Gudaha Ka Eeg :Faah-Faahin Ku Saabsan Halka Uu Salka Ku Hayyo Khilaafka Hogaamiye Xirsi Iyo Gudoomiye Cirro .

Waxaa mudooyinkii u danbeeyay si wayn loo faaqidayay khilaaf la sheegay in uu ka dhex qarxay Gudoomiyaha WADDANI Mudane Cirro iyo Hogaamiyaha Xisbigaasi Mudane Xirsi .

Xogo hoose oo ay Shabakadda Togaherer ka heshay  ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay, ayaa sheegay in khilaafka Hogaamiye Xirsi iyo Gudoomiye cirro uu salka  ku hayyo ismaan dhaaf soo kala dhex galay labdan masuul oo ku tacalluqa xil-qaadis lagu sameenayo masuulyiin ka tirsan Xisbiga WADDANI .

Xogaha ayaa intaasi ku daraya in Gudoomiye Cirro uu soo jeediyay in la baddalo Gudoomiyaha Ololaha Xisbiga Mudane Xamse Khayre, Waxaana soo jeedintaas ka biyo-diiday Hogaamiye Xirsi, Waxaanu isna ta baddalkeeda Soo jeediyay in la baddalo labada Xubnood ee Xisbiga WADDANI Matala ee la shaqeeya Komishanka, iyo in la baddalo Xog-hayaha Guud Ee WADDANI Mudane Uur-cade .

Soo jeedinta Hogaamiye Xirsi ayaa laf Dhuun-gashay ku noqotay Gudoomiye Cirro iyo Mus-dambeedka uu taladooda ku shaqeeyo, waxaanay u sheegeen in ay adagtahay in xilka laga qaado Xog-hayaha Guud Ee Xisbiga, Maadaama lagu doortay Shir-wayne, Waxaanu Xisi ku adkaystay in Xilka laga qaadi-karo oo Xisbigu ka fadhiisan-karo .

Si kastaba ha ahaate Waxaa ugu danbayn la isla qaatay In la sugo Gudoomiye Cirro inta uu ka  soo laabanayo Safarka uu ku marayo Gobolada Bari, Waxaana la filaya in uu Maanta uu Gudoomiye Cirro ku soo laabto Hargaysa isaga iyo waftigii uu hogaaminayay, ka dibna la gudo-galo xallinta khilaafka Gudoomiye Cirro iyo Hogaamiye Xirsi .

Waxaa Xusid Mudan Waraysi Hargaysa lagula yeeshay Hogaamiye Xirsi, ayaa uu ku beeniyay khilaafkaas, wallow aanu bixinin jawaab waafi ah oo muujin karta in aanu jirin khilaaf, balse u eekayd mid diblumaasiyadeed, maadaama khilaafku uu yahay wax inta badan ka dhex qarxaa Madaxda Siyaasadda .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso