Gudaha Ka Eeg :Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Oo Maanta Qaaday Imtixaan Loogu Tartamayo Kaalmo Shaqo Oo Ka Banaanaa Wasaarada Cusub Ee Dhaqanka Iyo Dalxiiska

Maanta waxaa si rasmi ah loogu fadhiistay imtixaan loo galayo wasaarada dhaqanka iyo dalxiiska oo shaqooyin ka banaanaayeen.

Imtixaankan oo mudooynkii u dambeeyey baahintiisu ku jirtay Jaraaidka dawlada ee Dawan iyo warbaahinta dawlada ayey soo xaraysteen tiro ku dhaw 240 shaqo doon ah.

Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha iyo masuuliyiinta Hay’adda shaqaalaha oo madasha imtixaanka ka hadlay ayaa xusay sida ay uga go’an tahay in shaqo walba oo qaranka ka banaanata loo mari doono hanaanka hufan oo kale isla markaana hay’adda shaqaaluhu kaga dhabaysay balankii Caddaalada ee ay dhalinyarada dalka horay ugu balan qaadeen.

Arintan ayaa noqonaysa bilowga rajo iftiimaysa oo dhalinyarada dalka u bilaabantay iyadoo meesha ka saaraysa madmadaw dambe oo wax lagu xusho.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in shaqaalaha dawlada ee sanadkan 2017 miisaaniyada ku jiray wali hakad ku jiraan balse maadama wasaaradani cusub tahay tixgalin gaar ah loo sameeyey.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso