Waddani Oo Go’aankii Maxkamadda sare ku tilmaamay mid gef ku ah Sharciga

Xisbiga Waddani Oo Go’aankii Maxkamada Sare Ku Tilmaamay Mid Gaf Ku Ah Sharciga, Dacwadii Loo Gudbiyeyna Ay Ahayd Mid Distooriya Balse Aanay Ahayn Mid Maamul 

“Maxkamada Distooriga Ahi Iyadoo Arimo Maamul Hore Uga Garnaqday Inay Tan Dastuuriga Ah Ku Tilmaanto Arin Maamul, Waxaanu U Aragnaa Inay Qalad Tahay, Sharcigana Ay Baalmarsan Tahay” Afhayeenka Xisbiga Waddani 

“Waxa Guul Ah In Mudaneyaashii Golaha Wakiiladu Ay Iyaga Laftigoodu Dib Iskugu Noqdeen Buuqna Aanu Ka Dhalan Go’aankii Maxkamada Sare Ka Soo Baxay, Guddina Ay Isku Saareen” Afhayeenka Xisbiga Waddani

Hargeysa, August 14, 2017 () – Afhayeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa sheegay in xisbi ahaan ay u arkaan go’aankii Maxkamada Sare ay ka soo saartay dacwadii loo gudbiyey ee arinka ka taagan gudoomiyenimada Golaha Wakiilada  inuu ahaa go’aan baalmarsan sharciga.

Afhayeenka xisbiga Waddani waxa uu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Sida bulshada reer Somaliland dhamaan la socotay waxa dacwad loo gudbiyey Maxkamada Sare ee dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland, dacwadaas oo uu u gudbiyey xildhibaankii ku guulaystay gudoomiyaha golaha Wakiilada.

Waxaanu jecelnahay go’aankii ay Maxkamadu ka qaadatay xisbi ahaan in aanu mawqifkayaga ka cadayno ama aanu halkan ka tilmaano oo aanu ka sheegno, runtii umaamaan arkay xisbi ahaan go’aanka ay Maxkamadaa Distooriga ahi ka qaadatay dacwadii loo gudbiyey inay ahayd tii saxada ahayd, waxaanu u arkaynay arin adyad ah ama gaf ku ah sharciga marka aynu eegno.

Waayo Maxkamada Sare waxa ay ku tilmaantay arin idaari ah (maamul), waxaanay sheegtay oo ay tidhi waxa la idiinka baahan yahay in golihiina dhexdiisa ku dhamaysataan. Marka hore waxaanu ummadda u sheegaynaa in arintaasi aanay ahayn arin maamul ee ay ahayd arin distoori ah, waayo codka xildhibaanku maama arin maamul, codka xildhibaanka la soo doortay waa arin Distoori ah, distoorkaana tilmaamaya habka loo qabanayo, qaabka loo shaacinayo iyo habka loo bayaaminayo wixii gaf sharci ah ee ka yimaadana Maxkamada Distooriga ahi xaqbay u leedahay inay gasho ama ay faragalin ku samayso ama ay ka hadasho oo ay wax ka tilmaanto.

Waxa aynu tusaaleyaal kooban usoo qaadan karnaa hadaynu uba raacno Maxkamada Sare siday arinta u dhigaysay oo ay ku tilmaantay arin maamul, waxaan tusaale u soo qaadanayaa arimo maamul oo Maxkamada Distooriga ahi ay gashay, waxa ka mid ahayd laba xisbi oo is-qabsaday oo arimo maamul isku haya, way ka garnaqday, waxa kale oo ay ka garnaqday arin xisbi gudihiisa ka socota oo iyaduna arin maamul ah oo aan arin distoori ah ahayn, waxa kale oo ay ka garnaqday oo ay go’aamo ka soo saartay Xisbiyada Mucaaridka ah oo loo diiday inay hudheelada ku shiraan oo ay ka soo saartay go’aamo, waxaas oo dhami waa arimo maamul, maaha arimo distoori ah.

Markaa iyadoo kuwaa ka garnaqday inay tan dastuuriga ah ku riixo oo ay ku tilmaanto arin maamul waxaanu u aragnaa inay qalad tahay, sharcigana ay baalmarsan tahay xisbi ahaan, balse waxa kale oo iyadu guul ah in mudaneyaashii Golaha Wakiiladu ay iyaga laftigoodu dib iskugu noqdeen buuqna aanu ka dhalan, qasna aanu ka dhalan go’aankii Maxkamada Sare ka soo baxay, guddina ay isku saareen ka wada hadla arintaa oo bisleeya meelna isla soo dhiga, cida gudoomiyaha sharciga ah noqonaysana go’aankeeda soo saara oo qaata doorkii Maxkamada Distooriga ahi ay ka gaabisay inay iyagu qaataan oo maanta shaqaynayaan taasaana ah mid bulshada reer Somaliland guul u ah.” Ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga Waddani, Ibraahin Mahdi Buubaa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso