Gudaha Ka Eeg :Garabka Dhallinyarada Heer Qaran ee Xisbiga KULMIYE oo Hadhimo-sharafeed Ku Maamuusay Mudane Katirsan Golaha Deegaanka Manchester

Garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE, ayaa hadhimo-sharafeed ku maamuusay xildhibaan Mahdi Xuseen Shariif Maxamed oo katirsan golaha deegaanka ee magaalada Manchester ee carriga Ingiriiska, dhalasho ahaanna kasoo jeeda Somaliland.
Hadhimo-sharafeedda garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE ku maamuuseen mudanahan oo kamidka ah xildhibaanada ugu da’da yar golaha deegaanka oo ka dhacday Hutel Maansoor Maanta, ayaa waxa ka qaybgalay xubnaha garabka dhallinyarada oo uu gadh-wadeen u yahay guddoomiye Cabdinajax Siyaad aw Cabdi iyo xubno kale oo kamid ah dhallinyarada xisbiga KULMIYE taageerta, kuwaas oo uu kamid yahay guddoomiyaha Bristol Youth Concern Md. Khaliil Aadan Cabdilaahi iyo xubno kale.
Xubnaha dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE, ayaa munaasibadda hadhimada ah waxa ay si weyn isugu waraysteen xildhibaan Mahdi Xuseen Shariif, iyada oo halkaas la isku hogo-tusaaleeyey sidii dhallinyarada xisbigu kor ugu qaadi lahaayeen hawlaha muhiimka ah ee ay xisbiga u hayaan, isla markaana ay xidhiidh toos ah ula yeelan lahaayeen dhiggooda reer Somaliland ee dibadaha ku nool.
Garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE waxa ay sidoo kale xildhibaanka la wadaageen hannaanka ay hawlahooda u wadaan, iyada oo uu xildhibaanka laftiisuna usoo bandhigay fikrado midho-dhal ah oo ay guul degdeg ah ku gaadhi karaan.
Xildhibaan Mahdi Xuseen Shariif, ayaa si weyn uga mahadceliyey sida garabka dhallinyarada heer qaran ee KULMIYE u sharfeen, waxana uu ballan ku qaaday inuu qayb libaax ka qaadan doono sidii ay dhallinyarada KULMIYE u noqon lahaayeen kuqo guulaysta, isla markaana uu la wadaagi doono afkaar iyo afcaal hawlaha ay xisbiga u hayaan wax weyn ka tari kara.
Haatan ka hor ayey garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE kulan soo dhaweyn ah xildhibaanka kula qaateen xaruntooda guud ee caasimadda Hargeysa, waxana ay tani marag ka tahay sida garabka dhallinyarada KULMIYE diyaarka ugu yihiin inay kasbadaan aqoonyahanka reer Somaliland ee saamaynta ku leh dalalka qurbaha ee ay ku nool yihiin.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso