Gudaha Ka Daawo :Wasiiru Dawalaha Cusub Ee Wasaaradda Biyaha Oo Hadhimo-Sharafeed Ku Maamuusay Madax Dhaqameedka Iyo Haldoorka Beelaha Abokor Muuse Ee Ciidagale + Khudbadihii Laga Jeediyay + Sawiro

Wasiiru Dawlaha Cusub Ee Wasaaradda Biyaha Somaliland Mudane C.qaadir Maxamuud Sheekh dhago-wayne ayaa maanta hadhimo sharafeed u sameeyay Madax-dhaqameedka, Odayaasha, Aqoonyahanka, Dhalinyarada Beelaha Abokor Muuse Ee Ciidagale .

Ujeedada qado sharaftan ayaa ahayd mid lagu garab istaagayo wasiirka Cusub, isla markaana taageero loogu muujinayay .

Dhamaan madax dhaqameedkii iyo siyaasiyiintii halkaasi ka hadlay ayaa si isku mid ah isaga daba maray sida ay u garab taaganyihiin wasiirka cusub, iyagoo madaxweynaha uga mahad naqay magacaabista Wasiir C.qaadir Dhago-wayne .

Sidoo kale waxay carrabka ku dhufteen, sida ay lagama maarmaanka u tahay in ay jirto cid isku xidha xukuumadda iyo Beesha, waxaanay alle uga baryeen Wasiirka in uu alle ku asturo xilkaas loo igmaday .

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Biyaha Somaliland C.qaadir Dhago-wayne ayaa u mahad naqay dhamaan madaxda iyo haldoorka ka soo qeyb galay munaasibada Hadhimo-sharafeedka,Waxaanu wasiirku sheegay in uu samayn doono xidhiidh wanaagsan oo u dhaxeeyaa Beesha iyo xukuumadda .

Sidoo kale waxaa uu hoosta ka xariiqay in Beeshu ka waantowdo cabashada-badan, maadaama talada marna laga maqnaanayo marna la imanayo .

Ugu danbayn Wasiir C/qaadir waxaa uu ballan-qaaday in uu cadaalad ku shaqayn doono, isla makaana aanu waxba ka hagran doonin Beeshiisa .

 

Hoos Ka Daawo Muuqaalka Khudbadihii Laga Jeediyay Munaasibadaas Oo Dhamaystiran .

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso