Bad-weynta fikirka iyo caqliga…

Bad-weynta fikirka iyo caqliga…..

Waxyaabaha ay gaarka la tahay xadaarada islaamku waxa kow ka ah inay tahay xadaarad ku dhisan manhaj degsan oo ay dejiyeen culimadii islaamku sida…
1: Manhajka baadhitaanka wararka si loo ogaado kooda saxa ah iyo kooda qaldan waxa manhajkan adeegsaday culimada ku takhasustay baadhitaanka xadiiska sida imaamul bukhaari iyo muslim
2: manhajka badhitaanka iyo dabagalka waxa ay tahay aqoontu iyo gaadhitaanka waxwalba asalkiisa iyo halka uu kasoo unkamo amaba kasoo farcamo
Waxaa manhajkan loo yaqaanaa culimada dhexdooda usuul – alfiqi waxa kaloo uu gaar la yahay in shakhsiga cilmigan ku takhasusa uu noqonayo waxa loo yaqaano (mujtahid) oo noqonaysa qof jawaab ka bixin kara dhamaan masaa isha diinta
3: manhajka lagu ogaado waxa ay tahay xigmada ilaahay u abuuray koonka (dhulka) iyo khalqigiisa kelaba, waxa ay manhajkan culimadu u yaqaanaan al caqiida halka ay firqooyinka qaarna u yaqaanaan cilmiga hadalka amaba cilmul kalaam
Mudooyinkii qarniyadii dhexe ilaa hada waxa ay umada muslimka ahi gashay suurnaan (mooganaan) xaga caqliga iyo fikirkaba ah ilaa iyo hadana ma muuqato wax soo kabasho ahi
Marka aad eegto dhinaca fikirka waxaa loo qaybsamay laba qaybood oo mid walbaaba meel daba ku hayo
Qoloda koowaad waa qolo qabta inaan laba fikirin sababta oo ah caqligu waxa uu ka hor imanayaa nusuusta sharciga ah( quraanka iyo xadiiska )
Qolada kele laftigoodu waxbadan kama foga kuwaa hore oo waxay isu dhiibeen taariikhda oo ay u daba galeen si indhola’aan badani ku jirto waana laba qaybood
Qaybi waa culimada fiqiga ardaydoodii oo waxay raacaan dhamaan waxay kasoo gadheen culimaadaa iyagoon shaandhayn amaba aan u fiir fiirsan
qaybina waa qolyo si indho la’aan ah u qaatay culuumta reer galbeedka oo waa qolyaha cilmaaniyiinta

saxansaxada muuqata iyo suursanaanta(mooganaanta ) jira ::
shaki kuma jiro in illaahay qof walba ku karaameeyay nicmada caqliga inkastoot jiraan dad aan nicmadan ilaahay u waarin
dadku siday u badan yihiin waa sadex qaybood markaynu ka hadlayno caqliga :
1: qolyo aad moodo inay ku takhasuseen tuurista caqliga iyo inay isku dayaan inay dadka ka dhaadhiciyaan inaan la fakarin in caqligu horsed u yahyay lugooyooyin badan waana laba qaybood
Qayb aaminsan inuu caqligu ganbi ahaanba ka hor imanayo waxyiga ( quraanka iyo xadiiska)
Iyo qayb aaminsan in uu caqligu kaliya ku koobnaado wixii dabiiciya taasoo macnaheedu noqonayo ha u fikirin si cilmiyaysan kaliya u fikir waxa uu caqligu tuso abuur ahaan
2: qaybta labaad waa qolyo ku xeel dheeraaday inaanay suuragal ahayn waxa caqligu tusaa inay khalad noqon karaan taasoo keentay inay caqliga dhigaan meel la mida waxyiga
Qolyahani may jirin xiligii xadaaradii islaamka laakiin waxay yimaadeen xiliyo danbe oo waxa dheliyey loolankii ka dhex taagnaa diinta iyo caqliga ee ay hor kacaysay xadaarada reer galbeedku taasoo saamayn ku yeelatay qaybo ka mida muslimiintii xiligaa nolaa ilaa ay isu badashay madarasad dhan oo aqoonyahanadeeda leh
3: qolyahani iyagu waxay udhexeeyaan laban qaybood ee hore waxay aamin sanyihiin in caqligu uu meel ku leeyahyay nolosha qofka laakiin uu yeelanayo sax iyo khaladba
Waxay ka soo horjeedaan in la yidhaa caqligu wuxuu ka hor imanayaa waxyiga (quraanka iyo xadiiska)
Laakiin ay iman karto mar ay isku dhacaan caqliga iyo waxyigu markaas oo ah marka uu naska (aayada quraanka ah fasirkeeda ,amaba xadiiska) wax ka qaldan yihiin amaba anuu saxiix ahayn
Waxa kaloo iman karta iyadoo caqligu fayawyahay xadiiskuna saxiix yahay inay isku dhacaan sababta oo ah qofka baadhaya masalada ayay wax ka qaldan yihiin ha noqoto qaabka uu u baadhayo amaba aqoonta uu arintaa iyada ah u leeyahay oo yar awageed ,sidaa daraadeed ayay culimada islaamku kutub uga qoreen baabkan (yacnii arintan) waxaana culimadaa ka mida ibnu taymiya ,qasaali, juwayni iyo kuwo kele
Waxay nu u baahanay inay nu mar labaad caqliga ka shaqysiino oo aynu fikirno inagoo ka duulayna diinteena xaniifka ah ee aan marnaba dhiiri galinayn in la gabo shaqada caqliga
Sidoo kale aynu isku daynu inaynu ka xorownu dulinimada jahliga iyo inuu qof inoo yeedhiyo nolol maalmeedkeenu sida uu u eekaanayo
Qofkasta oo isku daya inuu fogeeyo awooda caqliga isagoo adeegsanaya magaca diinta balse aan aqoon u layahayn farqiga u dhexeeya aragtida amaba ra’yiga iyo caqliga ,waxuu ku dhacayaa god modow oo aan lahayn xataa meel looga baxo
Sidoo kale qof walba oo isku daya inuu ka xoroobo diinta amaba waxyiga samaaawiga ah isagoo gabaad ka dhiganaya caqliga iyo awoodiisa waxa uu qaadayaa wado aan bilaw iyo dhamaad midna lahayn
Aynu isku dayno inaynu ogaano waxaa uu rabi kaa rabo intaad nooshahay nolashan gaaban ,ku dhaqan wixii waajibaada ee uu ku faray kana fogow wixii xaraama ee uu kaa reebay ,kani fikir sababta uu kuu siiyay awood aad kaga fikiri karto inkasta oo uu aragaagu gaadho iyo in ka baxsanba

W/Q : Abdirahman Ismail Awnour
abdirahmangoel@gmail.com
Pakistan islamabad

Advertisement

Ku Xayeysiiso