Xoghayaha guud ee Waqooyiga Ameerika ee kulmiye oo boogaadin u dirtay bulshada sool iyi sanaag ee sida diiran u soo dhaweeyay waftigii kulmiye

XOGHAYAHA GUUD EE WAQOOYIGA AMEERIKA EE KULMIYE OO BOGAADIN U DIRTAY BULSHADA G/SOOL IYO SANAAG EE SIDA DIIRAN U SOO DHAWEEYAY WAFTIGII KULMIYE

Xoghayaha Guud ee Waqooyiga Ameerika Marwo Samia Fishar ayaa ugu horayn hambalyo iyo bogaadin hawada u marinaysa bulshada ku dhaqan deegaanada gobolada Sool iyo Sanaag, sidii diiranayd ee ay waftigii musharaxa kulmiye u soo dhaweeyeen uguna muujiyeen cududa taageero ee ay u hayaan Musharaxa Xusbiga Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi. 

Marwo Samia fishar Xoghayaha Guud ee Waqooyiga Ameerika oo hadalkeeda ku bilawday, ilaahay ayay mahadi u sugnaatay marka xigtana waxa aan aad ugu mahadnaqayaa bulsho waynta gobolada Sool Iyo Sanaag sida xilkasnimada leh ee xusbinimada dhabta ah ee bulshada deegaankaasi ay ugu soo dhaweeyeen waftiga uu hogaaminayay musharaxa jagada madaxwayne ee Xusbiga Kulmiye uguna muujiyeeen taageerada laxaadka leh ee ka turjumaysa guusha balaadhan ee uu waftigaasi ka soo hooyay goboladaas. 

Marwo Samia waxa ay si maamuus iyo qadarin leh ugu dheeraatay sida ay xusbiga kulmiye hiilka ugu muujiyeen dadwaynaha deegaanka gobolada bariga somaliland iyadoo xustay inay yihiin hal-bawlaha guusha xusbiga isla markaana waxa ay is barbar dhigtay Xusbiyada dhigiisa ah ee Wadani iyo Ucid oo iyaga uu kaga itaal roonaaday deegaanadaas taasina ay sababteeda leeyihiin dadka halkaasi ku dhaqan oo xusbiga kulmiye wax-qabadkiisi ku ayiday isla markaana hogaamiyaha ahna Musharaxa Xusbiga Kulmiye na sheegtay inuu yahay midka uu kulmiye axsaabta kale dheer yahay markaad eegto habkiisa hogaamineed ee ay ku muuqato astaamaha hogaamiyaha fiican oo ah Hal-adayga iyoGo’aan qaadashada, taasina ay tahay midka ay bulshada deegaanadasi ku qanceen ee ay ugu hibeeyeen taageeradooda Marwo Samia oo hadalkeedii sii wadaa waxa ay sheegtay in dhamaan bulshada reer somaliland ay u yihiin shacbiga deegaanada Sool iyo Sanaag kuwo ku dayasho mudan oo tusaale u noqon kara isla markaana u hor-seedi kara Somaliland inay yeelato hogaamiyihii ku haboona oo ah Musharaxa Xusbiga Kulmiye. 

ALLA MAHADLE. 

Xoghayaha Guud ee Waqooyiga Ameerika ee Kulmiye. 

Marwo Samia Fishar.

Ottawa Canada

Advertisement

Ku Xayeysiiso