Wasiir Maxamuud Xaashi oo Ceerigaabo kulamo kula yeeshay Gudida Nabadgelyada Sanaag

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Oo Ceerigaabo Kulamo Kula La Yeeshay Guddida Nabadgalayada Gobolka Sanaag Iyo Xubno Ka Tirana Golaha Guurtida Oo Hawlo Nabadeed U Jooga Gobolkaasi

 

“Waxaan Maanta Ceerigaabo Kula Kulmay Guddidii Nabad-Galayada Gobolka Sanaag, Ujeedada Kulankaasi Wuxuu Salka Ku Hayey Qiimaynta Xaalada Nabadgalyada Gobolka.” Wasiirka M/Xaashi

 

“Waxaan Rajnaynayaa In Arrinta Ceel-Afweyn Si Degdeg Ah Loo Soo Af-Jarom, Waxaan Ku Kalsoonahay Xubnaha Golaha Guurtida Oo Khibrad U Leh Xalinta Iyo Turxaan Saarka Beelaha.” Wasiir Xaashi

 

Ceerigaabo(THN)Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo hawlo shaqo u jooga magaalada Ceerigaabo ayaa maanta kulamo la yeeshay guddida nabadgalayada gobolka Sanaag, iyo xubno ka Tirana golaha Guurtida oo hawlo nabadeed u jooga gobolkaasi.


 

Wasiirka Madaxtooyada ayaa ka waramay xaalada nabadgalyo ee gobolkaasi iyo kulamo kala duwan oo uu la yeeshay xuno guurti ah iyo guddida nabadgalyada, waxaanu arrimahaasi kaga hadlay hadal qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisafa Facebook.

 

Ugu horayn Wasiirka Madaxtooyadda ayaa sharaxay kulanka guddida nabadgalyada waxaanu yidhi “ Maanta waxaan magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo xafiiska gudoomiyaha gobolka kula kulmay guddidii nabad-galayada gobolka Sanaag, ujeedada kulankaasi wuxuu salka ku hayey qiimaynta xaalada nabadgalyada gobolka, xogaha ciidamada qaranka ee halkan ku sugan, sida ay u socoto qaadashada kaadhka cod-bixiyeyaasha doorashooyinka, shaqaaqooyinkii ka dhacay deegaamada Ceel-afweyn sida ay ciidamada Qaranku gacanta ugu hayaan iyo ku tallo-galadooda, arrimahaas oo dhan iyo baahiyaha iyo duruufaha ku geedaaman nabadda gobolkan iyo ciidanka.”

 

Mudane Xaashi ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda Madaxweyn Siilaanyo ay ka go’an tahay kor u qaadida nolosha ciidamada qaranka waxaannu yidhi“ Kulankaasi si wacan ayuu u qabsoomay, aad iyo aad ayaan u bogaadinayaa ciidamada qaranka aniga oo munaasibadan ka faa’iidaysanaya doorka ay kaga jiraan adkaynta nabadgalyada, xasiloonida iyo amniga  guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan gobolkan, waxaan leeyahay waa geesiyaal gutay xilkoodii mudana in la bogaadiyo, in loo mahad celiyo, Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayo waxa ka go’an dhismaha ciidamada qaranka, in niyadooda kor loo qaado oo la guubaabiyo iyo in noloshooda la wanaajiyo.”

 

Xubanaha guddida nabad-galayada gobolka Sanaag ayaa kala ah.

 

 Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Md. Axmed  Cabdi Jaamac (Falaay), Taliyaha qaybta -3aad ee Ciidanka Qaranka G.Muuse  Jaamac Maxamed (Delef), Maayarka Degmada Ceerigaabo Mudane Ismaciil Xaaji Nuur Faarax, Taliyaha Qaybta Booliska  Gobolka Sanaag  G/sare  Axmed Siciid Maxamed,   Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha gobolka Sanaag Gaashaanle Saalax Xasan Yuusuf, Taliyaha Sirdoonka Gobolka Sanaag C/risaaq Maxamed Axmed, Taliyaha Ciidanka Asluubta Ee G.Sanaag  G/sare Maxamed  Cismaan Caalin , Hogaanka Hawl-Galinta Ciidanka Qaranka  Sareeye guuto. Faarax Maxamed Mire.                                  

 

Geesta kalena Wasiirka Madaxtooyada JSL Maxamuud Xaashi ayaa ka waramay kulan uu la yeeshay xubno ka socda Golaha guurtida oo hawlo nabadeed u jooga gobolkaasi waxaanu yidhi “ Maanta sidoo kale waxaan xafiiska gudoomiyaha gobolka Sanaag kula kulmay xubnihii golaha guurtidu ay u soo direen dhex-dhexaadinta dadka walaalaha ah ee shaqaaqadu Ceel-afweyn ku dhex martay, arrintaas oo Xukuumaddu ku hawlanayd muddo dheer gacan adagna ay ku qabatay, xubanahaa golaha Guurtida oo soo gaadhay caasimada gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, dhawr maalmood ka dibna ku noqon doona Ceel-afweyn, iyada oo ay hada deegaamada oo dhan ka socdaan qaadashadii kaadhka diiwaangalintu. Kulankaasi wuxuu daaranaa xog waraysi ballaadhan iyo qiimaynta xaalada nabadd-galyada, iyo arrimihii hore ay u galeen xubanahii wasiirada ahaa ee aan madaxda u ahaa iyo qabyada ka jirta iyo sidoo kale arrimaha cusub ee hada na horyaala.”

 

Geesta kalena Wasiir Maxamuud ayaa digniin adag u diray cid kasta oo isku dayda inay ku kacdo falal ka dhan ah nabadda gobolka Sanaag waxaannu yidhi “ Waxaan rajnaynayaa in arrintaas si degdeg ah loo soo af-jaro waxaan ku kalsoonahay xubnahaa golaha guurtida ee khibrad iyo waayo aragnimo u leh khilaaf xalinta iyo turxaan saarka beelaha, iyo in ay guul weyn ka soo hoyn doonaan, Xukuumadda iyo ciidamada qarankuna waxay u yihiin garab weyn, ILAHAAY ayaa nabadd-galyada ku mahad san, waxa waajib ah in caradan bulshadani ku wada noolaato, Xukuumad ahaana ahmiyad weyn ayaannu siinaynaa, cid kasta oo ku foogan inay ku kacdo falal ka dhan ahna gacan adag ayaannu ku qabanaynaa.” Ayuu yidhi Wasiir Xaashi.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso