Maxkamadu Kama Garniqi Karto Go,Aan Gole

Maxkamadu Kama Garniqi Karto Go,Aan Gole

Sida Ku Cad Qodobka 15-Aad Farqadiisa 10-Aad Ee Xeerka Nidaamka Garsoorka ( Xeer Lr.24-/2003) Markaa Arrintu Golaha Wakiilada Waa Go,Aan Gole , Waxayna U Taalada Isla Golaha Barlaamaanka Xalintiisu, Golaha Wakiiladu Wuxuu Leeyahay Xeer-Hoosaad Lagu Maamulaha Hawlaha Gollaha. Xeer-Hoosaadkani Waxa Gaar U Yahay Golaha Sharci-Dejinta. Xeer-Hoosaadka Golaha Wakiiladu, Wuxuu Tilmaamay In Tartamaha Hela Codka Ugu Badan Ee Xildhibaanada Golaha In Uu Ku Guulaysanayo In Uu Noqdo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Sida Uu Dhigayo Qodobkiisa 6-Aad Farqadiisa 14-Aad Wuxuu Odhanayaa Sidan “Musharaxa Ugu Cod Badan Waxa Uu Ku Guulaysanayaa In Uu Noqdo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada”. Sidaas Awgeed, Maadaama Codkii Ugu Badanaa Ahaa 39 Uu Ku Guuleystay Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax,

Qaabka Cod-Bixinta Golaha Wakiiladu Waxay Waaafaqsan Tahay Xeer-Hoosaadka Golaha Wakiilada Qodobkiisa 25-Aad Farqadiisa 1aad Sida Ku Qeexan Cod-Bixintu Waxay U Dhacaysaa Sidan Laba Nooc Oo Kala Ah Cod-Bixin Qarsoodi Ah Iyo Cod-Bixin Gacan Taag Ah, Iyadoo Aan Ka Bixin Qodobka Isla Qodobka 25-Aad Farqadiisa 8aad Sheegayso Sidan: Natiijada Cod-Bixin Kasta Waxaa Ku Dhawaaqaaya Gudoomiyaha Golaha Isagoo Sheegaaya Tirada Mudanayaasha Fadhiga Fadhiya, Codadka Ogolaaday, Diiday, Xumaaday Iyo Kuwa Aamusay, Qodobaas Aan Kor Ku Soo Sheegayba Waxay Caddeeynayaan Inay Dabaqeen Xeer-Hoosaadkii U Dejinsanaa Golaha Wakiilada ,

Ugu Danbayntii Sharci Ahaan Waxaan Qabaa In Arrinta Khilaafka Golaha Wakiilada Ay Tahay Go,aan Gole , Isla Markaanayna Ka Maxkamadu Kama Garniqi Karto Go,Aan Gole, Ay Tahay In Dibu Ugu Noqdaan Golahooda Sharci isla markaana xaliyaan khilaafkaas la siyaasadeeyay ee la doonayo in khilaaf laga dhex huriyo golaha wakiilada maadama uu gudooomiye baashe maxamed faarax yahay gudoomiyaha sharciga ah ee waafaqsan xeerhoosaadka iyo sharciyga u yaala golaha wakiialada somaliland , Maadama Oo Ay Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Sida Ku Qeexan Qodobka 37(2) Ee Dastuurka Oo U Dhigan Sidan: ”Sheegayo In Laamaha Dawldu Ay Kala Madaxbanaan Yihiin Waax Waliba Awoodda Dastuurku U Gaar Yeelay Way U Madax Bannaan Tahay Hawsheeda Shaqo .

Sidaas awgeed , waxaan leeyahay Xikmadaha soomaalidu ku maahmaahdo ayaa tidhaahda Ina Sanweynena u gee oo gartaasi waa sidaa uu sheegay Gudoomiyaha maxkamda dastuuriga Prof. Aadan Xaaji Cali.

Garyaqaan Muxiyadiin Maxamed Cabdi .

Hargeysa/Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso