Xisbiga Waddani waxaan u aqoonsaday xisbiga ay ku bahoobeen : ☆. Mujrimiintii, tacaddi & dulmi falayaashii shalay ee gurtay xoolihii ummadda.

Nin Kastoo dakano galay,Qoluu dabada geliyoo,
Denbi dhacay sas’uul ma le,Markaad hebel duqaysaa, Reer hebel damqanayaan!.

Dabatiyo Nin Deero u Suntaday  Kala War La’aa.

 

Ax-saabtu markay u ordayaan hanashada hogaaminta dalka. Waxay sheegeen kuna galaan hawlaha kaambeynka qorshayaasha mustaqbalka ay ku maamuli doonaan dalka & dadkiisa.

Iyadoo ula jeedka u weynina  yahay uun aad ku kasbataan kalsoonida shacabka.

Hadaba hore waxaynu u ogeyn in siyaasi Siciid Sulub oo ka mida  mus-danbeedka xisbiga WADDANI uu hore ugu hadaaqay in wasaaradda duulista iyo hawada oo madaarka agtiisa laga dhisay aaney ku habooneyn goobtaas.

Talada dalka hadey ku guuleystaan-na ay Ka rarayaan.
Iyadoo taasi jirtey ayuu maantana  hogaamiyaha WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan uu sheegay in madaarka kalabaydh ay furayaan hadii WADDANI taladda dalka qabto.
Taasi waxay markhaati marag ma doon u tahay in xisbiga WADDANI qorshaha ugu jirto in madaarka hargeisa albaabdda loo laabo.
Iyaba waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye.

Iyadoy horena u jirtay dakanooyin ay ka galeen qaar Ka mida siyaasiyiinta ugu magaca weyn xisbiga Waddani dadka deegaanka madaarka.
Oo ay wali taagantahay jariimooyinkii hogaamiyaha Waddani ka galay dadka deegaanka madaarka. Oo ay u denbeysay arinka muranka baakinka Ex. Itiyaatar. Oo uu isagu ahaa ninkii dhidibada u taagay murankaa & tacadiyadda lagu hayo mulkiilaha dhismaha Ex. Itiyaatar. Oo ilaa maanta taagan iyadoo waliba mar labaad & mar saddexaad-ba laga iibiyay.Ayuu hadana wali taaganyahay muranka baakinka Itiyaatarku ee uu bud dhigga ka ahaa Xirsi gaab.

Ku darsoo aanay jirin garawshiiyo uu ka bixiyay dulmigaa & tacaddigaa uu isagu ahaa ka seeska u dhigay.
¤. Nin ku yidhi i daw mari
¤. Duudsiguu tirsanayoo
¤. Laga daaya mooyee
¤. Wixii kaleba doog iyo
¤. Dacar bay ku huriyaan.
Saw edeb darro & wax aan na qaban maaha ninka;
♡. Eelkii
♡. Dulmigii
♡. Tacaddigii &
♡. Mashaakilkii
Uu dhigay ay halkoodii yaalaan,  (cuqubo halkii lagu galay caw ku hurudaaye, caruurtay ka laysaa ninkii caano baas dhamaye). Inuu maatana hor boodo xisbi qaran oo waliba doonaya hanashada hogaanka dalka.
¤. Hadday dunida ceeb tahay
¤. Dulmi loo badheedhaa
¤. Dalkayaga ma libiqsado.
Kuwaas oo aad dareemi karayso cadaawadda & neceybka ay u qabaan mujrimiinta isku urursaday xisbiga bahalo galeenka ah ee waddani. Dadka deegaanka aan kor ku soo xusey.
Fari Kama qodna waxyeelooyinka ay soo wadaan jifaafka & dir xunka  isku urursaday xisbiga Waddani.
Bal u fiirso inta mujrin & munaafaq iskugu timid, oo intay soo sameeyeen :

Waxyeelo kasta + xatooyo xoolo qaran.

Lana garanayo hab maamulkoodii markii ay hayeen xilalka qaranka & sidey ugaga faa”iidaysteen shaadhkii dawladnimo.
♡. Ka Da”Weyn Dhibaatadu
♡. Dura & Dhag Dheeriyo
♡. Diin Baa God Gorey Galay
♡. Gorey Baa God Diin Galay
♡. Iska Daba Wareegiyo
♡. Hebelo Isku Duur Xula.
Ilaah baan idinku dhaariyee saw ma aha

♡. Caqligeena,

♡. Garashadeena &

♡. Aqoonteena.

Oo ay caayayaan markay inna leeyihiin isbedel doon baanu nahay.
¤. Nin Kastoo dakano galay,
¤. Qoluu dabada geliyoo,
¤. Denbi dhacay sas’uul male,
¤. Markaad hebel duqaysaa,
¤. Reer hebel damqanayaan!
Inay sidaa u dhaqmaanna waxay ka arkeen shacabkan damiirkoodii & dadnimadoodiiba uu Ka awood batay qabiilku.
¤. Mana digigixoodoo
¤. Duumadii qabiilkiyo
¤. Maan-dooriyaa jira
¤. Dedanaha sidayda ah
¤. Damqashada ka bi’iyoo
¤. Diciif loogu talo-galay.
Nimankan maanta ka dhex botorinaya xisbiga Waddani maba moodid kuwii shalay sameynayay:
☆. Tacadiga,
☆. Qabyaaladda,
☆. Nin Jeclaysiga,
☆. Xatooyada Xoolaha Qaranka,
☆. Dulmiga,
☆. Eexda
☆. Edeb Darrada,
☆. Fool-xumada,
☆. Cunfiga &
☆. Wax Kastoo Xun.

Sidaa darteed xisbiga Waddani waxaan u aqoonsaday ururka ay ku bahoobeen :
☆. Mujrimiintii
☆. Tacaddi Falayaashii
☆. Dulmi Falayaashii
☆. Gurtayaashii Xoolaha Qaranka &
Intii ku sifowday :
¤. Qabyaaladda
¤. Dulmiga
¤. Eex-da
¤. Qaraabo kiil &
¤. Xatooyada Xoolaha Qaranka.

Kaaga darane ayay maantana waliba leeyihiin waxaanu nahay kuwo u taagan isbedel doon & hanashada hogaanka dalka. Halkay ka ahayd in la dhadhansiiyo qadhaadhka xumaantay soo sameeyeen.

Bal aan dhawrno waayaha.
Qalinkii: Garyaqaan Keyse Koosaar Cilmi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso