Xaflada Xilwareejinta Laanta West London Xisbiga Kulmiye UK

London Sabti 29.04.2017 Xaflad aad u qiimo badan oo si fiican loo so agaasimey oo lagu qabtey galbeedka London, Xafladaas oo xil wareejinayey gudoomiyihii hore laanta West London Marwo Hodan Abdi Ali iyo gudoomiyaha cusub Mudane Rooble Cali oo loo doortey inu noqdo gudoomiyaha cusub laanta West London isla xafladaa waxa lagu soo dhaweynaya xubno badan oo ku soo biirey Kulmiye UK kana so digarotey xisbiga Wadani UK.

Xafladaa waxaa kasoo qayb galay gudidfulinta kulmiye UK iyo dhamaan laamaha xisbiga kulmiye UK. Waxaa kaloo kasoo qayb galay xaflada garaado, ugaasyo iyo salaadiin waxa kale ka qeyb galey gudida musdanbeedkaUK xisbiga. Waxaa kaloo xafladaa lagu soo dhaweeyay taageerayaal badan oo kasoo baxay wadani kuna soo biiray xisbiga kulmiye,Waxaa kaloo halkaas xilka kula kalawareegaayay labadii gudoomiye ee laanta west london.

Xafladaa waxa ka Hadley gudoomiyaha xisbiga kulmiye UK Mudane Xariir Hersi Adar, gudomiye Hariir waxa hadalkiisu u ku bilaabay mahadnaq u soo jeediye gudida fulinta UK iyo laanta west London sidii fiican ay u soo abaabuleyn xafladan. Waxa kale aad ugu mahadnaq una soo dhaweeyey marti sharaftii ka soo qeyb gashay xaflada gaar ahaan Garaadada iyo ugaasyada iyo salaadiinta iyo siyaasiyiinta iyo laamaha xisbiga UK oo si mug leh uga soo qeyb galay.

Gudoomiye xariir Hersi wuxuu aad ugu mahadnaqey gudoomiyihii hore laanta west London amaana u s oo jeediyey waxqabadkeed laanta west London iyo guud ahaanba Kulmiye UK. Gudoomiye xariir ugu dambeyn wuxuu ku gubaabiyey xubnaha xisbiga in la siyaadiyo wax qabadka iyo tabaabushaha u diyaargarowga doorashada inagu soo fool leh si xisbiga kulmiye u hantiyo guusha hogaaminta wadanka. Waxa kale uu halkaa ku soo dhaweeyey xubno miisaan leh oo ku soo biirey Kulmiye Uk kana soo digarogtey xisbiga wadani UK.

Waxa kaloo xaflada ka Hadley gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye UK Mudane Axmed Cabdillahi Axda, wuxuu Ahmed aad ugu mahadnaq dhamaan martisharaft shirka joogtey waxa kalo si qotodheer uga warramey waxqabadka xukuumada kulmiye iyo u diyaargarrow loo bahan yahay in loo diyaar garoobo doorashada, Axmed wuxuu aad u amaaney gudoomiyihii hore laanta West London Marwo Hodan Abdi Ali waxaanu soo dhaweeyey una duceeyey guddomiyah cusub Mudane Rooble Ali.

Xafladaas waxa ka Hadley masuuliyiin fara badan oo ka tirsan gudida fulinta UK iyo madaxda laamaha UK iyo madax dhaqameed iyo siyaasiin kale.
Uga Danbeyntii gudida fulinta UK oo hogaaminayo gudoomiye Hariir Hersi Adar waxay shahaado hawl karnimo iyo sharafeed ah gudoonsiiyeen Marwo Hodan Abdi Ali, gudoomiyihii hore Laanta West London.

Advertisement

Ku Xayeysiiso