Kulan Qeyb Ka Ah U Diyaar-garawga Doorashada Oo Agaasimaha Komishanka AIDS-ku La Qaatay Haweenka KULMIYE Ee Deegaankiisa+SAWIRRO

 

Hargeysa(Hubaal):-Agaasimaha fulinta ee komishanka xakamaynta iyo la dagaalanka aafada AIDS-ka Somaliland md. Naasir Ayjeex Jaamac ayaa kulan la yeeshay haween ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga talada haya ee KULMIYE ee kasoo jeeda deegaankiisa kuwaas oo marti qaad uu  gurigiisa ugu sameeyey kaga xog waraystay sidii  loo dardar galin lahaa hawlaha xisbiga KULMIYE ee xilligan oo ay kaabiga inagusoo haysto doorashadii madaxtooyadu. Md. Naasir Ayjeex, agaasimaha fulinta ee komishanka la dagaalanka Aidska Somaliland waxaa uu kulankan uula qaatay haweenka deegaankiisa    kula dardaarmay sidii ay u garab istaagi lahaayeen diyaar garawga uu xisbiga Kulmiye ugu jiro doorashada madaxtooyada isla markaana ay si weyn uga qayb qaadan lahaayeen ololaha xisbiga.

Sidoo kale Agaasime Naasir Ayjeex Jaamac ayaa haweenkan kula dardaarmay inay isku duubnaadaan isla markaana si wada jir ah uga shaqeeyaan hawlaha xisbiga. Dhinaca kale xubno ka mid ah haweenkan oo ka hadlay kulankan ayaa sheegay in agaasimaha fulinta ee komishanka xakamaynta Aids-ku uu noqday masuulkii ugu horeeyey ee casuuma isla markaana ay diyaar u yihin inay ka wada shaqeeyaan hawlaha xisbiga Kulmiye. Sidoo kale waxay cadeeyaan inay u diyaar garoobayaan sidii ay isku duubni u gali lahaayeen hawlaha horyaala xisbiga Kulmiye ee ay ugu muhiimsan tahay ololaha doorashada madaxtooyada, waxaanay tilmaameen inay ku dedaali doonaan sidii uu xisbiga cod badan uga heli lahaa deegaanadooda.

Advertisement

Ku Xayeysiiso