Gudaha Ka Eeg :Xisbiga Kulmiye Laantiisa Birmingham Uk Oo Qabsaday Kulan Lagaga Hadlaayey Qorshaha Ololaha Ee Xisbigaasi .

Birmingham:-Kulan si heer sare ah loo soo agaasimay . isla mar ahaantaana lagu falan-qeynaayey Barnaamij Siyaasaddeedka Xisbiga Kulmiye iyo Qorshaha dhinaca Ololaha ee Laanta Birmingham ay doonayaan in ay ku galaan Doorashadda soo socota , ayaa waxa ay Maanta ka qabsoontay Hotel ku yaalla Magaalada Birmingham Uk. Waxaana ka soo qayb-galay xubno miisaan culus ku leh Bulshada Kulmiye Qaybaheedda kala duwan, Siiba Madaxda Siyaasiyiinta . Musdanbeedka Guddiga Hoggaanka Laanta ee Xisbiga KULMIYE ee Birmingham . Masuuliyiin iyo Wakiillo ka kala socday Taagerayaasha Xisbiga ku leeyahay Gobolka West-Midlands.

Khudbado qiimo badan ayaa halkaasi ay ka jeediyeen  Xubnahaasi. kaasi oo  dhamaantoodba ay ka hadleen ujeeddada shirka ay laanta B,ham ee Xisbigu u qabsatay iyo muhiimada uu leedahay, waxayna si wayn u soo dhaweeyeen Siyaasiyiintii iyo Taageerayaasha cusbaa ee ku soo biiray dhowaan .

Dhinaca kale Xisbiga Kulmiye B,ham ayaa Shirweynahaasi  ku shaaciyey , isla-markaana lagu soo bandhigay Xilal cusub oo loo Magaacabay Laanta Xisbiga KULMIYE  B.ham ee dalka Ingiriiska. kuwaasi oo ahaa Tageerayaashii Jamaal Cali Xuseen Sida :- Gudoomiyaha Dhalinyaradda Kulmiye ee Birmingham . Siyaasiga Dhalinyaradda ah. Md. Xuseen Cumar Hurre. Gudoomiyaha Ololaha iyo Wacyi-Gelinta .Kulmiye Birmingham Marwo. Aamina (Ayaan) Xuseen Janaale. Sidoo kale. Md Siciid Meheriye Iyo  Mudane. Mahdi (Qadaad-Wagareed) oo noqday Xubno Sare oo ka tirsan Gudida Kulmiye ee B,ham iyo Oday Abdiraxmaan Xuseen (Cumar-Ku-Joog) Musdanbeedka Xisbiga Kulmiye. Gudidda Kulmiye ee Birminham ayaa waxa ay fartay Masuuliyiintaa kor ku xusan in ay hawshooda bilaabaan kana soo baxaan waajibaadka loo igmaday. iyagoo sheegay inay Illaahay uga baryaynaa in uu  u  fuduudeeyo hawshaa loo igmaday.”

Shirka ayaa , Ugu horreyn waxaa ka hadlay kulan hawleeedkaasi Gudidda Kulmiye B,ham . iyagoo sheegay sababta ay u qabteen

“Waan idiinka mahad-celinayaa ajiibka aad na soo ajiibteen in aad kulankan nagala qeyb-gashaan oo ay ugu horreyaan dhamaan Tageerayaasha kala duwan ee Xisbiga  kulmiye b.ham  . Sida Dadweynaha Siyaasiyiinta . Waxgaradka  iyo Madaxda kale duwan Kulmiye Birmingham.

Shirkani ay Gudida Kulmiye B,ham UK  (Gudoomiye Maxamud Xirsi Duuduu Iyo Ku-Xigeenkiisa Md Fariid Diiriye Nuur) ay u qabteen Tageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee ku dhaqan Magaalada Birmingham, iyagoo kulanka ku tilmaamay in uu daaranaa madaama ayey yidhaahdeen ay soo dhawdahay xiligii la qabanaayey Doorashadii in ay ka laan ahaan (Kulmiye B,ham) ay ka qeyb-qaataan qorshe hawleedkooda ku wajahan ka-qaybgalka doorashadda siiba dhaqaalihii loo qoondeeyey Kulmiyaha Birmingham iyo siddii fariintaasi Xisbiga loo gaadhsiin lahaa Bulshada Kulmiye ee halkan ku dhaqan.

Gudidda Kulmiye  ayaa ku tilmaamay kulankaasi inuu ahaa fursad qiimo badan oo wax badan ku soo kordhinaysa Xisbigeena Kulmiye, waxaannay yidhaahdeen, “Runtii waxaannu isla wada fahannay meelaha ay tahay in aynu wax-weyn ka qabanno, iskula qaadanay in ololeyaal nagu soo socdaan, isla markaana loo baahanyahay. waa sida ay hadalka u dhigeene. in aan isla wada jaan-qaado . Ha noqoto ka qayb-qaadashada dhaqaalaha Xisbiga (Siiba Qadarkii inagu soo hagaagay ka Birmingham ahaan ) ama dardar-gelinta  iyo   weliba wada-shaqaynta guud ee guddo iyo dibadba.

Xoghayaha Xisbiga Kulmiye B,ham : Ayaa ka hadlay xafladda waxuuna sheegay ujeedada shirkani ay daarantahay sidii loo dardar gelin lahaa xisbiga ; dhanka doorashooyinka soo socda. isagoo uu sheegay inay ka guddi ahaan uu kulankani ahaa xog wareysi  iyo dhaqaalihii qaabkii aynu u soo xareyn-lahayn..

Siyaasi Axmed Salebaan oo ka hadlay shirka ayaa sheegay ” Xisbiga Kulmiye loo baqi-maayo doorashada soo socota iyo kuwa ka dambeeyaba . Wuxuu ku helayaa sidii hore si ka badan, waayo ayuu yidhi. Wax-qabadkiisa ayaa muuqda , Waa Su.aale. Kumaa ku dhiirran lahaa Darajadda Ciidamadda . Bedelaada lacagtii Aafadda Giinbaarta ee Goboladda Bariga. Mushahar Kordhintii 300 % ee Ciidamada . Waxbarashada Asaasiga oo Bilaasha . Dhismaha  Biyo Xidheeanadda. Maalgelinta Dekadda Berbera, Mashariicda kale ee kala duwan  Iyo ta ugu weyn ee Waddada Ceerigaabo , oo aan ahayn Xisbiga KULMIYE iyo madaxweynihiisa Mudane . Axmed Siilaanyo ahayn. Markaa waxaannu leeyahay inta yare ee weli sii indho-indhaynaaya Xisbiyadda Mucaaradka u soo noqda Xisbiga Kulmiye. Ujeeddo . . Midnimo. Horumar Aragti fog buu leeyahay oo dariiq horumar buu hayaa,” ayuu yidhi Siyaasi Axmed Salebaan

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay Siyaasi Cabdi Jaquur , kana xog-waramay dalkii uu dhawaan ka yimi.  Waxuuna tibaaxay inay hoggaanka Xisbiga kulmiye Birmingham isla garteen bilowga dardargelinta laantoodda iyo u diyaargarowga hawlaha doorashadda Madaxtooyadda ee soo socda, siiba dhinaca Dhaqaalaha Siyaasi Jaquur  ayaa hoosta ka xariiqay ; In Xisbul Xaakimka iyo xukuumaddiisu ay ka sameeyeen dalka “Wax-qabad Ballaadhan oo ay shacabku ku qiimaynayaan maanta.

Siyaasi Khaliif Maxamed Wersame (Khaliif Xiin-waal) ayaa uga mahadceliyey qurba-joogga taageerada ay siiyaan xisbi ahaan iyo doorka ay ku leeyihiin Horumarka waddanka, Waxa kaloo ay tilmaameen guulaha ay gaadheen muddadii ay shaqaynayeen iyo hiigsiga u qorshaysan oo ah inaynu ka midho-dhalino guusha xisbiga KULMIYE ee taladda dalka mar labaad iyo u diyaargarowga doorashada Madaxtooyada ee xisbiga KULMIYE iyo sidii uu guul wayn uga soo hoyn lahaa.isagoo ku booriyey inay sii xoojiyaan hawsha ay hayaan.

Dhinaca kale : qaar ka midda odayaasha Musdanbeedka Xisbiga Kulmiye ee B.ham Sida Faarax Bakeyle. Siciid Fisigis. Faarax Cirro. Dr Cumar muuse . oday xaashi. keyse iimaan. oday axmed Bidaar. siyaasi Xasan meygaag .Maxamed Muraad. ayaa iyagu  halkaasi waxa ay ka jeediyeen  hadallo bogaadin shaqo ah iyo dardaaran sii xoojin ah u gudbiyey Tageerayaasha Kulmiye ee Birmingham, waxaanay u ballan-qaadeen inay iyaguna tageero ahaan mar walba garab-taagan yihiin, lana shaqaynayaan. Xubnahani ayaa iyagu ah Mishiinkii iyo Wadnaha dhaqaajiya Xisbiga Kulmiye ee B,ham.

Geba-gebaddii ; – Waxaa la iska xog-warraystay hawlaha shaqo ee laanta Xisbiga B.ham ay u  hayaan Bulshadda kulmiye Birmingham  ee ku saabsan abaabulka iyo hawlaha yaalla, iyadoo si buuxda la isugu afgartay qodobadii shirka lagaga wada-hadlay oo ay ugu muhiimsanaayeen dardargelinta laanta xisbiga Kulmiye ee Birmingham .

waxaana la isla gartay in si dhakhso ah loo diyaariyo Barnaamijka ololaha Xisbiga Kulmiye B.ham oo dhamaystiran oo ku waajahan sidii hawlaha ololaha doorashada qaabka ugu haboon looga waajihi lahaa iyo qaadashada kaadhka aqoonsiga Xisbiga Kulmiye. Waxa kale oo aad looga hadlay arrimo fara badan oo khuseeya xisbiga kulmiye B,ham iyo sidii loo dardar gelin lahaa. iyadoo ugu danbeyntii la sheegay in dhamaan tageerayaasha Kulmiye ee ku dhaqan Birmingham ay dhameystiraan gaar ahaan dhaqaalihii doorashada ama doorkeenii aan ku lahayn.dhaqaalahaasi oo laysla qaatay laba bilood gudahood  in lagu soo xareeyo.

 

 

Adan Yusuf Elmi

Birmingham/Uk

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso