“Hadaad Arki Jirteen ‘Airhostess’ Jajaban Oo Dhoolacadaynaya Immika Waxa Soo Baxay Kuwa Caruurta Iyo Waayeelka Laad Kaga Soo Rogaya Diyaarada”

Wasiir Cali Marreexaan oo Ka Gilgishay Habdhaqan ay Shirkadda Fly Dubai Kula Kacday hooyo reer Somaliland Ah Oo shalay Laga Reebay Duulimaadkii   Diyaaraddaas Oo Uu Rakaabkeeda Ka Mid Ahaa

 

 

 

“Gabadhani Waa Somalilander Waxay Sidataa Ilmo Yar,  Waxay Airport Hargaysa Timi 4:30 Am Si Ay U Raacdo Flydubai,   Hase Yeeshe Gabadhii Iyo Ilmaheediiba Waxaa Diyaarada Lagaga Soo Rogay Khasab”

 

“Hadaad Arki Jirteen ‘Airhostess’ Jajaban Oo Dhoolacadaynaya Immika Waxa Soo Baxay Kuwa Caruurta Iyo Waayeelka Laad Kaga Soo Rogaya Diyaarada”

 

 

 

 

 

Hargeysa (Hubaal):- Wasiirka Hawlaha guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali-Marreexaan), ayaa kashifay Tacaddi iyo Fadeexad ay Haweenay Reer Somaliland ah oo Ummul ah kula kaceen Shaqaalaha iyo Duuliyaha Diyaaradda FZ660, taasoo ay leedahay Shirkadda Flaydubai, isla markaana u kala socdaalaysay Hargeysa illaa Dubai  shalay oo ay taariikhdu ahayd 25 August 2017, Gabadhaas oo si xoog iyo qasab ah lagaga reebay Diyaaraddaas oo ay ka fuushay Garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa, una raaci lahayd Dubai.

 

 

Wasiir Cali-Marreexaan, ayaa dhacdadaas uu goob-joogga u ahaa Jimcihii shalay kaga warramay Qoraal uu ku baahiyey Ciwaanka uu ku leeyahay Shabakadda Kulanka Bulshada ee Facebook, waxa uu ku sheegay in Hooyada Ummusha ah Shaqaalaha iyo Duuliyaha Diyaaradda FZ660 ee Shirkadda Fly Dubai kula kaceen tacaddi bina-aadaminnimada ka baxsan, isaguna uu Wasiir ahaan dhex-dhexaadin ka galay, markii dhex-dhexaadintaas isaga iyo Maamulka Madaarka iyo weliba Wasiirka Duulista oo Taleefan uu kula hadashiiyey Duuliyaha Diyaaradda, ergadoodu socon wayday uu Wasiir ahaan go’aansaday inuu ka hadho Diyaaraddaas. Balse, Wasiirka Duulista Farxaan Aadan Haybe oo ka marag-kacay in Gabadhaas Diyaaradda laga reebay, ayaa taageeray go’aanka Duuliyaha, isla markaana sheegay inuu Wasiir ahaan xal u arkay in Gabadhaas Diyaaradda laga reebo, sida uu ku dooday.

Qoraalkaas Wasiir Cali-Marreexaan ku baahiyey Bartiisa Facebook uu ku leeyahay oo aannu ka soo xigannay, waxa uu u dhignaa sidan:- “Gabadhani waa Somalilander (Reer Somaliland) waxay sidataa ilmo yar, waxay u socotay UK (Ingiriiska) waxay Airport (Madaarka) Hargaysa timi (gashay) 4.30 am (Saaka) si ay u raacdo (Diyaaradda) Flydubai. Anigu waxaan airport (Garoonka Diyaaradaha Hargeysa) imi (tegay) 6.40am si aan u raaco Flydubai. Hase-yeeshee, Gabadhii iyo ilmaheediiba waxa Diyaaraddii lagaga soo rogay khasab. Diyaaraadda waxaa la fuulay 7.40am (saaka), Gabadha iyo ilmeheeda waxay fadhisteen Kursigii loogu talo-galay, hase-ahaatee Islaan Waayeel ah oo aan kici karayn ayey isu beddeleen Kursigii.

Wax yar ka dib inan (Gabadh) Caddaan ah oo Shaqalaha Diyaaradda ka mid ah ayaa u timi Gabadhii, waxay u sheegtay in ay Kursigedii ku fadhisato waxay ku tidhi; ‘ka Daaqadda ma fadhisan karo, waayo ilmo yar ayaan haystaa, waxaa laga yaabaa in aan kackaco oo aan Musqusha u baahdo’. Gabadhii Shaqalaha ahayd way ku adkaysatay. Nin kale oo Rakaabkii Diyaaradda ah ayaa yidhi; ‘kayga ha fadiisato’. Gabadhii Shaqaalaha Diyaaradda ahayd way cadhootay, waxay u tagtay Captain-kii (Duuliyaha) Diyaaradda waxay go’aan ku gadheen in Gabadha iyo ilmaha yarba Diyaaradda laga dejiyo.

Waxaa Diyaaraddii soo fuulay Shaqaale Soomaali ah oo u shaqaynayey Flydubai, waxay Gabadhi u sheegeen in ay ka degto Diyaaradda. Waxay tidhi; ‘maxaan sameeyey?’ Waxaa lagu yidhi; ‘Waxaad cayday inan (Gabadh) Shaqaalaha Diyaaradda ka mid ah. Waxay tidhi; ‘Cidna maan caayin’. Laakin, lama dhegaysan. In yar ka dib ayaan soo dhexgalay Innamadii Soomaalida ahaa, waxay ii sheegeen in aan wax weyni jirin. Laakiin, Captainku (Duuliyuhu) amar bixiyey, waxaanay iga codsadeen bal in aan Duuliyaha (Kabtanka) ladlo. Kabtankii ayaan ugu tegey Qolka Diyaaradda laga wado, waan isu sheegay wuu soo yara kacay wuu isasoo taagay, waxan ka codsaday in aan Gabadha iyo ilmaha yar la dejin, wuxu iii shegay in ay go’aan ku gaadheen in aanay racin Gabadhaasi. Diyaaraddi, waxay habsaantay saacad iyo toban daqiiqo. Markii uu Aniga iyo Managerka airprortka (Maamulaha Madaarka) naga diiday, waxaa Teleefan kula soo hadlay Wasiirka Duulista, hase-yeeshee insa waa la diiday. Markaa, waxaan Anigu go’aan ku gaadhay in Aniguna aan ka dego Diyaaradda. Inkasta oo ay isku dayeen in ay igu qanciyaan in aan raaco Diyaaradda haddana waxaan soo raacay Gabadhii ilmaha yar sidatay. Sidaas ayaannu Aniga iyo Gabadhii-ba kaga hadhnay Diyaaraddii. Waxaa ila soo hadlay markiiba regional diractorka (Agaasimaha heer gobol) ee Flydubai, wuxuu ii soo garaacay raalligelin, laakiin waxaan u sheegay inuu raalligelin siiyo Miskiintaa la dulmay (Gabadha Ummusha ah), shaqaaloodana waxay sameyeen ay ahayd Masuuliyad-darro. Waxaanu imminka raacaynaa Daalo ama Juba. Haddaad arki jirteen airhostess (Shaqaale Diyaaradeed) oo jajaban oo Rakaabka soo dhaweeya oo dhoolla-caddaynaya oo Carruurta iyo Waayeelka caawinaya imminka waxa soo baxay kuwo laad kaga soo rogaya Diyaaradda.” sidaa ayuu Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Cali-Marreexaan ku yidhi Qoraalkiisa uu Facebook ku baahiyey ee uu dhacdadaas kaga warramay. Geesta kale, War-Saxaafadeed ay caawa soo saartay Shirkadda Flydubai, ayaa lagu sheegay in baadhitaan buuxa ay Shirkaddu ku samayn doonto dhacdadaas iyo siday ku timi, waxaannay ku doodday in Gabadhu diidday inay Diyaaradda ka hadho. War-Saxaafadeedkaas Flydubai ka soo baxay oo lagu sheegay inuu soo saaray Afhayeen aan la magacaabin oo Magaca Shirkaddaas ku hadlay, waxa lagu ammaanay aqoonta iyo xirfadda Shaqaalaha Diyaaraddooda FZ660, kuwaas oo lagu sheegay kuwo tabobbaran. Waxaana Qoraalka Warkaas lagu yidhi; “Gabadh rakaab ahayd ayaa diiday inay fadhiisato kursigii ay siiyeen shaqaalahaayaga diyaarada ee tobobaran taas oo diiday inay raacdo diyaaraad oo ay tagto Dubai oo ay ku socotay kana hadhay.” “Waxaannu ka raalli-gelinaynaa dhammaan Rakaabkii saarnaa Diyaaradda wixii uga yimid dib u dhicii ku yimid Duullimaadka. Waxaannu wadnaa baadhitaan dhammaan ciddii ku lugta lahayd. Duullimaadka Lambarkiisu yahay FZ662 oo Hargeysa illaa DXB ah, waxa uu dib u dhacay isu-geyn 1 Saac iyo 39 daqiiqo.” Sidaa ayaa lagu yidhi qayb ka mid ah War-Saxaafadeedka Flydubai ka soo baxay xalay. Hase-yeeshee, Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa isaguna ka hadlay Gabadhaa Diyaaradda Flydubai laga reebay Maanta mar uu Warbaahinta qaar Hargeysa kula hadlayey, waxa uu yidhi; “Duullimaadkii Flydubai ee tegayey (shalay) Boqol iyo Dhawr iyo Afartan Rakaab ah ayaa raacayey, Gabadh baa ku jirtay Rakaabkaas, Gabadhu ilmo yar ayey wadatay, markaa waxay fadhiisatay Kursi aan keedii ahayn, Sharciyan Diyaaradaha caalamiga ah Qofkasta Lambarka Kursigiisu wuxuu u yaallaa halka uu ka gudbayo, waa sharciyan Qof weliba inuu Kursigiisa fadhiisto. Markaa, Gabadhaasi Kursi aan keedii ahayn bay fadhiisatay, Gabadh Shaqaalaha Diyaaradda ka mid ah baa u tagtay, waxay ku tidhi; ‘Kani maaha Kursigaagii ee kaagii fadhiiso’. Gabadhi way la dagaallantay, waanay caytantay, dabeedna Gabadhii Shaqaalaha ahayd way isku xanaaqeen oo aad buu afku uga xumaaday, sidaan Warbixinta ku hayo ee ay igu soo siiyeen Maamulka Madaarku. Intaasi markay dhacday Maamulka Madaarka iyo Hawl-wadeennada kale waxay isku dayeen arrinta inay dejiyaan, Rakaabkii oo dhanna Guux baa dhex-galay, Diyaaradahana waxaasi uma fiicna oo Amnigooda iyo ilaalintoodu waa arrin xaasaasi ah.” Mar uu Wasiirka Duulistu ka hadlayey waajibaadka Duuliyaha Diyaaradda iyo Sharcinnimada go’aanka uu qaatay, waxa uu yidhi; “Warbixintaa waxa la gaadhsiiyey Duuliyaha Diyaaradda wada, go’aan buu qaatay ah inaanu Qofkaasi Diyaaradda raacin maaddaama oo uu dagaallamayo, waana sharci oo xaq buu u leeyahay (Duuliyuhu). Markaa, Wasiirku waxa uu ka mid ahaa Rakaabka Diyaaradda raacayey, Rakaabka oo dhan ama Madaxweyne ha noqdo ama Wasiir ha noqdee marka uu Diyaaradda gudeheeda galo waxaa ka masuul ah Duuliyaha Diyaaradda, Qofka Masuulka ahi markuu Diyaaradda galo masuuliyaddiisi way ka wareegtay oo waxa ka masuul ah Duuliyaha Diyaaradda.” Wasiirka Duulistu waxa uu sheegay markii arrintaa loo soo sheegay inuu Taleefanka kula hadlay Kabtankii Diyaaraddaas Flydubai, waxaanu sheegay inuu laba Qodob soo jeediyey oo kala ah in Diyaaraddu Rakaabka oo dhan ka tagto oo Madhnaan ay ku tagto oo aanu dammaanad-qaadi karin ammaanka Rakaabka iyo Diyaaradda toona haddii Gabadhaasi raacdo iyo qodobka labaad oo ah in Gabadhaas laga dejiyo oo aanay Diyaaradda raacin, go’aankaaska uu xaq u leeyahay.

Dhinaca kale Wasiirka hawlaha guud oo isaga oo xalay ku sugan magaallada Dubai khadka telefoonka kula soo xidhiidhay wargeyska HUBAAL ayaa sheegay in  gelinkii dembe ee shalay ay isaga iyo hooyadii lammaanayd raaceen diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee JUBBA, halkaas oo uu xalay transit ku ahaa ugana sii gudbi doono dhinaca wadanka Turkiga oo markii hore uu socdaalkiisu ku jihaysnaa, halka ay hooyadii  kale iyo ilmaheediina u sii gudbayaan dhinaca wadanka ingiriiska ee ay markii hore ku socdeen. Wasiirka ayaa wargeyska HUBAAL u sheegay in go’aankan uu qaatay kadib markii uu arkay sida ay u dhaqmayaan  masuuliyiinta shirkadda Fly Dubai oo iyadu kal hore duulimaadyo rasmi ah oo dakhli badani kasoo xeroodo ka bilowday dalkan Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso