Geeraar : Colaad Taag Uma Hayno. By Maxamuud Ibrahim

GEERAAR: COLAAD TAAG UMA HAYNO. BY: MAXAMUUD IBRAHIM (XAAJI)

GEERAAR: COLAAD TAAG UMA HAYNO BY: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)
Culaab baa is dul fuushoo
Tii horaa na cuslaysoo
Colaad taag uma haynoo
Cayn-na daaba warkeeda 
Casiisoow naga baaji

Cirsanyeedhkii dhawaaqiyo
Kii cimaamada saariyo 
Cuqdadloowga agjoogiyo 
Inta ciilka sokeeye 
Camaloo dhan ka doortay 
Alloow cayn ka badbaadi.

Cuqdad yuururta koow dheh 
Iyo caamada yaacda 
Catir caano ku dhuuqe
Cumdahaa gurxamaaya 
Waa calaamad suaale 
Horta yaa calan saartay?

Cirrid yaambiyo foosto 
Iyo coomirka joofle 
Candhmeydliyo dhoobbi
Iyo caaglahan waashay 
Yay cawaansanayaanoo 
Cidda keenay horteeda?

Cumbush-caambushkan gaaban
Iyo Cawlkan hagaasay 
Cubeydkaa isha qaydan 
Iyo kooxdan cammuuda 
Weli caasha ku haysa 
Yaa ciqaamada siiyey?

Ilma ciije waraabe 
Iyo ciiro-malluugan 
Cali-Caaruf dirkiisa
Iyo cawradan waalan 
Waa calaamad su’aale 
Horta yaa cashar saaray?

Colka Faysal waraabiyo
Kuwii Caynaba aadee 
Dabadeedna carraabee 
Caynka hooska ka giijee 
Citimaadka Hargeysa 
Ku saxeexay ciyoonba 
Caasiyiinta riddoobay
Cafis yaa horta siiyey?

Warbal caallahan qaaddan
Culuqaa ku lammaan iyo
Dadoow caaqan agtiisa
Siduu caano ka nuugi
Dhanna ciirsanba waayey
Ciqaab Eebbe miyaa?

Cirka roobka yareeyiyo
Cudurkii kal horeeto
Ku asiibay carruurta
Een cirroolaha dhaafinee
Carradoo dhan ku faafay
Inuu Caadilku keenay
Cilmi baa ku sagnaadee
Miyaynaan cibro qaadan?

Culaab baa is dul fuushoo
Tii horaa na cuslaysoo
Colaad taag uma haynoo
Cayn-na daaba warkeeda 
Casiisoow naga baaji

dalmarbilaal@gmail.com

By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

Advertisement

Ku Xayeysiiso