XISBIGII WADDANI MAXAA KA DHIGAY TUSBAX FURTAY EE DADKII OOGA YAACAYAAN WQ:Maxamed Daahir Axmed

Dadka arrimaha siyaasada maxaliga ah ka faalooda ayaa in badan iswaydiinayay waxa ku soo kordhay xisbigii Waddani ee sidii tusbax furtay masuuliyiintiisii sar sare mid mid,laba laba iyo koox koox iskugu casilayaan.

Si uu xaal yahayba waxa ay ku soo ururiyeen  falanqeeyayaasha siyaasada maxaliga  ee Jamuuriyada Somaliland in arrimahan hoos ku qorani sabab u yihiin iscasilaadaha isdaba jooga ah ee ka dhex socda xisbiga mucaaridka ee WADDANI:

  1. Hogaamintii xisbiga oo khalkhal la soo darsay,ka dib markii  aasaasayaashii xisbiga iyo kooxdii ku biirtay ee Xirsi horgaleenka u ahaa ay isku fahmi waayeen jaangoynta iyo jihaynta siyaasada xisbiga ee gudaha iyo dibadaba. Tusaale ahaan,waxa xanaaqay oo in uu iscaliso ku dhawaaday Fadal oo  ah xoghayaha arrimaha dibada  ee xisbiga Waddani ka dib markii Xirsi magacaabay gudoomiyayaasha xisbiga ee Waqooyiga America iyo Yurub. Kooxda Damuljadiid ee Xirsi ayaa barakicin ku samaysay aasaasayaashii xisbiga sida Xildhiban Rayte,Muumin seed,Hinda Gaani, Cali  maraykan,Xidhiban faarax dheer,Cali kubad,Rooda iyo iwm. Waxa hada iyana diyaar u ah in ay iscasilaan ugu yaraan 42  masuuliyiin sare sare ah oo xisbiga Waddani ka tirsan,taasi oo isku dheelitarinkii xisbiyada wax wayn ka badalaysa,lagana yaabo in Waddani xisbiga Ucid ka hoos maro.
  2. Waxa iyana muran iyo kala shaki ku riday masuuliyiinta Waddani mawqifka diidmada ah ee xisbigu ka qaatay mashaariicaha horumarka ah ee dalka ka socda. Masuuliyiin badan oo Waddani iska casilay iyo qaar imika qorshaha ay ugu jirto in ay iscasilaan waxa ay  ka biyo diideen qacansaarka waddani la yeeshay dalal ay u arkaan in ay qaranimada Somaliland halis ku yihiin sida Iran iyo Ereteriya.
  3. Waxa iyana lagu micneeyay iscasilaadahan isdaba socda isku qabsiyo mansabo xisbiga dhexdiisa  ah sida waaxda warfaafinta  oo baryahanba muran iyo buuq ka taagnaa iyadoo xoghayaha warfaafinta Cabdirashid xasan matan la filayo in uu ka mid noqdo masuuliyiinta korka  u dhaafaya 42 sarkaal ee dhawaan la filayo in ay xisbiga Waddani iska casilaan.
  4. Waxa kale oo qaarkood  ku sababeeyeen is dhex yaac,hogaan jileec iyo talooyin meelo badan ka soo baxaya sida Murashax,Gudoomiyaha,Hogaamiyaha iyo Musdanbeedka,taasi oo xisbiyahan badan niyad jab ku keentay sababtayna iscasilaadooda.

Guntii iyo gabagabadii waynu eegnaa bal halka ay ku dhamaato iscasilaadaha xisbiga Waddani.

WQ:Maxamed Daahir Axmed

Advertisement

Ku Xayeysiiso