“Wada-shaqayn Ayaa Dhex Martay Komishanka Gabiley, Xisbiga Kulmiye, Maamulka Gobolka Iyo Bileyska Goobaha Jooga, Muraaqibkii Xisbiga Waddani Inta La Dhirbaaxay Ayaa Dibada Looga Saaray” Madaxa Ololaha Heer Qaran ee Xisbiga Waddani, Xamse Khayre

“Wada-shaqayn Ayaa Dhex Martay Komishanka Gabiley, Xisbiga Kulmiye, Maamulka Gobolka Iyo Bileyska Goobaha Jooga, Muraaqibkii Xisbiga Waddani Inta La Dhirbaaxay Ayaa Dibada Looga Saaray” Madaxa Ololaha Heer Qaran ee Xisbiga Waddani, Xamse Khayre

“Sideedii Fiidnimo Waxa Goobta Noogu Yimid Badhasaab Ku Xigeenk Iyo Maayarka Gabiley Oo Dad Basas Ku Sida, Waxaana Noo Suurta-Gashay Inaanu Cadayn Ka Reebno” Madaxa Ololaha Heer Qaran Ee Xisbiga Waddani, Xamse Khayre

Gabiley, July 12, 2017 (THN) – Madaxa ololaha heer qaran ee xisbiga Waddani, Xamse Khayre ayaa sheegay inay kalsoonidii kala noqdeen Komishanka Doorashooyinka ee Gobolka Gabiley, kadib markii ay goobahaasi kaadh qaadashada ee gobolka Gabiley ay ka dhacday waxyaabo badan oo sharci daro ah.

Mr Xamse Khayre, Madaxa Ololaha Xisbiga Waddani waxa uu sheegay in wadashaqayni ay dhex martay Komishanka Gabiley, Xisbiga Kulmiye, Maamulka Gobolka iyo Bileyska Goobaha jooga, isla markaana ay meesha ka saareen muraaqibiintii Xisbiga Waddani u joogay gobolkaasi.

Waxaanu intaasi ku daray Madaxa Ololaha xisbiga Waddani, in ilaa sideeda fiidnimo  ay furan yihiin goobuhu, isla markaana ay dad basas ku soo gurayaan Badhasaab ku xigeenka gobolkaasi Cali Case iyo Maayarka Gabiley Maxamed-Aamiin Cumar Cabdi, taas oo ka hor imanaysa sharciga Komishanka Doorashooyinka in goobuhu ay furnaadaan wixii ka dambeeya lixda makhribnimo.

Madaxa Olaha xisbiga Waddani Xamse Khayre waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta qabtay, isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu ku bilaabay oo uu yidhi “Anigu waxaan ka mid ahaa Masuuliyiintii kormeeraysay habka kaadh qaadashadu uga socoto gobolka Gabiley, waxaana sida aad warbaahinta kala socoteen kormeerka nagala qaybgalay Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Ambassador Maxamed Cali Cabdi, Xoghayaha Diinta iyo rag kale oo iyaguna deegaanka ka soo jeeda.

Maalintii koowaad wax dhibaato ah lamaanaan kulmin marka laga yimaado, goob la yidhaahdo wadada godka oo kormeerkayagii aanu ku ogaanay in halkii ay ku taalay 12Km laga dhaqaajiyey markii aanu komishanka heer qaran aanu cabasho u gudbinay maalintii labaad halkeedii ayaa lagu soo celiyey.

Saddexdii maalmood ee ka dambaysayna waxa aanu la kulanay waxyaabo runtii aad looga xumaado oo naga shaki galiyey kalsoonida aanu ku qabi karno Komishanka Heer Gobol ee halkaa jooga.

Ta u daran xalay ayay dhacday, afartii galabnimo waxaanu ka war helnay xisbiga Kulmiye iyo gudoomiyaha Komishanka ee heer gobol ay todoba goobood oo ka mid ah magaalada Gabiley dhexdeeda mudadii ay furnaan lahaayeen goobahaasi mudo ka baxsan ay shaqayn doonaan iyadoo aanay la joogin muraaqibiintayadii goobaha noo joogtay iyo cid kale toona dad aanaan garayn oo xataa aan dadkii magaalada ahayn ayaa goobahaasi ka hawlgalayey, anigaa si shakhsiya usoo maray afar goobood waxaan goobtiiba dul istaagay 6:45 daqiiqo, sida sharciga iyo nidaamka hawsha kaadh qaybintu uu dhigayo ee goobaha lagu maamulayo, goobuhu waaa inay furmaan todobada subaxnimo  lixda makhribnimana waa inay dhamaadaan, markaa marka ay lixda dhamaanayaan hadii ay cidi goobta joogto cidaa waa loo dhamaystirayaa balse lama ogola in cid kale oo dibada ka timid ay ku soo biirto, nasiib daro goobo aanay cidi joogin ayaan ilaa sideedii aanu marnay.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo Gudoomiyaha Komishanka ee Gobolka Gabiley, iyo urur beeleed sheegtay Hoodaale oo maalmahanba Jaamacada Gabiley ku shirayey ee arintii maalmahanba la hadal hayey ee fadeexada ahayd ah oo basas ay ku qoran tahay oo dad lagu soo guryo ayaa la keenayey goobaha sideedii fiidnimo ayaanu tagnay kadib arintaasina waxa ay ka baxsan tahay sharciga iyo wixii aanu ku heshiinay ee ahayd in goobuhu inay lixda xidhmaan inta joogtana loo dhamaystiro.

Sideedii fiidnimo waxa goobta noogu yimid iyagoo dad sida ninka Badhasaab ku xigeenk ah ee Cali Case la yidhaa iyo Maayarka Gabiley Maxamed-Aamiin oo dad sida kadibna waxa ay damceen inay dib u baxaan, kooxdii Waddani oo runtii aan aad iyo aad halkan uga mahad celinayo oo kormeerkoodu runtii aad u fiicnaa waxa u suurto-gashay inay cadayn ka reebaan muuqaal iyo maqalba ah oo ay naga duubaan wixii meesha nagu dhex maray, saxaafadana waanu siin doonaa.

Waxaanu shirkan u qabanay in aanaan haba yaraatee ku kalsoonayn Komishanka Doorashooyinka Gobolka Gabiley iyo goobaha aanu usoo gudbinay ee todobada ah ee Gabiley dhexdeeda ku yaala ee xalay lixdii makhribnimo kadib la furay iyadoo aan muraaqiin joogin, inkastoo markii dambe ee aanu tagnay aanu xidhnay.

Goobta ugu darani waa goobta la yidhaa G160 aniga waxa la ii diiday 6:45 daqiiqo aniga oo sita kaadhka sharciga ah ee Kormeerka inaan galo, Bileyska halkaasi wuu la shaqaynayaa oo meesha wadashaqayn ayaa ka socoto, muraaqibkayagiina meesha waa lagu dhirbaaxay oo meeshaba waa laga saaray.

Gobolka Gabiley waxa kaadh qaadashadu ka socotaa 70 goobood in ka badan 30 goobood ayaanu muraaqibiin geysanay, hada waanu kordhinaynaa, arintaas ayaana nagu kaliftay in aanu shirkan jaraa’id qabano, gabi ahaanbana kalsoonidii waanu kala noqonay Komishanka Gabiley.” Ayuu yidh Xamse Khayre, Madaxa ololaha heer qaran ee xisbiga Waddani, waxaanu gabagabadii ugu baaqay Komishanka Doorashooyinka Somaliland iyo Guddida Anshaxa ee Komishanka Inay 24 saacadood gudahood wax kaga qabtaan, hadii ay ka qaban waayaana talaabada xigta ee ay qaadayaan uu ka tashan doono Xisbigu.

Advertisement

Ku Xayeysiiso