Cirka haduu cilmi kale ka soo dego

Cirka haduu cilmi kale ka soo dego
Federal ku sheega Soomaaliya waxaan leeyahay calanku isuguma keen jiro, caalamkuna waa ogyahay cashadaynu kala tagnay,welina idinkoon cagaha isku taagin ayay Jamhuuriyada Somaliland nabad ku cawaysa waana carro madaxbanaan.

JSL intaa waxay tixgelinaysaa oo ixtiraamaysaa jaar nimada,walaalnimada labada dal ee JSL iyo federal isku sheegga Somaliya.JSL waxay dhawraysaa shuruucda caalimiga ah ee u dhaxeeya dalalka mandaqada bariga afrika,shuruucda dawladaha islaamka ah iyo xasiloonida mandaqada sidaa darteed waxa aanu uga digaynaa madaxweyne ku sheegga madaxweyne Farmaajo faragelinta joogtada ah ee uu ku hayo dalka JSL,jabhadaha uu hubaynayo,riyada weli aad ku sheeganayso JSL inay ka mid tahay federal ku sheegga Somaliya.

Shacabka JSL waxay uga digayaan federal isku sheegga Somaliya:
1.Riyada aad ku sheeganaysaan dalka JSL,una haysataan gobol.
2.Dagaalada goos-gooska ah ee aad ka wadaan degaano ka mid ah
Dalkan JSL(Jabhada aad hubaynaysaan).
3.Hanjabadaha ku aadan degaano ka tirsan JSL oo ay kaadh
qadashadu ka socoto(maamulka Puntland).
Waxaa marag madoon ah federal ku sheegga Somaliya inay iclaamisay dagaal ay ku qaaday dalka Jamhuuriyada Somaliland kadib markay talaabooyinkaa kor ku xusan ay qaaday.

Ugu danbayn shacabka,ciidamada dalka iyo xukuumada JSL waxuu diyaar u yahay difaaca dalkooda Jamhuuriyada Somaliland,heegan na u yahiin cid kasta oo ku soo duusha.
Waxan ku soo afmeerayaa Farmaajow Cirka haduu ka soo dego cilmi kale inaynu isku noqonaa waa caalamka oo duma,ilma caruur ahi haduu naga hadhayo dib calan ula wadaagi mayno ceelka Somaliya.

Allaa Mahad Leh
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/Jamhuuriyada Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso