Wasiirka Khayraadka Biyaha Oo Hadhimo Sharafeed ku maamuusay Haldoorka,Waxgaradka iyo Qoorweynta Gobolka Sanaag Iyo Beelihii Dirirtu Ku Dhex Martay Deegaanka Ceel Afweyn.

Wasiirka Khayraadka Biyaha Oo Hadhimo Sharafeed ku maamuusay Haldoorka,Waxgaradka iyo Qoorweynta Gobolka Sanaag Iyo Beelihii Dirirtu Ku Dhex Martay Deegaanka Ceel Afweyn.

Munaasibad Balaadhan oo hadhimo Sharafeed Ah Ayaa uu Wasiirka Wasaarada Khayraadka biyaha Xuseen Cabdi Boos Maanta ugu Sameeyey Magaalada hargaysa gaar ahaana Hotel Diiriye Qaar Ka mid ah qoorweynta, salaadiinta ,cuqaasha,waxgaradka iyo Madaxdhaqameedka beelihii dhowaan ku dagaalamay deegaanka ceel afweyn ee gobolka Sanaag

Munaasibadan oo uu Wasiir Xuseen cabdi Boos uga Dan lahaa Xoojinta Adkaynta Nabadgelyada,Midnimada Gobolka iyo isku soo Dhoweynta Dadka Deegaanka Ayaa waxaa Goobjoog ka Ahaa Garaad Cabdilaahi Guuleed, Boqor Maxamed Nuux Aadan,Suldaan Cali Yuusuf Badacas, Caaqil Jafaal, Jiif Caaqil Aadan maxamed jaamac, Jiif Caaqil Ibraahin Ismaaciil Jaamac, Jiif Caaqil Maxamuud Nuux Maxamed,Caaqil Xuseen Digaale Yuusuf,Caaqil Axmed Jaamac Dafac ,Isuduwaha wasaarada Warfaafinta Gobolka Sanaag MAxamuud Maxamed Xasan SARAAF,Maayar xigeenka Degmada Ceerigaabo,Aqoonyahano,Siyaasiyiin iyo Dhalinyaro Aad u Tira badan

Ugu Horeyn Madaxdhaqameedka iyo MAsuuliyiinta Madashaasi ka hadlay Ayaa Dhamaantoodba Si isku mid ah ugu Mahadnaqeen Wasiir Xuseen Cabdi Boos oo Ay Ugu Yeedheen Inuu Yahay Mideeyaha Deegaanka iyagoo Sidoo Kale Hoosta ka Xariiqay Sida ay Muhiimka u Tahay in Nabada iyo Wadajirka dadka Deegaanka Meel looga soo Wada jeesto

Madaxdhaqameedkan Ayaa Dhinaca kale waxaa ay Balan qaadeen inay Si mug Iyo miisaan leh uga Wada Qayb Qaadan Doonaan Nabad Waarta oo dhex marta Beelaha Walaalaha ah ee Habar Lamaan Maadaama Xiligan la galay Barwaaqo isla Markaana Raxmaadkii Eebe Curtay Taasi oo Ay lagaama Maarmaan Tahay in Lagu Shukriyo Nimcada Iyo Raxmaadke Eebe umadiisa Ugu deeqay isla markaana Maskaxda iyo maanka Lagu Wada Hayo Dhibaatadii laga dhaxlay Colaadii iyo Abaartii Dadka soo Foodsaartay waxaana ay Ilaahay Uga Baryeen Beelahaasi in Nabad Waarta rabi dhexdooda Dhigo Beerkoodana Burcad isku Wada Mariyo

Wasiirka Wasaarada Khayraadka Biyaha Xuseen Cabdi Boos oo Gebagabadii Munaasibadii hadal Dheer Oo Dardaaran, Waano Iyo Hogo Tusaalayn ah ka Jeediyay Ayaa Ku Dheeraaday Ahmiyada Nabada Dhamaanba Shacabka Somaliland Gaar ahaana Beelaha Walaalaha Ah ee Habar Lamaan Waxaana Uu Farta Ku Fiiqay in Xukuumada Somaliland Dedaal Balaadhan ka gashay sidii Nabad looga Dhex Ridi Lahaa Dadkaas Walaalaha Ah ee Shaydaanku U kala Adeegay isagoo Dhinaca kale Ka Dhawaajiyay Waxqabadka Dhinacyada Mashaariicda Biyaha ee Wasaaradiisu ka Wado guud ahaan Somaliland Gaar ahaana Gobolka Sanaag

Si Kastaba Ha Haatee Wasiirka Wasaarada Khayraadka Biyaha Xuseen Cabdi Boos Ayaa Ku Suntan ka qaybqaadashada Horumarinta Dalka iyo isu soo dhoweynta bulshada Somaliland ee Wax Kala Tabanaysa waana Masuul Hawl Kar ah oo Ay Sheegeen Inay Raali ka Yihiin Shacabka Gobolka Sanaag

Advertisement

Ku Xayeysiiso