Gudaha Ka Eeg : Xisbiga KULMIYE Oo Xafiis Cusub Ka Furtay Abaarso

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, ayaa si rasmi ah xadhigga uga jaray xafiis cusub oo uu xisbiga KULMIYE ku yeelan doono magaalada Abaarso ee duleedka galbeed ee magaalada Hargeysa.
Munaasibadda xadhig-ka-jarista xafiiska cusub ee KULMIYE ka furtay magaalada Abaarso, ayaa waxa ka qaybgalay xubno kamid ah hoggaanka sare ee KULMIYE, wasiirro, xildhibaanno goleyaasha deegaanka katirsan, maamulka gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE, cuqaal, madax-dhaqameed iyo taageerayaal tiro badan oo xisbiga KULMIYE ka tirsan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo nuxurkoodu ahaa sidii shacabka deegaanka Abaarso isu garab taagi lahaayeen xisbiga KULMIYIE iyo murrashaxiisa, isla markaana xafiiska cusub loogu fududayn lahaa dhammaanba hawlaha ay taageerayaasha xisbiga ee deegaanku u baahan yihiin.
Maamulka xisbiga KULMIYE ee magaalada Abaarso oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada laga leeyahay xafiiska cusub ee xisbigu halkaas ka furtay, waxana ay sheegeen in xafiisku u furan yahay dhammaanba taageerayaasha xisbiga ee deegaanka, isla markaana uu noqon doono biriish xidhiidhiya taageerayaasha iyo hoggaanka sare ee xisbiga.
Siyaasiyiin, xildhiibaanno iyo saraakiil kale oo xisbiga KULMIYE katirsan, isla markaana kasoo jeeda deegaanka Abaarso oo madasha ka hadlay, ayaa bogaadiyey dedaalka uu xisbiga KULMIYE ugu jiro inuu taageerayaashiisa u sameeyo xarumo ay hawlahooda ku qabsadaan, waxana ay taageerayaasha xisbiga ee deegaanka ku adkeeyeen inay isku duubnaadaan, isla markaana xafiiska loo furay si joogto ah ugu xidhnaadaan.
Cuqaasha, waxgaradka iyo madax-dhaqameedka magaalada Abaarso oo iyaguna hadalka u kala dambeeyey iyo maamulka gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE, ayaa shacabka deegaanka kula dardaarmay inay isku duubnaadaan, isla markaana u hagar baxaan hawlaha xisbiga KULMIYE, maadaama waqtigii ololuhu dhawaan bilaabmi doono.
Wasiirka wasaaradda caddaaladda Somaliland Md. Axmed Faarax Cadarre, ayaa isaguna shacabka reer Abaarso ku adkeeyey inay gacmaha isu qabsadaan sidii ay qaybtooda uga qaadan lahaayeen guul uu xisbigu kasoo hooyo doorashooyinka soo socda, isaga oo xisbigana ku bogaadiyey dedaalka uu jiro inuu xarumo u sameeyo taageerayaashiisa.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere oo isagu xafiiska cusub xadhigga ka jaray, ayaa sheegay inay xisbiga KULMIYE ka go’an tahay inay si hu fan isugu xidhaan taageerayaasha xisbiga eek u dhaqan magaalooyinka kala duwan ee dalka, waxana uu bogaadiyey sida diirran ee shacabka xisbiga KULMIYE taageersani halkaas ugu soo dhaweeyeen.

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso