“Khilaafka Doorashada Suldaanka Cusub ee Beesha Adaraxmaan Sacad“Guddiga Dhaqanka ee beesha Adaraxmaan Sacad (North America, Europe iyo Middle East)

Khilaafka Doorashada Suldaanka Cusub ee Beesha Adaraxmaan Sacad

Bismillaah,

Ku: Wasaarada Arimaha Gudaha

Waxa Mahad iska leh alle inna abuurtay, waxana naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ahaatey rasuulkeenna suubban ee Muhammad (s.a.w).

Waxa beryahanba socday khilaaf iyo loollan ay dad gaar ahi isku deyayaan in ay ku kala kexeeyaan beesha adaraxmaan Sacad. Kuwaas oo danahooda gaarka ah iyagoo eegaya iyo inay arrintu sidooda u dhacdo awgeed geliyey beesha Khalkhal weyn oo aan Meesha looga baahnayn.

Waxa muudaba socday wadahadal beesha dhexdeeda oo laga tashanayay arrinta Suldaannimada ee reerka kadib geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Suldaan Jaamac Cismaan. Waxa iyadoo wadahadalkii socdo la baal marey wadahadalkii iyadoo laba dhinac ay arrintu u kala jabtey.

Waxa arrintu gaadhay in laba suldaan la caleemo saaro iyadoo labadaas midkoodna aan loo dhammeyn ee ay jujuubayeen niman dano gaar ah wata oo beesha gudaheeda iyo dad aan ahayn beeshaba.

Waxay arrintu 30kii abril 2017 soo gaadhay in la xidho mid ka mid ah labadaa dhalinyaro ee suldaannimada lagu loollansiinayo iyadoo sii kicisay khilaafkan.

Waxa haddaba shirar telefoon oo aan ku lafagurnay arrintan aan soo saaraynaa annaga oo ah odayaasha, culimo-udiinka, aqoonyahanka iyo wax garadka beeshan ee qaaradaha America iyo Yurub qaraarradan hoos ku qoran:

1. Waxaannu beesha u sheegaynaa in arrintan meel looga soo wada jeesto oo dib loogu noqdo si degdeg ah loogu xalliyo khilaafkan.

2. In la sii daayo wiilka xidhan ee Cumar Ibrahim Muxumed kaas oo dhinac kale ugu magacaabeen Suldaanka.

3. Waxaannu u sheegaynaa masuuliyiinta Dawladda in arrintan gudi ka duuleysa danta beesha loo saari doono kuwaas oo baadhdi doona xaqiiqada oo wareysan doona labada dhinacba iyagoo dhinacna aan raacyn.

4. Waxaanu Dawlada ka codsaneynaa in aanay labada dhinac midna raacin oo ay ka warsugto gudigaas turxaan bixinta Adraxman sacad inta ay khilaafka beesha soo afjarayaan, kuwaas oo war midaysan dib ugu soo celin doono Dawlada.

5. Waxaannu dawladda ogeysiinaynaa in aan la aqoonsan labada dhalinyaro ee suldaannimada u baratamaya ilaa guddiga reerka oo wada jir ah ay ka dooranayaan Suldaan loo wada dhan yahay.

6. Waxaanu si adag ula hadlaynaa Nimanka boggaga internedkak ku soo qoraaya cayda iyo waxyaalaha xumaanta kala fogeynaaya beesha inay joojiyaan dhamaan ficiladaas.

Waxa xusid mudan in arrinta Suldaannimadu ay tahay oo kaliya sharaf iyo ka shaqeynta wanaagga ee aanay aheyn munsab lagu doono magac iyo maal.

Wabillaahi tawfiiq

Guddiga Dhaqanka ee beesha Adaraxmaan Sacad

(North America, Europe iyo Middle East)

Maxamed Xaaji Mubaarig

Mahamed Cali Giire

Abaadir Haaji Abdi

Cabdillahi Ibrahim Cabdi-Shiil

Hasan Yonis Cabdillahi

Maxamuud Aw-Salawaad

Axmed Omar

Xuseen Omar

Saleeban Xagi Ismaciil Bulaale

Ahmed Siciid Faarah

Ahmed Huseen Ismacil

Siciid Hassan Muuse

Khalid Ibrahim Cali

Ahmed Siciid faarah

Ibrahim Cilmi Tukaale

Mahamed Ibrahim Cali

Xuseen Mahamed Cali

Abdiqadir Macalin

Cabdi Maxamed Hugur

Yusuf Dhamac Xasan

Mustafe Dhamac Xasan

Xuseen Omar

Maxamhuud Maxamed Ali

Siciid Maxamed Cali

Khalid Maxamed Cali

Advertisement

Ku Xayeysiiso