Hoggaamiyaha Bulshaawiga Ah VS Igu Sawir: W/Q Mawliid Cali-dhure

Hoggaaminta bulshaawinimada leh waa tan hoggaamiyuhu si dabacsan ku raadiyo xidhiidh wanaagsan oo farxad leh in uu la yeesho bulshada. Hoggaamiyeyaasha bulshaawiga ah waa kuwo saaxiibtinimo leh, jecel in ay dadka dhexqaadan, hab-dhaqan fiican, xeelad badan oo diblamaasiyad leh. Waxay xasaasiyad ka qabaan baahiyaha dadka iyaga oo degdeg uga jawaaba, islamarkaana tusa siday u danaynayaan wanaaggooda. Waa kuwo leh xirfadda dad la dhaqanka, islamarkaana abuura jawi iskaashi oo ay la leeyihiin dadka ay hoggaaminayaan1.

Tusaale ahaan: Michael Hughes wuxuu ahaa hoggaamiye weyn oo jaamacadeed, Waxa uu danayn jiray ama door bidi jiray in uu dhex socdo  Kambaska jaamacadda oo salaamo ardayda, shaqaalaha iyo hawl-wadeennada kulliyadaha kala duwan. Marmarka qaar waxa uu dhex tagi jiray Meheraddaha(Cafeteria) laga nusa-saceeyo isaga oo ardayda waydiisan jiray in uu la fadhiisto iyana ay soo dhawayn jireen. Waxa uu isticmaali jiray qoraallo uu ku boggaadinayo ardayda, kulliyadaha iyo hawl-wadeennada shaqada fiican qabtay, kuna ogaado baahiyahooda. Ardaydu waxay ku qiimeeyeen hoggaamiye la heli karo oo si sahlan loola qabsan karo, halka kulliyaduhuna ku qiimeeyeen in uu ahaa qof siyaasad albaabo furan leh ku dhaqma2.

Hoggaaminta waxa loo qaybiya laba nooc oo kala ah: Hoggaamin u dhalasho ah(Trait Leadership) iyo hoggaamin barasho ah(process). Hoggaamintan waxay ka mid tahay nooca u dhalashada ah ee ay dabada ka riixayaan waxyaabo qofka ku oogan oo ah tayo ama karti u dhalasho ah in uu daneeyo wax ka qabashada baahiyaha bulshadiisa, islamarkaana dhibta iyo dheefta la qaybsado. Waa arrin la baran karo laakiin, kollay aan lagu gaadhi Karin qofka ku soo dhashay hibada noocan ah.

Horraantii 2016 markii diwaangelinta codbixiyeyaashu ka bilaamatay gobolka Togdheer ee Somaliland waxa halkaasi ku loolamay musharraxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo musharraxa  Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro). Waxa ololahaas ka soo noqday sawirro si weyn looga falceliyay oo ay ka mid ahaayeen Musharrax Muuse oo la sawiray isaga oo lisaya hal wayd ah oo duruuf ba’ani ka muuqato iyo Musharrax Cirro oo Mooya Saxo ku qulaaminaya waxar yar, marna qoys uu goor habeen ah taakulo siinayay la daba siday khashaafad si loogu sawirro. Bulshadu arrintan waxay ka soo saartay hal hays ah ‘Igu Sawir’ taas oo macnaheedu yahay in madaxdii is tusnimo waddo halkii  ay xoogga saari lahayd waxay dadka tarayaan.

Waxa taas baro dhaafiyay madaxda Soomaaliya loo doortay ee Farmaajo iyo Khayre oo dhawaan uu ku kacay duufaanno loo bixiyay ‘IGU SAWIR” ololahani wuxuu soo bandhigay sawirro boqolaal ah oo madaxdu iska qaaday iyada oo hawlo ka qayb galay laakiin, markii loo fiirsaday muhiimaddu aanay ahayn in ay hawsha qabtaan ee ay ahayd in ay isku sawirraan oo bulshada samcad kaga raadiyaan.

Hoggaamiyeyaashu waxay bulshada ku soo jiitaan ficillada wanaagsan ee khuseeya danahooda guud. Hoggaamiyeyaashan Soomaalida ee ay ahayd in ay waxay qabanayaan bulshada ku soo jiitan waxay u muuqatay in ay lidka tagtay oo loo arkay madax is-tusiin ah taas oo aanay bulshadu jeclaysan sawirrada madaxdu faafinayso tallaabo kasta oo ay qaadan.

Tusaale ahaan; Musharraxa Waddani Cabdiraxmaan Cirro waxa uu ku fiican yahay in uu bulshada la wadaago dareenkooda sida: in uu guryahooda ama cisbitaallada ku bookhdo dad xanuunsanaya ama uu tacsi ugu tago qoysas geeri ku dhacday, in uu noqdo qofka u horreeya ee bookhda ama waxtara dad tabaalaysan oo saxaafaddu soo tabisay xaaladdooda, waxaase nidaamkan fiican ee dareen qaybsiga ah dhalliil u soo jiida in uu kaxaysto koox wariyeyaal ah, islamarkaana sawirro iyo muuqaallo laga duubo kadibna dadka dhalliilsan ku dhejiyaan fasiraad ah in ay is tus-tus ka tahay. Hoggaamiyaha Kulmiye Muuse Biixi kuma fiicna arrimaha noocan ah, waxa se suuro gal ah in uu ku fiican yahay waxyaabo kale sida: in uu ku fiican yahay toosnaanta ama raacista sharciga oo loo arko nin adadag oo nidaamkiisa toosnaan laga filan karo.

Gabogabo: Inkasta oo ay jiraan habab badan oo hoggaamineed Hoggaamiyeyaasha Soomaalida ayaa muddooyinkii u dambeeyay u arkay in sida kaliya ee ay dadka ku soo jiidan karaan tahay in ay bulshada la socodsiiyaan oo baraha bulshada iyo warbaahinta u mariyaan tallaabo kasta oo ay qaadayaan, iyada oo marar badan ay bulshadu ku mashquulan sawirro la naqdiyayo qolana difaacayso. Waxa habboon in taageerayaasha xisbiyadu darsan ama bartaan hadba hannaanka hoggaamineed ee musharraxoodu ku fiican yahay si ay ugu iib geeyaan waxyaabaha uu ku fiican yahay.

Xigasho:Leadership Theory and Practice, 20131/2

Mawliid Cali-dhure

Suxufi/Siyaasadda waxka bartay

Mawliid2014@gmail.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso