masax baa inaad qabbiilka aabbaha aad ka soo waddo jeeddo?

waxaa jira dhaqan xun oo dadkeenu aaminsanyihiin oo ah qabbiil iyo qabyaalad labbadaba.
dhaqankaasi wuxuu inta baddan dulmi ku hayaa dulmi ku hayaa dumarka, wuxuu dumarka duudsiiyaa xaqii ay ilmahooda kulahaayeen, wuxuu dumarka duud siiyaa xaqii ay ilmuhu waalidka kulahaa, waxaa kamid ah in dumarka layiraahdo waxay ka midtahay qabiilka guursadey ee uu ninku ka soo jeeddo, isla markaana iyadda iyo ilmihii ay dhashay ay qabiilka ninka lagu daba fayliyo, halkii ay xaqa u lahaayeen dumarku in layeeshaan carruurta ragga ay isu dhalayn, oo ay ula yeeshaan in carruurtaasi ay labada qabiilba kawada yimaaden.
waxaa ayaan darro ah haddii furriin yimaaddo in ninku ciyaalka isisiiyo marrarka qaarna ayba dareersadaan ilmahoo dhan raggu iyagoo is bidaya inuu yahay dhiigiisii iyo dheecaankiisii ama dumarka dibbada looga tuuro guryaha, waa halkay soomaliddu ka tidhaahdo ma ciyaal baad ii haysaa? taas oo laga wado in raggu aaminsan yihiin in ciyaal hooyadu kaliya ay iyagga u hayaan.
sida caddaalada waxay ahyd haday is fahmi waayaan labadaas qof inay ciyaal kala qayb sadaan si siman, oo haayadu ku weeda si toos ah ugu madax banaanato.
haddaba saynis ahaan markaynu eegno yaa ilmuhu badanaa ka yimaadaa? sidday bay ilmuhu uga dhex dhashaan waalidka? yaase hayb raac badan ku leh markay timaado labbada waalid?
waxaynu ogsoonahay in ilmuhu kawada yimaadaan labada waalid, bini aadam ahaan waxaynu ka koobanahay (46 choromsome) choromsomeku waa magaca loo yaqaan isku darsiga uggu horeeya ee ka kala yimaada labbada waalid,ama qaab abuuritaanka ilmaha oo ka koo ban protein iyo acid taas oo laga heloo unnugayada soo xanbaara hayb sooca labbada waalid ka kala yimaada.
haddaba 46 daas saddex iyo labaatan kamida wuxuu ka yimaadaa hooyada, halka 23 ka kale uu kayimaadu aabaha, intaas baynu ka koobanahay.
haddaba maxaa u dheer intaas oo aad hooyadda kala timaadaa?
waxaa intaad dheer oo ay hooyadaa aad kala xubin layidhaahdo (mitochondrion) xubintani waa xubin lagga helo intooda baddan unugyada, taas oo u samaysa ilmaha hab abuureedka neefsashadda iyo awood siinta unugyada jirka, hadaanay awoodaasi jirin unnugyadu kama soo qaadan karaan cuntada awood ay jirka ku socod siiyaan.
hayb soocaagaga qof ahaaneed badanaa waxaad ka wadataa hooyadaa, taasina waa sababta xubbin kaa yar ee la dhaho (mito chondrion) ee ku dhex nool yihiin unnugyadaada aad uga helayso hooyadaa oo kaliya.
sidoo kale xiddidada yar yar ee ugu awood xanbaarka baddan ee ay ka koobantahay sida maskaxdaadu iyo muruqyadaadu waxay leeyihiin uunugyo kaaba iyo mito chondria oo xubbin hoyaada oo kaliya aad ka helaysay ee aynu soo sharaxnay, taas o macnaheedu tahay inaad farsamo ahaan aad la xiriirto hooyadaa inka badan inta abahaa aad la xiriirto.
markaa aabaha wax baddan waad u e kaan kartaa, lkn jidhkaagu samayskaagu wuxuu wax baddan lawadaaga hooyadaa in ka baddan aabaha.
xataa cilmi baadhisyo badan waxay sheegayaan in fariidnimadu ilmuhu uu kala yimaado xagga hooyada, sababtoo hooyadu waxay leedahay qaab dhismeedka cunnuga oo ah labo xx chromosome halka aabuhu uu ka leeyahay hal x choromsome hab dhismeedka abuuritaanka cunigga, taas oo keenaysa in fariidnimadda hooyadaasi leedahay ay maskax samayska cunnuga kaggo baddan tahay tan aabaha.
iyadda oo ay intaasi oo dhami jiraan oo aan lagu darin hawshii kale ee usii dheereed ila iyo calool ku qaad ilaa dhalid ilaa korin ilaa tarbiyeen oo ayti tani tahay oo kaliya sida ilmuhu u samaysan baa waxaa nasiib darro ah inaad abtirsiinyo aabe mooyee add xaqirtay kii hooyadda ee badana dadku ka soo jeedeen.
waa inoo habbow innaynu hal qabiil kaliya sheegano, kana tagno kii hooyaddaoo kii jidhku intiisa badan ka imaanayey.
aniggu malihi in maggacyada hootadood loogu abtiriyo oo taasi waa khalad, waana wax soo jiree ah taasi ilaa intii aduunka la uumay, lkn waxan diidanahay tan soomalida oo adduunka horrumaray aanu laqabin oo ah in aabe kaliya la sheegto.
lkn waa muhiin inaad ogaato inaad labo qabiil ka kala timi oo aad ka dhalatay oo aynin sina kuu kala xiggin.
diintu waxay inna tiri isku waa inaad isku garaan qabiilada cidda aad kasoo kala jeedan, ee ma dhihin waa in laydin ku garto cidda uu aabihiin yahahy.يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُم مِّن ذَكَرٍ وَأُنثَىٰ وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا ۚ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ (13)sidoo kale raabi wuxuu aayadan inoogu sheegayaa in uu inagga abuuray dhedig iyo lab, lkn inooma sheegin in lab kaliya laynaga abuuray.
haddaynu sidaa saxda ah ee ah inaynu labo qabiil aynu ka dhex dhalanay aynu na nahay kuna dhaqmi lahyn, faaiido mooyaane marnaba khasaare kalama kulan leen.
waxaa faaiidadeeda ka mid ah innu qabiilku yaraan lahaa, inaan qabiil soocan aanan la u gaadhsan waayo dadki baa isku dhex jira, sidoo kale haduu qof wax dilo in labada qabiil uu qof kaasi ka soo kala jeedo ay magta bixin lahaayeen, in lays wadda dhali lahaa oo qabyaaladu halkaas ka bixi lahyd, in bulshadu isku walaaqmi lahayd eex iyo qaraabo kiilna aanu jirri lahayn. waayo daki baa iskuwada qabiil ah.
wax alaale iyo wax aynu qabiilkaa soocan ugu darsan lahyn ma jiri lahyn, sida umadahaas ina dhaama baynu qabiil iyo qabyaalad la aan noolaan lahayn.
waxaa ciil ku qabanayaa marka aad aragto nin 5 ciyaal ah ka dareersaday tii la dhshay oo isu haysta innu isu uu hooyadood u dhiibtay
tani waa wax yaalaha koowaad oo aan rabbi lahaa in bulshadan lagga baddelo.
allaa mahadsan
(waxaa qoray abdirahman bigays)

Advertisement

Ku Xayeysiiso