Gudaha Ka Eeg :Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Kormeeray Goobaha Kaadh-Qaadashada Ee Ceerigaabo, Sidoo Kalena Xadhiga Ka Jaray Xafiis Cusub .

Gudoomiyaha ahna murashaxa Madaxweyne ee UCID Eng Fasyal Cali Waraabe ayaa manta soo kormeeray goobaha kaadh-qaadashadu ka socoto ee magaalada ceerigaabo .

Waxaana uu halkaasi kula kulmayay hawl-wadeennada komishanka, isagoo warbixin ku aadan sida hawluhu ku socdaan ka dhagaystay, waxaanay sheegeen hawl-wadeennadu in ay hawshu si habsami ah u socoto, isla markaana dadku si fiican u qaadanayaan kaadhka codaynta .

Murashaxa Madaxweyne ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa hawl-wadeennada ku dardaarayay in ay ku baraarugsanaadaan masuuliyadda culus ee la saaray, isla markaana ay bulshada si hufan ugu adeegaan .

Geesta kale Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa xadhiga ka jaray Xafiis cusub oo xisbigu ku yeelan doono Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag .

Waxaanu halkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa, taas oo uu kaga hadlay kaadh-qaadashada iyo qodobo kale .

Gudoomiye Faysal ayaa bulshada reer ceerigaabo ku adkeeyay qaadashada kaadhka codaynta, waxaanu cod dheer ku sheegay in ay bulshadu doorato mustaqbalkooda ee aanay u danayn murashaxiinta ordaysaa .

Sidoo kale waxaa uu bulshada ku dhaqan Gobolada Bari ee Dalka ugu bushaareeyay in Murashaxa Madaxweyne ku xigeen Ee UCID laga soo xuli doono gobolada bari ee dalka .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso