Mustaqbalka dal kaste waxaa laga sadaliyaa xaalada dhalinyarada usoo kacaysaa ku sugan yihiin , ee maanta jiilkan soo kacay maxaa loo eganayaa :

Mustaqbalka dal kaste waxaa laga sadaliyaa xaalada dhalinyarada usoo kacaysaa ku sugan yihiin , ee maanta jiilkan soo kacay maxaa loo eganayaa :

habeen dhawayd laba kooxood oo koox kastabaa inamo iyo hablo ku jira ayaa isku horlaynayay oo gowdaa iskaga saaray aqalkaan kunoolay hortiisa saacadu ilaa 11pm ayay ahayd , kolay layaabimaysaan arintan oo sanadahan danbe jiilkans soo kacay waa jiil laga subxaanalaystay , oo dadka wayeelka iyo kayarba lacagta ka dhacaya iyo mobileda , haday doonaana lafahooda u cawaraya inyaroo rabi u naxariistay oo faro ku kutirisa mooyee ,
hadba sababtu waa maxay ayaad is
odhan kartaa ee ubixii wadanka u soo kacayay sidan ugu xumaadeen !!! ?

Aniga shakhsi ahaan dhawr sababood ayaa sabab u ah ayay ilatahay.

1 waa ubad markay yaraayeen aan moral wanaagsan kusoo korin ama si kale aan u idhaahdee aan niyad wanaagsan kusoo korin , oo laga yaabo waalid qayra masuuli inay dhaleen , oo aabayaashood qayli jireen oo aan warba u hayn jirin ilmahoodan markuu yaraa ee usoo korayaayay akhlaaqdiisa , oo uu sidoo kale lagayaabo aabayaashood ilmihii oo seexday inay qaadka kasoo kici jireen goor danbe , subixiina aanay is arag oo ay kahor kici jireen caruurtu abay hurdo , sidaana ay ku dayacanto akhlaaqdii ubadkaa yaryaraaa
2 aabihii qaylayay oo aan subixii hadii laga yaabo inay is arkaan ubadkiisa aan waji furfuran tusayn , sidoo kale laga yaabo inuu qaadirada caruurtiis kula dhaco , halkuu ka tusi lahaa waji furfuran si naxariis leh u waraysan lahaa , uuna ka dhiirin galin lahaa nafsada ilmahiisa ama ubadkiisa

3 inay iska dhaleen waalid isku buuqi jiray oo is qabqab san jiray ama uu aabuhu gacanta saari jiray , dili jiray ilmaha yar hooyadii , sidaana ilmihii cuqdad ku qaado oo nolosha uga dhaco

4 waxaa laga yaabaa sidoo kale inay yihiin ubad waxbarashadii kasaaqiday ay naftooda u baranayeen , sidoo kale ay ku mashquuli lahaayeen , sababtoo ah iskuuladeena wadanka ka jira oo aan waxbarasho tayo leh oolin oo ardayda waqtiga iyo cimrigooda lagaga lumiyo ayagoo aqoontii dhabta ahayd oolin , soo saarana jiil aqoontii dhabta ahayd aan haysan oo soo bartay aqoon sheeko ah (theory ) oo lagu soo akhriyay oo aan wax xirfada ama practicala aan haysan oo uu kushaqo tago hadii uu iskuulka naco ardaygaasi , oo aan lahayn wadabiyd jacayl ,dabadeed sidaa nolosha kaga dhaco .

5 waalidkii oo aan fahmayn inankiisa ama inantiisa waxbarashada ku liita ee ku xun oo iskuul kun ku khasbaya aanu niyad u ahayn oo aanu aqoon kala yimanayn , ama marka loo diro uu suuqaa galayo ama uu iskuulkun iska dhex fadhiyayo , hadhawna ardayda lasoo rawaxayo , halkay meelo xirfada ka barto ka gayn lahaayeen

6 dawlada oo masuuliyadeedii gabtay ubadkan ku jihayn lahayd oo u samayn lahayd shaqo abuur , oo u samayn lahayd iskuulo xirfadaha lagu barto oo dhawra oo bilaasha oo ubadkaa iskuuladii nacay ama aan aan ku wanaagsanayn waxbaarashada ay xirfadaha kala duwan ku bartaan oo bilaasha , hadhawna naftooda iyo mujtamacooduba uga faa,ideeyaa

7 ilmihii waxbarashada ka saaqiday oo aanay waalidkiisu odhanayn orodoo suuqa ka xoogso hadad waxbarashadii diiday , dabadeed aqalka hooyadii iyo aabihii kasoo toosaya isagoo lasoo dhargiyay , oo waliba dhalalaya sidii mid soo shaqaystatay oo badankoodu dharaga iyo kibirka bulashaday la nolaayeen awooda ku jirta ay ku dhibaateeyaan sidaana nolosha uga dhaca

Xalku muxuu yahay

1 in uu aabaha waa,lidkii ilaahay dartii iskaga daayo cunida geed shaydaanka qaadkaa , si uu noloshiisa aakhiro kiisa aduunba ugu hagagaan oo sidoo kale ubadkiisa iyo qoyskiisuba u hagagaan oo nolol farxad leh dabadeeto kuwada noolaadaan

2 inay lamaanaha is qabaa dabeecad wanaagsan , isa jeclaan , hadal dabacsan , waji farxad ka muuqato iyo raynrayn kuwada nooladaan , oo meesha laga saaro dhaqanka xun ee ah nin iyo naagtii colna maaha hejiisna maaha , oo aanay sidoo kale dumarku u arag ninkeeda u dabacsan ee dabeecada wanaagsan kula dhaqma nin jilicsan oo kabaha la dulmari karo , waayo isaguba wuu karaa inaanu u jixin jixin oo uuwaji kaba ku tusi karo , nolosha ku nacsiin karo , laakiin haduu ku dabacsanado ogow wuxuu doonayaa in nolol wanaagsan kuwada noolataan oo farxad leh , dhashaana ubad mustaqbal wanaagsan hiigsada , waalid adeeca , oo idinka iyo bulushadooda waxtar taridoona .

3 waxbarashada iskuuladeena oo la tayeeyo , ardaydana laga daayo sayniskan bilaa baraktikalka ah ee looga sheekaynayo uun , oo loo raaciyo maado kasta oo saynisa baraktikalkeeda si ardadeena iskuulada kasoo baxaa jaamacada ay u galaan ayagoo wax fahansan oo aanu hadhaw ugu adkaanin marka lageeyo labka ama qolka practicalka lagu samaynayo ee layidhaah labada kiimikal isku dar maxsuulkoodana sheeg . taasoo ah ta loo nisbayn karo tobbankii qofee waxbarasho dibadaa u baxa inay kasoo qalin jabiyaan ugu badnaan saddex ama afar

4 waalidku inaanay iskuulka ku khasbin inankiisa ama inantiisa waxbarashada aqoontaa ku xun , oo ay intay goorgoortahay ee ay maamuli karaan ay geeyaan meel ay xirfadaha kala duwan ku bartaan ee uu kuu ku fiican yahay ama ay ku fiican tahay la baro , hadhawna naftiisa , ta waalidkii iyo ka wadankiisa anfaca ama anfacdo

5 ilmihii waxbarashada ka saaqiday ee iskuulka diida , ee sidoo kale ka saaqida iskuuladii xirfadaha lagu baranayay , inay waalidku u ogalaan inaanu isagoo aan shaqaysan aqalkooda ku noolaado oo ay yidhaahdaan bariiskaaga lasoo bax , taasoo uu kibirku kaga jabayo, oo sidoo kale naftiisa mashquulinayo , oo sidoo kale naftiisa , ta waalidkii iyo ta dalkiisaba anfici doona , dhaqaalana uu u soo saari doono naftiisa iyo ta dalkiisabaku kobcaan

6 hadii uu sidoo kale shaqaysanwaayo inay waalidku gacanta ka galiyaan dawlada , amama dawladu uruuriso ubadkaa loo taagwaayay oo mashaariic waxtar leh xogooda lagaga faa,idaysto lagu fuliyo sida biyo galeeno dhawra oo lagu qodo , beerooyin lagu falo iyo wixii la mida mashruucyada waxtar wayn inoo tari doona

Fiiro gaara:

Qoraagu wuxuu idiin ka cudurdaranayaa magiciisa iyo emailkiisa , isagoo u tudhaya xaaladiisa amni

Allaa mahadleh

Advertisement

Ku Xayeysiiso