Boobka Lagu Hayo Hantida Umada Iyo Waqtiyada Ay Xalaashadeen

 

Sidaynu ogsoonahay sanadihii ugu danbeeyay waxaa xoogaystay boobka lagu hayo hantida umaddan ka dhaxaysa.

Inta badan indheer garadka iyo aqoonyahanka u dhashay dalkan Jamhuuriyada Somaliland,

waxay dhagahooda iyo indhahooda maqlayaan ama arkayaan faan lagu faanayo boobka hantida umaddan ka dhaxaysa.

Hadaynu soo qaadano dowladii daahir riyaale intii ay jirtay hantida umadan ka dhaxaysa ee la boobay  waxaa toban jeer ka badan intay jirtay xukuumadan inta hantiyee la boobay,

Manta waxaad arkaysaa faan lagu faanayo xatooyada qaan gaadhey ee lagu hayo hantida umada.

Tusaale ahaan waxaad arkaysaa wasiir, agaasime ama mareeye la garanayo mushaharka iyo gunada uu qaato hadana la leeyahay mas’uul hebel intii uu xilka hayay waxuu ka qabsaday hantida intaa la eg.

Waxaase indhaha laga qarsan Karin kuwa wax boobaya inay yihin mas’uuliyiin diinta aqoon u leh,

Qiimayn lagu sameeyay intii ay xukuumadan jirtay mas’uuliyintii soo martay mid aan xatooyada ka qayb qaadan ma jiro marka laga reebo wasiirkii hore ee maaliyada maxamed xaashi.

Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan  waxaynu ka baranay xukuumada waqtigeeda sii dhacaya faan lagu faanayo boobka hantida umada, hadii aad arki jirtay hanti waqtiga doorashada la boobayo xukuumadani qorsha taa ka duwan ayay dalkan kusoo kordhisay oo ah mar walba waa ku xalaal inaad hantida umada boobto hadaad tahay mas’uul ka tirsan xukuumda.

Advertisement

Ku Xayeysiiso