Gudaha Ka Eeg :Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay canbaaraynaysaa xadhiga laba siyaasi oo mucaarad ah

21 May 2017 waxa Maxkamadda Gobolka Hargeysa ay sanad ku xukuntay Yoonis Axmed Yoonis oo ah Xoghayaha Ciyaaraha iyo Dhalinyarada ee Xisbiga Waddani. Waxa maxkamaddu sheegtay inay ku heshay inuu dadka ku kiciyay inay sharciga ka horyimaadeen mar uu ka hadlay shir jaraa’id oo la qabtay 11 April 2017. Maxkamaddu waxaay wax dembi ah ku wayday Maxamed Sidiiq dhame oo ah Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee Waddani. Xafiiska Xeer-ilaalinta ayaa ka rafcaan qaatay sii daynta Dhame oo is hortaagay inuu xorriyadiisa dib u helo.

11 April ayay Booliisku ka xidheen Maxamed Sidiiq Dhame iyo Yoonis Axmed Yoonis meel ku dhow xafiiska uu xisbigoodu ku leeyahay Gobolka Hargeysa halkaas oo ay kaga qayb qaateen shir jaraa’d oo lagu canbaareeyey duminta dayrar guryo ku yaal seked ka mid ah magaalada Hargeysa. Mucaaradku waxaay ku eedeeyeen Dawladda Hoose inay dayrarka u dumisay si ay marin ugu sameeyso hudheel ay sheegeen inay leedahay Marwadda Kowaad. Duqa Hargeysa oo saxaafadda la hadlay wuu beeniyay eedaas oo wuxuu sheegay in ay ahayd shaqo caadi ah oo loogu banaynayay wado dab damiska.

Labada sarkaal ee xisbiga ka tirsan waxa si wada jir ah loogu eedeeyey “inay sameeyeen kicin in sharciga laga horyimaado.” Halka Dhame si gaar ah loogu eedeeyey inuu war been abuur ah oo la xidhiidha sawir nin sita wax u eeg dharka ciidanka iyo calanka xisbiga talada haya oo uu ku soo bandhigay barta uu ku leeyahay Facebook ga.

Maxkamaddu waxaay sheegtay in hadalka uu ka yidhi Yoonis shirka jaraa’id uu yahay kicin in sharciga laga horyimaado. Maxkamaddu waxaay ku dhawaaqday in eedaha loo haysto Dhame aanay waxba ka jirin qoraalka uu soo dhigay Facebook guna aanu ahayn been.

Qodobka 32aad ee Dastuurka wuxuu damaanad qaaday xorriyadda aragti dhiibashada halka qodobka 8aad ee Xeerka Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyaddu uu siiyay masuuliyiinta xisbiyada xorriyad ay ku hadlaan.

Xarunta waxaay ka walaacsan tahay xadhiga siyaasiyiinta xilli ay soo dhow dahay doorashada madaxwayne oo mudaysan November.

Xarunta waxaay ugu baaqaysa dawladda Somaliland inay xorriyadooda u soo celiso labada siyaasi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso