Gudida Guud ee Sahan Barwaaqo ayaa Safar Wacyigelin kuna saabsan Qaadashada Kaadhka Cod-bixiyaha ugu Baxday Deegaanada iyo Tuulayaasha Hoos Yimaada Degmooyinka Sallaxley , Balli Mataan iyo SabaWanaag.

Gudida Sahan Barwaaqo ayaa mudadii ay ku jireen Safarka Wacyigelinta ah ayaa dadweynihii ay la kulmeen waxay wacyigelin ka siinayeen habka loo maraayo kaadh Qaadashada Cod bixiyaha Doorashooyinka Somaliland ku soo fool leh .

sidoo kale waxay Dadweynihii ay la kulmeen u sheegeen in diyaar garaw Fiican laga sii sameeyo inta aanay gaadhin 8 Bisha July oo ku beegan wakhtiga laga bilaabayo Gobolka Maroodijeex qaadashada Kaadhka Cod Bixiyaha doorashooyinka Somaliland.

Geesta Kale waxay Dadweynihii ISdiiwaangeliyey ku Wargeliyeen in Qofku si uu ogaadoo Kaadhkiisu halka uu yaalo uu Fariin Numberka Sirta ah ee Xaashida Diiwaangelinta ee uu hore u qaatay ku taala u diro Numberka 353 , taas oo uu helaayo Goobta uu kaadhkiisu yaalo.

Gudida ayaa Kormeerkan ku soo Martay Guud ahaan Tuulayaal gaadhaya ilaa Dhawr iyo Labaatan Tuulo oo ka Tirsan Degmooyinka aynu kor ku soo xusnay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso