“Waa Nasiib Darro In Maayarku U Badheedho Kicin Dadweyne Oo Uu Iska Horkeeno Madaxdii Qaranka & Shacabkii Gobolka”

 

 

Badhasaabka Awdal oo iska Difaacay eedaymo uga yimi Maayerka iyo Mudanayaal Golaha Deegaanka Boorama ka tirsan

 

 

Hargaysa (Hubaa/AFTnews):- Badhasaabka gobolka Awdal Mustafe Aaden Ciise(Mustafe Shiine)ayaa dhinac iskaga duway eedaymo ay u soo jeediyeen qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka iyo maayarka Boorama,waxaanu waxba kama jiraan ku tilmaamay gudoomiyaha Awdal eedaymahaa ay ujeediyeen maayarka iyo xildhibaanada golaha deegeenka ee degmada Boorama.  Guddoomiye Mustafe-Shiine, waxa uu ku eedeeyay Maayarka degmada Boorama in uu yahay masuul magaalada boorama ka dhex wada iska horkeen shacabka iyo xukuumada ah. Waxaana uu sidaasi ku sheegay mustafe shine mar uu waraysi khaas ah siiyay Shabakada Wararka Ee Wajaalenews. Mar uu ka hadlayay Gudoomiyuhu Arimo dhul oo u ka been abuurtay maayarku iyo go,aanka uu ka qaatay dhul danguud ah oo sifo sharci-darro ah u maray Maayerka Boorama.  Waxaanu Guddoomiye Shiine oo ka hadlayaa yidhi; “Dhul dan guud ah oo wakhtigan la iibinaayo ma jiro waxa uu waddo ku sheegayaana waa dhul ay iiga soo ashkatoodeen qoys reer Boorama ah oo qayb ka mid ah uu horey u fasaxay Maayarku, intii u hadhayna ay isku seegeen qoladii dhulka lahayd iyo Maayarka kadibna ay ii soo ashtakoodeen.”

 

Mar uu ka hadlayay Gudoomiye Mustafe Shiine Awooda uu u leeyahay arimaha dhulka iyo qodobka sharaxaya waxa uu yidhi:“Sida xeer 23/2002 uu dhigayana waxa aan xaq u kee yahay haday bulshadu ii soo cabato in aan xal ka gaadho oon kala saaro.degmada iyo dadweynaha iska lusha Ma jirto dhul dan guud ah oo la.iibinaayo, dhulka danta guudna waxa igolaashihiisa lagu iibin karaa madaxweynaha , madaxweyne arrintaa loola tegay ama amrayna ma jiro”.

 

Ugu danbayntii wuxu gudoomiye Mustafe Shiine wuxuuku eedeeyay maayarka magaalada Boorama in uu kacdoon shacbi ka wado magaalada Boorama waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waa nasiib daro in maayarkii magaalada uu kicin dadweyne u badheedho oo uu madaxdii qaranka iyo shacabkii gobolka iska horkeeno oo uu ku baaqo in dadweynuhu gedoodaan oo ay ka horyimaadaan madaxdoodii” Si kastaba ha ahaatee maayarka Boorama oo wata lix xildhibaan ayaa si badheedha warbaahinta uga sheegay hadalo u muuqday iska hor imaad shacab oo amakaag ku noqday guud ahaan bulsho waynta Somaliland gaar ahaan shacabka reer Boorama.

 

  

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso