Somaliland neey ayaan daran foxaagii meel kale ayuu ka baxayaa, dal maaliyadisii la majara habaabiyay kuwa majara habaabiyey kuwa ay yihin

Somaliland neey ayaan daran foxaagii meel kale ayuu ka baxayaa, dal maaliyadisii la majara habaabiyay kuwa majara habaabiyey kuwa ay yihin

mohamed osman

Somaliland neey ayaan daran foxaagii meel kale ayuu ka baxayaa,

 dal maaliyadisii la majara habaabiyay

     kuwa majara habaabiyey kuwa ay yihin

 

Inta badan shacabka jamhuuriyada somaliland waxay jawaab u la’yihin dhaqaalaha dalkan soo gala halka lagu xareeyo.

Waxaynu ogsoonahay shacabka jamhuuriyada somaliland inay la litaan dhaqaale xuma baahsan oo aafaysay nolosha dad farabadan, dadka qaarna ay ku abuurtay xanuun aan dawo loo hayn.

 

Waxaynu ogsoonahay somaliland inay lahayd ilo dhaqaale kuwasoo kala ahaa xoolaha la dhoofiyo, canshuurta dekeda kasoo gasho. xuduudaha bariga ganacsiga kasoo galo iyo kabka yar ee ay beesha caalamka siiso somaliland.

 

Intaa aan soo sheegay waxaa afeeyay qorsha xumo iyo ku takri fal baahsan oo lagu sameeyay ilihii dhaqaale ee dalkan lahaa.

Xoolihii dalkan uu ku faani jiray abaar baahsan ayaa rawixisay, dekedihii waxaa la wareegay lagana kireeyay huwan is barkan, xuduudihii dhaqaalaha xoogan kasoo gali jiray ee ay kow ka ahayd xadka ethopia siyaasad xumada somaliland iyo ethopia ayaa sababtay in la xidho laga joojiyo somaliland xoolihii ay galin jirtay ethopia.

Kabkii caalamka isagana waa laga jaray somaliland iyadoo loo sababeeyay musuq maasuq baahsan iyo wax isdaba marin,

 mashariicdiina way istageen hay’adaha caalamka ay ka wadeen somaliland.

Intaa aan soo sheegay waxay qiima dhac ku sameyeen lacagtii shilinka somaliland, hada waxuu marayaa lacagta shilinka somaliland 1$= 10,000 

 

 bulshada la ildaran xaalada uu dalka marayo ayaa waxuu madaxwaynuhu awooda saaray in lacagta shilinka Somaliland qiimahedii lasoo celiyo.

 

Waxuuna wasaarada maaliyada iyo banka dhexe ku armay inay wax ka qabtaan qiima dhaca ku yimid shilinka Somaliland,

 balse qorsha xumada haysata hay’adahaaa loo xilsaaray waxay shegeen inaysan madaxwaynaha jawaab saxan u hayn ayse isku dayayaan talaabada madaxwaynaha uu doonayo mid ka duwan ay bulshada ku majara hababiyaan.

Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan dalkan si lacagtiisa qiimaha ay lahayd losoo celiyo waa in si daacad ah loo wajahaa talaabooyinka ugu fudud ee la qaadi karo iyadoo laga eegayo dhidhacya badan.  

1.       Qaadka waa in loo helaa waxii lagu badalan lahaa

2.       Ganacsiga ethopia aan u iib gayno waa in xadka la furaa labada dalna ay is dhaafsadaan ganacsiga

3.       Waa in la baraa kabkii yaraa ay caalamka ina siin jireen waxa sababay in la joojiyo ayna is kaashadaan mucaarad iyo muxaafad.

4.       Waa in amah lawaydiistaa huwanta dekedaha la wareegtay si lacagta Somaliland qiimaheeda dib loogu soo celiyo

Waxaan kusoo ururinayaa qoraalkayga hadii intaa wax laga qabto dalkan iyo dadkan waxuu dib ugu soo noqon donaa wadadii horumarka 

Advertisement

Ku Xayeysiiso