Dhallinyarada iyo Aqoonyahanka Waqooyiga Togdheer Oo Muujiyey Taageerada ay u Hayaan Xisbiga KULMIYE 

Burco:(THN)-Dhallinyarada iyo aqoonyahanka kasoo jeeda deegaanada waqooyiga gobolka Togdheer, ayaa muujiyey taageerada ay u hayaan xisbul-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, waxana ay sidaas ku shaaciyeen munaasibad ballaadhan oo ay ku qabsadeen magaalada Burco oo ay ka qaybgaleen waaxaha kala duwan ee ururrada Dhallinyarada deegaanka, kuwa haweenka,aqoonyahanka, salaadiinta, wasiirro,xildhibaanno, siyaasiyiin iyo hoggaanka xisbiga KULMIYE oo uu hormood u yahay guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.


Qaar kamid ah haldoorka dhallinyarada iyo bahda aqoonyahanka ee deegaanka waqooyiga gobolka Togdheer oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa si rasmi ah guddoomiyaha hortiisa uga caddeeyey inay guud ahaanba shacabka ku dhaqan deegaannadaasi si buuxda u taageersan yihiin xisbul-xaakimka KUKLMIYE, isla markaana ay codkooda iyo cududoodaba la garab geli doonaan.
Sidoo kale xildhibaanno iyo wasiirro kasoo jeeda deegaanadaas oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna sheegay marag ka yihiin taageerada deeganadooda ee xisbiga KULMIYE, waxana ay beeniyeen inay shacabkaasi wax saluug ah ka qabaan xukuumadda uu xisbiga KULMIYE gadh-wadeenka ka yahay.
Madaxda dhaqanka ee deegaanka oo iyaguna hadallo kooban jeediyey, ayaa guddoomiyaha hortiisa ka caddeeyey in shacabka deegaannadaasi ku qanacsan yihiin xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, isla markaana ay waxqabad badan oo la taaban karo ka dhaxleen xukuumadda haatan jirta.
Guddoomiyaha Awal Bari Md. Cabdilaahi Aw Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa guddoomiye Muuse Biixi ugu bushaareeyey in codadka bulshada deegaankaasi si siman ugu gorori doonaan xisbul-xaakimka KULMIYE marka waqtiga doorashada la gaadho, isaga oo ka marag furay in horumar badan oo muddooyinkii dambe laga fuliyey deegaannada beeshu degto uu xisbiga KULMIYE hormood u ahaa.
Guddoomiyaha gobolka Togdheer Md. Maxamud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa isaguna farxad weyn ka muujiyey taageerada ay KULMIYE u muujisay bulshada ku dhaqan deegaannada Waqooyiga gobolka Togdheer, isla markaana ay taageeradoodu wax weyn ka tari doonto guul uu xisbiga KULMIYE gaadho.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo kulankan soo gunaanaday, ayaa hambalyeeyey taageerada ay xisbiga u muujiyeen shacabka ku dhaqan deegaannada waqooyiga gobolka Togdheer, waxana u sheegay inay deegaannadaasi caan ku yihiin taageerada KULMIYE, isla markaana aanu jirin shaki taageero oo waqtigan laga qabaa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso