WAA KUMA CAQIL MAXAMED CAWED FAARAX qalin maal xamse maxamuud xiddig

Caqliga taamka ah cadaalad wanaag cisiga iyo sharafta caruur iyo cirooleba ka marag kacayaan iyo caaqilaynta lagu caano maalay waa calaamad uu ku caan yahay chief caqil maxamed cawed faarax hadaba aan isku dayo inaan wax yar ka sheego taarikhda iyo maalmaha xusuusta mudan ee uu soo maray chief caaqil maxamed cawed gacanlow iyadoo aynu u kala qaadi doono guudmarka maalmo nololeedkii yaraantiisa, waayihiisii halgankii dhaqdhaqaaqi dib u xoraynta Somaliland , iyo waayihii nabadaynta dadwaynaha reer somaaliland khaasatan reer sanaag iyo sidoo kale wakhtiga xusuusta mudan eee caaqilnimada

Chief caaqil Maxamed cawed waxa uu ku dhashay magaalada ceerigaabo sanadii 1964 waxa uu dugsiga hoose iyo kan dhexeba ku dhammaystay magaalada ceerigaabo kadibna waxa uu dugsigiisii sare ka dhigtay  wadanka hindiya kadibna isla hindiya waxa uu ku diyaariyay degree giisa koowooda oo ku diyaariyay dhaqaalaha (economic) waxaa uu caaqilku hindiya kazoo laabtay sanadii 1987kii isagoo caaqilku isla sanadkii 1988kii ku biiray xarakadii xaqa ahayd ee SNM isla markaana ahaa hogaan si wayn loo yaqaanay guullo fara badana lagu xusuusto , kadib halgankaa dheer waxaa caaqilka lagu xusuustaa nabadayntii iyo isu keenidii beelaha gobolka sanaag isagoo sigaara hawshaa loogu xusuusto

caaqilku waxa uu sanadii 2002 socod baray xisbul xaakinka kulmiye isagoo kala wareegay Caaqil maxmed godane iyo caaqil maxamed cismaan liiban iyagoo ku wareejiyay masuuliyada xisbiga kana noqdaday madaxa ololaha iyo wacyi galinta gobalka sanaag waxa aan badnayna noqday gudoomiyihii gobolka sanaag ee kulmiye markale caaqilku sanadii 2005 waxa uu noqday gudoomiyihii xisbigii UDUB

sanadii 2008 ayaa beeshiisu ay u doorteen inuu si rasmiya u noqdo chief caaqil waxaana aad usoo dhoweeyay dhammaanba madax dhaqameedka iyo dadwaynaha reer somaaliland isla sanadii 2009 waxaa shirkii GARADAG loogu doortay inuu ahaado gudoomiyaha cuqaasha muuse abokor ilaa hadana yahay

hadaba waxaan idiin soo bandhigi doonaa mucjisooyin iyo dhacdooyin maskaxdiina iyo maankiinaba sixridoona oo caaqil maxamed cawed u soo fuliyay waayihii noloshiisa waxaana xusuus mudan inuu yahay madax dhaqameedka keliya ee reer sanaag ee haysta shahaado degree oo dalka debediisa haysta hadaba ha sugun wayina taariikhdaa faca wayn ee chief caaqil maxamed cawed faarax gacanlow

 

              qalin maal xamse maxamuud xiddig 

hamse016@gmail.com or tell 0634194002

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso