Danjiraha Somaliland U Fadhiya Imaaraadka Oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Dalka Sweden Iyo Kulamo Uu La Qaatay Jaaliyadaha Sland Ee Waqooyiga Yurub

“Somaliland waa dal aan la aqoonsan oo ilaa imika waddan aqoonsaday aanu jirin laakiin, nasiib wanaag maalgalinta baaxadda leh ee uu hormoodka ka yahay walaalkeen Baashe Cawil waa tii soo dhawaynaysay ama wadada u jeexaysay in aynu aqoonsi helno,” ayuu yidhi Danjire Sulub

Stockholm(ToggaHerer) Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta Danjire Baashe Cawil Cumar oo ay weheliyaan La taliyaha madaxweynaha ee arrimaha saxaafadda Khadar Cali Gaas iyo agaasimaha TV-ga Qaranka ee qaarada Yurub Cabdiraxmaan Aadan ayaa lagu soo dhaweeyay madaarka caasimada dalka Sweden ee Stockholm. Safiirka Somaliland ee Sweden Danjire Sakariye Xasan Wacays, guddoomiyaha Kulmiye u qaabilsan Sweden, guddoomiyeyaasha dalladda qurbejoogta Somaliland iyo dadweyne kale ayaa Ambasador Baashe Cawil ku soo dhaweeyay madaarka.

Danjiraha Somaliland ee Sweden iyo madaxda kale ee madasha ku sugna ayaa si farxad leh u soo dhaweeyay weftiga Danjire Baashe Cawil, islamarkaana sheegay in ay is xogwarraysan doonan muddada uu ku sugan yahay dalkaasi. Waxay sheegeen in qaybaha jaalliyadu u dhan yihiin soo dhaweynta weftigan safiirka.

Danjire Baashe ayaa u mahadceliyay Safiirka Sweden, madaxda xisbiyada, masuuliyiinta jaaliyadda, dadweynaha soo dhaweeyay iyo wariyeyaasha telefishanka Qaranka oo goobta joogay “Waxaanu halkan joogi doona muddo laba cisho ah, insha Allah wakhti dambe oo aynu is waraysano oo xog kala qaadano ayaynu heli doona imikana waxaanu u mahadcelinaya dadkii sida diirran noo soo dhaweeyay aad iyo aad baad u mahadsan tihiin baanu idin leenahay,” ayuu yidhi Danjire Baashe.

Danjire Baashe Cawil ayuu socdaalkiisu la xidhiidha bookhasho rasmi ah oo ay u fidiyeen jaaliyaddaha Somaliland ee ku nool dalalka waqooyiga Yurub, waxaanu kulamo la qaadan doona qaybaha bulshada kuwaas oo la isaga xogwarraysan doono arrimaha Somaliland. sidoo kale waxa uu kulamo la yeelan doona masuuliyiin ka tirsan dawladda Sweden.

Mr Baashe ayaa lagu ammaanay horumarka ku yimid xidhiidhka Somaliland iyo imaaraadka Carabta muddadii uu safiirka ahaa oo ay hirgelineed heshiisyo iyo maalgalin muhiim u ah labada dal.

Dhinaca kale Jaaliyadda Somaliland ee dalalka Waqooyiga Yurub oo ay weheliyaan safiirrada Somaliland u jooga dalalkaasi ayaa kulan wada jir ah bilad ku guddoonsiiyay danjiraha Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Somaliland Mudane Baashe Cawil Cumar. Jaaliyadda ayaa sheegay in ay ku maamuuseen horumarka uu gaadhsiiyay iskaashiga Somaliland iyo Imaaraadka muddadii koobnayd iyo sida uu uga soo baxay waajibka saaran ee ah in uu dalkaas ku qanciyay maalgashiga Somaliland iyo in Somaliland tahay madal nabdoon oo lagu soo hiran karo.

Danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Norway ayaa sheegay in muddooyinkii u dambeeyay waxa ugu weyn ee dunidu hadal haysay yahay iskaashiga dhexmaray dawladda Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, taas oo ku qotonta heshiisyada maalgashi ee labada dal dhexmaray “ Somaliland waa dal aan la aqoonsan oo ilaa imika waddan aqoonsaday aanu jirin laakiin, nasiib wanaag maalgalinta baaxadda leh ee uu hormoodka ka yahay walaalkeen Baashe Cawil waa tii soo dhawaynaysay ama wadada u jeexaysay in aynu aqoonsi helno,” ayuu yidhi Danjire Sulub.

Wakiil ka socday Jaaliyadda iyo xisbiga Kulmiye ee dalka Denmark ayaa sheegay in ay ku bogaadinayaan Baashe Cawil hawlaha uu ka qabtay xidhiidhka Imaaraadka iyo Somaliland “ Kulankeenu wuxuu daarran yahay in aynu muujino taageerada aynu u hayno mashaariicda waxqabad ee khayriga ah ee dawladda Imaaraadka Carabtu dalkeena ka hirgalisay ee dhaammamka leh, ka hortagga abaaraha iyo dhakhaatiirta ay inoo soo direen, waxa kale oo aanu taageerayna mashruuca siyaasadda leh ee Imaaraadku saldhiga kaga furanayo dalkeena waanan ka mahadcelinayna,” ayuu yidhi Mr Xasan oo ka socday Denmark.

Ugu dambeyn safiir Baashe Cawil ayaa u mahadceliyay jaaliyadda maamuustay “Runtii waad na sharafteen waad na karaamayseen idina Alle ha idin karaameeyo. In aynu sidan oo kale isugu nimaadno oo farxadda iyo dhibkaba wadaagno waa mid lagu yaqaanay Somaliland, markasta oo wax jiraana waxaynu kaga duwanahay waxaynu nahay dad wax isu sheega, dad wada hadla oo marka ay runta soo istaagto joogsada oo ogol in waxa laga joogo oo meel dhexe la isugu yimaaddo. Waxa aan u mahadnaqaya Safiirka Somaliland ee Sweden ee martida loo yahay iyo jaaliyadda Somaliland ee Denmark, Norway, Finland iyo Sweden ee halkan nagu soo casuumay. Waxa aad runtii na tusteen niyad wanaag, soo dhawayn aanan filayn runtii, aniga, saaxiibkay Khadar iyo Cabdiraxmaan waxaanu markii hore lahayn waar laba cisho way badan tahay, imika waxaanu leenahay waar maxaynu u odhan waynay dhawr cisho ayaanu idinla joogayna,” ayuu yidhi Baashe oo intaasi raaciyay in ay arrintani ku reebtay niyad wanaag iyo xasuus aan gaboobayn.

Gabogabadii xafladda ayaa shahaado sharaf ay wada jir u diyaariyeen jaaliyadda Somaliland ee afarta dal waxa Danjire Baashe guddoonsiiyay masuuliyiinta jaaliyaddaha Somaliland, waxaanay sheegeen in uu hawl karnimo ku mutaystay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso