Maraykanka oo Wada Qorshe Ay ku Mustaafurinayso Dad Gaadhaya ilaa Afar Kun oo Soomaali ah

Safiirka Dawlada Soomaaliya u fadhiya dalka maraykanka Axmed Ciise Cawad  ayaa sheegay in dowladda maraykanka  ay waddo qorshe dalkeeda ay uga musaafurineyso Soomaali gaadhaysa 4’000″  afar kun oo ruux oo soomaali ah.

 

Safiirka ayaa sheegay  in Dowladda Maraykanka ay waddo qorshayaal dalkeeda ay uga soo celineyso dadka Soomaaliyeed ee mudda ku noolaa dalkaas.

“Waxaa jira dad hadda ku sugan goobaha laga diiwaan geliyo dadka la musaafurinayo oo gaadhaya 300 oo soomaali ah kuwaas oo sugaya in dalkooda dib loogu soo celiyo waxaa kaloo jira howlgalkii ugu dambeeyay ee hay’adaha  Socdaalka in lagu soo qabtay dad gaadhayay 80 ruux oo uu ku jiro nin Soomaali ah” Ayuu yidhi  Safiir Axmed Ciise Cawad .

Dowladda Maraykanka ayaa horay u diiday in dalkeeda ay ku noolaadaan dad ka soo jeeda 6 wadan oo soomaaliya Qayb ka ahayd waxaana xilligaas wixii ka dambeeyay dalka dib loogu soo celiyay soomaali muddo ku nooleyd maraykanka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso