Qaybtii 2aad: Maxay Dalalka Qaar ugu Guul Daraysteen Horumarka Dhaqaale

 

 

Qaybtii 2aad: MAXAY DALALKA QAAR UGU GUUL DARAYSTEEN HORUMARKA DHAQAALE

Qore: khadar Daa’uud cabdi

Afarta qodob ee aynu hore usoo xusnay ee kala ahaa dhigaal(saving), ganacsi(trade), teknoolojiyad(technology) iyo fidin la fidiyo ilaha(resource boom) waa arimaha gundhiga u ah in lahelo koboc dhaqaale taasi oo aynu ku tusaalaynay qoys keli ah,  balse arintu ay ka adagtahay marka laga hadlayo sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha qaran. Korodhka dhaqaale ee dhabta ahi(actual economic gowth), waxa uu u baahanyahay in afartan arimood ay wada shaqayn joogto ahi ka dhaxayso (saving and capital accumulation, increasing specialization and trade, technological advance and greater natural resources per person) taas oo keenaysa ama sabab u noqonaysa kor u kaca ku yimaada waxsoosaarka gudaha(Gross Domestic Product or  GDP). Inkastoo aynu iftiiminay dariiqada lagu kordhin karo dakhliga heer qoys, xaqiiqo ahaan waxay u baahan tahay in ay isla falgalaan kumanaan ama milyano qoysas ah oo uu isku xidho suuqu oo qaada falal urursan(collective actions) kuwaas oo ka tarjumaya siyaadda iyo maalgelinta guud ee bulsho ama dal.

Kol haddii aynu aragnay asbaabaha keeni kara korodhka dhaqaale qoys ahaan iyo qaran ahaan, waxa iyana is waydiin leh maxaa hoos u dhigi kara oo keeni kara dib udhaca dhaqaale. Waa kuwan sababaha  keeni kara taasi inay dhacdo:

Wax kaydsi la’aan (Lack of Saving) 

Haddii qoyska ama bulshadu ay tahay mid aad u baahan oo macaluuli hayso, kadibna wax soosaarkooda oo dhan ay cunaan, tusaale ahaan qoyskii aynu soo aragnay ee 4 tan ee galleyda ah soo saarayay uu afartaba cunno ahaan u isticmaalo oo aanay jirinba wax uu u reebay inuu suuqa geeyaa si uu waxyaabo kale oo beerta iyo qoyskuba uu u baahanyahay uu ugu soo gato. Waa xaqiiq taasi inay raad ku reebayso qoyska iyo beertaba, tusaale ahaan haddii inta sanadka lagu gudo jiro uu ka jabo qalabkii uu beerta ku qodi jiray oo loo tixgalinayo hanti qiime dhac ku yimid (capital depreciation or a fall in the amount of capital available per worker) ama uu cayayaan ku dhasho dhaqaalena aanu u hayn, taasi waa hubaal in wax soosaarkii beertu hoos u dhacayo islamar ahaantaana dakhligii reerka guud ahaan(household income) iyo qof ahaanba(per person) uu isna hoos u dhacayo, tanina ay sabab u noqonayso hoos u dhac ku yimaada korodhka waxsoosaarka gudaha(GDP).

Ganacsigii oo meesha ka maqan (Absence of Trade)

Waxaad kasoo qaadaa in reerkii beeralayda ahaa ay maqleen fursad kusaabsan beeritaanka midho ganacsi oo fiican, laakiin aanay awoodin inay ka qaybgalaan waayo dhaqaale uma hayaan. Tani waxay sabab u noqonaysaa inaanay helin waddo isku xidha yaga iyo suuqa oo xataa ay kusoo iibsan karaan cunto kaduwan ta ay lasoo baxaan. Tanina waxay sababaysaa in qoyskaa isaga ah ay dhaafto fursad ay ku soosaaraan amaba ay ku takhasusaan midhaha iib galka ah(cash crops), tan oo sababi karta mustaqbalka in la aamini waayo lacagta (monetary chaos). Qarankuna waa lamid oo haddii aanu gali Karin suuqyada caalamka isna sida qoyskan ayuu ku danbayndoonaa inagoo dalka si gaara u eegi doona xaaladiisa korodh-dhaqaale.

Teknolojigii oo isdeba gediya (Technological Reversal)  

Sida inta badan ka dhacda dhulalka miyiga Africa, caruurtu waxay waalidkood ku waayaan HIV/AIDS, markaa waxa reerka masuul ka noqda caruurta ka u wayn kaas oo aan lahayn xirfadii ay lahaayeen waalidkii markay noqoto xaga beer qotista iyo wixii lamida. Kadibna waxa dhacda in midhihii sanadkaa soo go’i lahaa ay xumaadaan isla mar ahaantaana caruurtii ay ku tiirsadaan cid kale. Dhaqaalihii qoyskaasi hoos buu u dhacay ilaa uu ku dhawaaday zero sababtoo ah aqoondarida ka haysa teknoolojiga isticmaalkeeda. Ku shaqaynta iyo garashada isticmaalka teknoolajiyaduna maaha dhaxal (technological know-how is not automatically inherited).

Hoos u dhac ku yimaada ilaha wax soosaarka (Natural resource Decline)   

Si aynu u iftiimino arin kale oo suurto gal ah, maaha in aanu jirin dhulkale oo lagu dari karo kii labeeranayay, laakiin qayb kamid ah dhul beereedkii jiray ayaa keenaya hoos u dhac ku yimaada degaanka (environmental decline). Hadaynu si cayiman u sheegno qoyskan beeralayda ahi  ma awoodo isticmaalka bacrimiyayaasha (fertilizers) iyo xataa qaabka loo sugo nitrojiinta dhirta(nitrogen-fixing trees), sidaa darted waxa la xaalufiyay nitrojintii dhulka beerta ah. Natiijada ka dhalanaysaana waa hoos u dhac ku yimaada wax soosaarkii, hadii wax soosaarkii hoos u dhac ku yimaadana waxa hoos u dhac ku imanayaa dakhligii sanadlaha ahaa ee qoyska (household annual income).

Masiibo dabiici ah oo dhacda (Adverse Productivity Shock)

Haddii masiibo dabiici ahi dhacdo sida; daadad, abaaro, hanfi ama hamaday ama cayayaan ku dhasho midhaha amabase cuduro ay ku dhacaan qoyka, waxay keenayaan hoos u dhac ku yimaada wax soosaarka iyo dakhliga reerka.

Taranka dadka oo kor u kaca (Population Growth)

Sida aynu wada ognahay jiilba jiilbuu bedelayaa. Waalidkii waa dhimanayaa, labadii hektar ama hantidii ay ka tageen waxa qaybsanaya caruurtii. Caruurtii way sii tafiirmayaan beertii ama hantidii waalidku ka tagayna waa inteedii wax soosaarkeediina isma bedelin, dakhligii qof kastaana hoos buu uga sii dhacay intii uu markii hore ahaa. Arintani waxay aad ugu badan tahay reer miyiga Africa.

Tusaalahan yar ee koobani waxa uu ina tusayaa hababka ugu fudud ee dhaqaale u kobci karo iyo sidoo kale uu hoos ugu dhici karo. Waa inaynu ogaanaa talaabooyinka ku haboon ee ay tahay inaynu qaadno si aynu u ogaano muxuu dhaqaaluhu ugu guul daraystay inuu kor u kaco.

Lasoco qaybaha kale………..

 

 

By: khadar Da’ud Abdi

(MSc. Development Economics)

Tel: 063-4060400

E-mail: khadar.daud@gmail.com

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso