka Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda (Dhegga!), isla markaanago’aanka maxkamadu noqdo “xeer hoosaadka xisbiyadda iskula noqda (Agga!)”. Sow arrinkeenu noqon maayo “abootooy na fakso”, iyo cuskanno Sheekh Isaxaaqa maydh yaal, Sheekh Ismaaciil Jabarti, Sheekh Muuse Dheri,  Sheekh Samaroon Siciid, Sheekh Ciise Binu Axmed, Sheekh  Dhimbilriyaale Xasan, iyo qaar kaloo badan. ILaahaybaa la baryaa, talona waa loo baahan yahay.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso