Gudaha Ka Eeg :Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Dagaal-Ka Socda Magaalada Buuhoodle + Sababta Hurisay Dagaalkan .

Dagaal sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jiraa ayaa maanta ka dhacay Magaalada Buuhoodle .

Waxaana dagaalkani uu dhex maray laba beelood oo walaalo ah, iyadoo dagaalkuna uu yahay mid la isku adeegsanayo rasaas .

Ilaa hadda inta la ogyahay tirade dhimashadu waxay kor u dhaaftay 10-Ruux, halka dhawacuna uu gaadhayo dhawr iyo toban ruux, wallow aan wali la xaqiqijin .

Dawladda Somaliland ayaa walaac ka muujisay Dagaalkan, waxaanay sheegtay in ay ka fiirsanayso in ay faro-galiso dagaalkaas, si ay u kala dhex gasho labadan beelood, oo ay damiso colaadaas saaka hurantay Deegaankaasi .

Beelaha Dagaalkani dhex marayo ayaa kala  ah, Cali Garay Iyo Reer Hagar, oo wada deegaanka Buuhoodle .

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka bilaabmay, ka dib makii Nin ka soo jeeda Beelaha Cali Garay uu dilay Nin Reer Hagar ah, ka dib-na Ninkii Dilka gaystay ayaa waxaa soo qabtay Reerkii uu ka soo jeeday ee Cali Garay, haddana waxaa ninka dilka gaystay sii daayay nin Taliye ah oo ciidan Maleeshiyaad ah haysta oo Cali Garay ah, waxaanay taasi cadho-galisay Beesha Reer Hagar, waxaanay Kaga fal-celiyeen in ay dilaan nin isna ka soo jeeda Beesha Cali Garay, waxaana halkaasi ka bilaabmay Dagaal labada dhinac ah oo ku dhex maray Gudaha Magaalada Buuhoodle .

Wararku waxay intaas ku darayaan in uu hadda dagaalkii uu soo qaboobayo, iyadoo wali la maqlayo Dhawaqa Rasaasta .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso