Gudaha Ka Eeg :Xildhibaannada Golaha Deegaanka Oo Maayirka Ka Dalbday In Uu Qabto Kalfadhigii 15-Aaad Oo Muddo Dhaafay + Xogo Hoose Oo Ku Saabsan Mooshin Ka Dhan Ah Maayirka Caasimadda .

Xildhibaannada Golaha Deegaanka Hargaysa oo tiradoodu dhantahay 23-Xildhibaan ayaa Maayirka Caasimadda ka dalbaday in uu qabto Kalfadhigii 15-aad kaas oo ay sheegeen in uu muddo-dhaafay .

Waxaana tirada Xildhibannadani ay dhantahay 23 Xildhibaan, iyagoo warqaddan u gudbiyay Maayirka Caasimadda Hargasya .

Xogo hoose oo aanu ka helnay ilo wareedyo lagu kalsoonyahay, ayaa tibaaxayaa in Kalfadhigan ay dalbanayaan Aqlabiyadda Mudanayaasha Golaha Deegaanku ay daarantahay sidii ay Mooshin ka dhan ah Maayirka u soo dhigi lahaayeen .

Waxaana Xogaha aanu helaynaa ay intaasi ku darayaan in Maayirka Caasimadda Mudane Soltelco uu qorsheenayo Safar Dibadda ah, kaas oo uu damacsanyahay in uu ku damiyo Xiisadda kaga kacsan Xildhibaannada iyo in uu jaanis u helo, sidii uu fur-furi lahaa Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee la sheegay in ay immika ku midaysanyihiin Xil ka qaadista Maayir Soltelco .

Waxaana laga dhursugaya Maalmaha soo socda sidaa xaal-noqdo iyo halka ay isugu biyo-shubato .

 

 

Hoos ka Eeg Warqadda Ay Xildhibaannadani u gudbiyeen Maayirka Caasimadda .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso