Falanqaynta Siyaasadda Ee Dharaarahan:

Wadciga, waayaha iyo walalafta Siyaasidda ee dharaarahan taagan bal aan faallo ka yara tibaaxno maanta.

Saddexda Xisbi siyaasi ee ku loolamaya Doorashadan Madaxtooyo ee afarta bilood iyo maalmuhu ka dhiman yihiin midba qaab siyaasiya ayuu adeegsanayaa si uu taageero ugu kasbado.

Sidaa awgeed waxa muuqata in dharaar ba mid ku sarreeyo tafo xaydnida, nuxnuxda, kasbashada iyo faqa deegaamada.

Waxaan halkan idiinku cabbirayaa heerka miisaan marka loo eego todobaaddadan ay Xisbiyada UCID, WADDANI iyo KULMIYE ku leeyihiin Jihooyinka, Deegaannada iyo Gobollada Somaliland.

Waxa laga yaabaa inay qaar farxad geliso kuwona xumo geliso, laakiin si ay kugu ahaataba waa aragtidayda ku salaysan dhexdhexaadnimada iyo cabbirka togan:

XISBIGA UCID:
1. Wax miisaan ah kuma laha Gobolka Awdal marka laga reebo shaqsiyaad kooban oo Degmada Saylac ah.

2. Waxa taageeradiisa u mudan loo tirinayaa Koonfurta iyo Bariga Gobolka Maroodi-jeer oo maalin walba rifmaya.

3. Taageero la sheego kuma laha Gobolka Saaxil haddii aanay gadaal wax uga soo bixin Bariga gobolkaas.

4. Gobolka Togdheer taageero kuma laha marka laga tago woxoogaa qurbe joog ah oo aan cod lahayn.

5. Waxa uu rajo taageero ka qabaa galbeedka Gobolka Sanaag iyo dabcan Koonfurta gobolkaas oo la filayo in Murashax xigeenkiisu ka iman doono dhawaan.

6. Taageero xooggan ayuu ka rajaynayaa Koonfurta iyo Barriga Gobolka Sool haddii murashax xigeennimadiisu sidaa u dhacdo.

XISBIGA WADDANI:
1. Waxa uu taageero xooggan ka rajaynayaa Koonfurta iyo Galbeedka Gobolka Awdal bal se ka hawl gelkiisa ayaa gaabis ah.

2. Waxa uu xodxodasho haldoor ku hayaa Koonfurta iyo Bariga Gobolka Maroodi-jeex marka laga reebo deegaanno kooban oo loo tiriyo.

Waxa uu rajaynayaa ugu yaraan kala badh taageerada Koonfur-galbeed ee Gobolka Maroodi-jeex.

3. Waxa uu taageero laysku hallayn karo ka haysaa Tuulooyin iyo Deegaanno ka tirsan Koonfur-galbeed Gobolka Saaxil.

4. Waxa uu taageeradiisa ugu weyn ka haystaa Galbeedka Gobolka Togdheer.

Inkaste oo shaqsi la majeero kala socdo Bariga Gobolkaas hadana way adagtahay in uu taageero fiican ka helo.

5. Taageero waxa uu ka haystaa Waqooyiga Gobolka Sanaag.

6. Waxa laga taageeraa Tuulooyin iyo Deeggaanno ka tirsan Gobolka Sool.

XISBIGA KULMIYE:
1. Taageero waxa uu ka haystaa Waqooyiga iyo Bariga Gobolka Awdal in kaste oo ay tabashooyin ka tirsanayaan Murashax xigeenkiisa.

Waxa uu dhabbe gal iyo dedaal ugu jiraa sidii uu taageero uga heli lahaa Galbeedka iyo Koonfurta Gobolkaas.

2. Waxa uu taageero laxaad leh ka haystaa Waqooyi-galbeed iyo Waqooyiga Gobolka Maroodi-jeex.

Waxa uu ku hawlan yahay xodxodasho, shirar, ballanqaadyo iyo heshiisyo uu la galayo Koonfurta iyo Bariga Gobolka Maroodi-jeex marka laga reebo Deegaanno gaar ah.

Waxa uu ugu yaraan kala badh taageero ka rajaynayaa Koonfur-galbeed Gobolka Maroodi-jeex.

3. Taageero fiican waxa uu ka rajaynayaa Galbeedka iyo Koonfurta Gobolka Saaxil marka laga reebo Tuulooyin gaar ah.

Bariga Gobolka Saaxil wuu ka rajaynayaa taageero bal se waxa jira shaki iyo tabasho deeggaan oo ay qabaan.

4. Taageero taariikheed waxa uu ku qabaa Bariga Gobolka Togdheer.

5. Waxa uu taageero fiican ka filayaa Galbeedka Gobolka Sanaag in kaste oo xaalxaal damac jiro.

6. Deeggaanno Waqooyiga Gobolka Sool ah ayuu u filayaa si la mid ah Galbeedka Gobolka Sanaag.

Fiiro gaar ah: waxa aan ku saleeyey Wadciga siyaasiga ah ee hadda taagan, Xog-ogaalnimo, Taariikh hore, Xulafaysi, Khilaaf deeggaan, Heshiisyo, Cid jeclaysi, Nacabnimo deeggaan iyo xaalado badan oo dadka iyo dalka Somaliland ka dhex jira.

Waa Falanqeeye madax bannaan:
Khadar A. Yusuf

Advertisement

Ku Xayeysiiso