Warbixinta Afar Bilood-ka ah ee xaaladda warbaahinta Somaliland ku sugan tahay ,Xarunta Xuquuqul Insaanka

 Warbixinta afar biloodka ah ee xaaladda warbaahinta Somaliland ku sugan tahay

 

Afar bilood kasta Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay soo saartaa warbixin afar bilood le ah oo ku saabsan xaaladda warbaahinta Somaliland. Warbixintu waxaay ku dhisan tahay kormeer ay samayso Xaruntu. Warbixinta afar bilood laha ah ee ay hadda soo saartay waxaay ku waramaysaa 11 April ilaa 7 August 2017 wixii dhacay. Mudadaas gudeheeda kow iyo toban suxufi ayaa la xidhay, hal suxufi ayaa dacwad lagu soo oogay halka shan bog (website) la xayiray.

 

Warbixintani waxaay muujinaysa deegaanka adag ee ay ku shaqeeyaan warbaahinta Somaliland xilli ay doorasho soo socoto. Dawladda Somaliland waa inay joojiso kadeedka ay ku hayso warbaahinta.

 

Kow iyo toban suxufi ayaa la xidhay tan iyo April, halka kow iyo toban kalena la xidhay sanadkan bilawgiis, taas oo ka dhigaysa suxufiyiinta la xidhay sanadkan 22 suxufi.

 
Second Quarterly Report

Advertisement

Ku Xayeysiiso