Xisbiga Kulmiye Uk Oo Xaflad Sagootin Ah U Sameeyay Gudoomiye Rashiid Macalin Oo Dalka Ku Aadan

 

Xaflad si heer sare oo loo soo agaasimay oo ay Qaban-qaabadeeda iska kaashadeen Xubno Sare ka midda Odayaasha Xisbiga Kulmiye ee Uk. ayaa Waxa ay ka dhacday Galbeedka Magaalada London Caawa oo khamiisa  12/07/2017, waxana ujeedada loo qabtay ay ahayd in lagu Sagootiyo Xubin culus oo ka mid ah Xisbiga Kulmiye ee Dalka Ingiriiska, Waa Gudoomiye Rashiid Cabdilaahi Macalin.isla-markaana ah Rukumadda Xisbiga Kulmiye Uk.

 

Xafladdaasi heerka sare aheyd waxaa soo qaban-qaabiyay Odayaasha Sare ee Kulmiye Uk ee ku dhaqan Magaalada London oo uu hor-kacaayay siyaasiga caanka ah, isla markaasna ah Gudoomiyaha Odayaasha Sare ee Xisbiga Kulmiye Uk Md Maxamed Ismaciil (Xaaji) oo ka tirsan Xubnaha ugu culculus Xisbiga Kulmiye iyo qaar kale oo badan.

Xafladdan ayaa sidoo kale waxa goob joog ka ahaa oo iyana ka soo qayb galay Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye Uk  oo iyana si Mugleh u sii Sagootiyey Siyaasiga:- Md. Rashiid Cabdilaahi Macalin.

Xafladaas,  waxaa ugu horreyntii qudbad gaaban oo soo dhoweyn ah ka jeediyay  Gudoomiye Maxamed Ismaciil Xaaji. una mahadceliyay dhammaan ka soo qeyb galayaashii xafladdaasi.

Munaasibadan oo kulmisay badiba siyaasiyiinta ugu culculis xisbiga Kulmiye UK, waxa ka-soo qayb galay Masuuliyiin kala Duwan oo leh, heer Qaran iyo guud ahaan UK, iyaga oo dhamaan Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee iyagu Nasiibka u yeeshay inay goobta ka hadlaan ay iska daba mareen, in Siyaasi Rashiid Cabdilaahi Macalin uu Xisbiga kulmiye UK  kaalin muhiima kaga jiro  , iyagoo weliba hoosta ay ka xariiqay in horumar badan baaxadda leh ee Xisbiga Kulmiye UK ku talaabsaday uu sababteeda leeyahay Gudoomiye Rashiid Macalin, oo ay ku sifeeyeen in shaqsi dadaal iyo Dulbadan.

Geesta kale Mudane Rashiid Cabdilahi Macalin oo hadalka soo khatimay ayaa waxa uu saaxibadiisa Xisbiga Kulmiye UK kula dardaaray in ay laban-laabaan wada shaqaynta iyo dardergelinta Xisbiga dhexdiisa iyo debadiisa,waxaana uu faray dhamaan Xarumaha Uk iyo Taageerayaasha Xisbiga kulmiye  in ay la shaqeeyaan Xubnaha Gudida fulinta uk, hawshuna Si kasii badan madaama ay doorashadii muddo yar inooga hadhsantahay.

Ugu danbayntii Xafladda ay iska kaashadeen gudiyadda Kulmiye Uk ee lagu sagootinayay  Gudoomiye Rashiid macalin ayaa waxa ay kusoo gaba-gabowday Jawi aad u Qurux  badan.

Adan Yusuf Elmi

London/Uk

Advertisement

Ku Xayeysiiso