Doorka Barnaamijka Xisbiga WADDANI ee cidhibtirka Musuqmaasuqa, eexda iyo qaraabo kiilka!

“Xilka qaranku meherad laga taajiro maaha, waa madal loogu adeego ummadda.”

Fakhriga, gaajada, shaqo la’aanta, biyo la’aanta jidadka dayacan, xarumaha caafimaadka bulshada ee liita, inta shaqaalaha inna metela ee cashuurta wadhatada iyo maatida laga ururiyo biishataa ay yihiin kuwo xilka ka dhigta meherad lagu taajiro in duruufaha nololeed ee innagu gadaaman xal loo helo ha filan.

Talada qaranka Xisbiga WADDANI markuu ku guulaysto waxa qorshihiisu yahay in masuuliyiinta xilalka shacabka loogu dhiibaa noqdaan kuwo u adeega ummadda ee aanay noqon kuwo ka adeegta oo meherad ka dhigta shaqada qaranka. Xisbiga WADDANI wuxuu cidhib tiri doonaa oo fiira gaara iyo feejigni u yeelan doona musuqa iyo leexsiga hantida ummadda ka dhaxaysa.

Haddi la weeleyo cashuurta ummadda iyo dhaqaalaha qaranka, loona isctimaalo si aan tagrifal iyo boon ahayn waxa hubaal ah in Gobollada dalka biyo nadiifa, caafimaad, waxbarasho, waddoyin iyo kaabayaasha kale ee dhaqaale ay noqon lahaayeen kuo horumarsan adeeg ahaan.

Xukuumadda hadda jirta suunaheedu waa qaate qaado, masuul kasta oo hayo jago wuxu ka dhigtay goobtiisa hal isaga u irmaan, wuxuu hoos hayaa hadhuubka musuqa een buuxsmin. Waxameeshi ka baxday masuuliyaddi iyo dabagalkii maamul ee lagula socon lahaa masuuliyiinta hantida ummadda boobaysa.

Toddobadaa gu’ ee xukuumadda KULMIYE talada qaranka haysay dhegeheeenu may maqal dhaayahna maynaan saarin hanti dhawr qaran oo xatooyo masuul ku eedaynaaya, marageedda waxa furay guddoomiyihii haayadda la dagaalanta musuqmaasuqa iyo maamul wanaaga ee dhawaan is casilay oo sheegay in musuqii xadhkaha goostay.

Muwaadin kasta kama qarsoona halka iyo heerka maamul xumida iyo maal urursiga xukuumaddu maraayo, waxa jira masuuliyiin bila kooban xilka hayay oo maanta Malaayin lacaga jeebka ku hubsaday. Xukuumadda Xisbiga WADDANI waxay noqondoontaa mid laysla xisaabtamo oo masuul kasta lagu daba joogo shaqada loogu dhiibay shacabka.

CIDHIBTIRKA MUSUQMAASUQA, EEXDA IYO QARAABO-KIILKA (Zero-Tollerance)

Cidhib-tirka aafada musuq-maasuqa maamul, eexda, qabyaaladda, laaluuska iyo xatooyada xoolaha ummadda iyada oo la dejinayo xeer lagu xakamanayo aafadaas, isla markaana sharciga lala tiigsnayo ka qaata, ka bixiya iyo ka dillaalaba ama fududeeya. Waxa la mid ah musuq-maasuqa nidaamka doorashada, sida iibka iyo iibsiga codaynta; laaluska shaqaalaha doorashada iyo wax-isweydaarinta tirada codbixinta iyo ku dhawaaqisteedaba.

Xukuumadda Xisbiga WADDANI waxay ku tallaabsan doontaa:

  • Samaynta ‘Komishanka Qaranka ee la Dagaalanka Qabyaaladda’
  • Soo-saarista hab-raac lagaga hortegayo musuq-maasuqa oo lagu wacyi-geliyo dadweynaha iyo hawl-wadeennada dawladdaba,
  • Dhiiri-gelinta iyo taageerada buuxda ee dedaallada iyo hal-abuurka cusub ee ay dhalinyaradu kula dagaallamayaan aaffada qabyaaladda
  • Tir-tirista hab-dhaqanka musuq-maasuqa min xagga u hoosaysa ilaa madaxa sare wixii awood dawladeed ku adeegta ama shacab ha ahaado ama dirays ha sito. Waxa sidaa loo samaynayaa iyada oo la soo hubiyay in musuqmaasuqu uu dabar ku yahay horu-marka iyo tayeynta dawladnimada,
  • Is-beddel ku-samaynta hay’adaha mas’uulka ka ah ilaalinta denbiga musuqmaasuqa iyo maamulka gurracan sida: Hantidhawrka, Booliiska, Maxkamadaha iwm,
    • Hirgelinta xoriyadda daah-furnaanta warka iyo madax-bannaanida warbaahinta,
  • Hirgelinta daah-furnaanta iyo xalaalnimda bixinta qandaraasyada dawladda iyo hawl-galka hay’adda Iibka Qaranka. Si arrintaa loo xaqiijiyo waxaanu samaynaynaa xarun–online ah (Portal) oo warka qandaraaska intaan la bixin, intuu socdo iyo marka uu dhammaado macluumaadkiisa si furan looga heli karo,
  • Ku-xakamaynta musuqa xeer u qaar,
  • Badbaadinta iyo dhiirri-gelinta dadka sheega xatooyo xoolaha ummadda, qaraabo-kiilka iyo noocyada musuqa ee qarsoon,
  • Ka-dabo-tagga hantida ummadda ee hore loo lunsaday gudo iyo dibedba,

Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Heer Qaran ee Xisbiga WADDANI

Maxamed Siddiiq Dhamme

WADDANI 2017

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso