Gudaha Ka Eeg : Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Masar .

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Qaahira Ee Masar .

Madaxweyne Farmaajo oo garab taagan Madaxwryne Sisi ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ciidanka Masar iyada oo la garaacay muusigga astaanta u ah labada calan ee Soomaaliya iyo Masar.

Wadahal fool-ka-fool ah oo ay labada Madaxweyne ay yeesheen ka dib ayay wadahadal yeesheen labada Madaxweyne iyada oo ay kala qeyb gelayaan wasiirro labada dhinac ah.

Ka dib qado sharaf ayuu Madaxweynaha Masar u sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo ka kooban Wasiirro, Xildhibaanno iyo Taliyaha Booliiska waxaa la dejiyay qasriga Qubba ee magaalada Qaahira.

 

 

 

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso