Ducaqabayaal Ka Dhiidhiyey Daandaasiga Somalia.

Ducaqabayaal Ka Dhiidhiyey Daandaasiga Shoodhe Af-Weyne.

Jibbadii i haysiyo ma jiro Jidhidhicoodkiiye.
Qalbigii kuu jaawirnaa jeesay waa hore e’.
Calankii Jamhuuriga ahaa jeexay oo dhigay e’.

 

Waa murti ka soo maaxaday Abwaanka da’da yar ee Cabdirasaaq Oday oo ka mid ah xubnaha aasaasay ururkan dhalinyaradu ku bahoobeen ee ay magaciisan u bixiyeen ‘Dalsoor’. Murtidaasu waxa ay ku jirtay gabay uu abwaanku u bixiyey JUJUUB oo jawaab u ahaa madaxweyne reer Somalia ah oo aflagaadeeeyey JSL.

 

Dawlad ku sheega uu gadhwadeenka ka yahay Jaalle Farmaajo (Shoodhe Af-Weyne), waxa ay laba jibaartay daandaansigii awalba caadada u ahaa Reer Somalia ee ay ku hayeen JSL.

Cadowga JSL Isku dayo fara badan oo la damacsanaayeen in ay ku waxyeeleeyaan dhamaantood way ku hungoobeen, nasiib darrose may quusan. Maanta tab cusub ayuu Shoodhe Af-Weyne damacsan yahay in uu ku tijaabiyo JSL sidii ay ugu hirgali laheyd in uu wiiqo. Tabahaa waxa ka mid ah in uu gacanta u haadiyo oo uu u calan waleeyo da’ayarta Somaliland isaga oo ku beerlaxawsanaya balanqaadyo aan waxab ka jirrin. Laaluush iyo cadquudheed ayuu xayeysiiyaa oo uu u soo bandhigaa dhalinyarada.
Tahniyad iyo Hambalyo
Nasiib Wanaag waxa JSL laga unkamay urur ay ku bahoobeen dhalinyaro ka damqatay oo dareentay dibindaabyada Shoodhe Af-Weyne iyo xertiisu u soo maleegayaan JSL.

 

Dhalinyaradaas waanu soo dhoweyneynaa hawshaa wadaninimada ah ee ay isku xil saareen. Waxaanu kula talineynaa Reer Somaliland in ay hiil iyo hooba taageeraan dhalinyaradaa oo la dhiiri galiyo. Waa in aan talo iyo tussaleba lagala bakheyllin si ay fikirkoodaas uga midho dhaliyaan oo u horjoogsadaan oo u fashiliyaan shirqoolada dhagareysan ee kaga imanaya dhanka Somalia
Waxaanu halkan uga soo gudbineynaa dhalinyaradaas hambalyo, Tahniyad iyo duco. Waxaanu leenahay waa talaabadii loo baahnaa si aanay dhalinyarada qaarkood ugu dhicin dabinada iyo shirqoolada isdaba joogga ah ee uu cadowgu u maleegayo JSL.

 

Halkan ka daawo ku dhawaaqida ururkaas:

https://www.youtube.com/watch?v=cRFetVrNW6g&feature=youtu.be

Allaa Mahad Leh

 

Omer Dheeg <dheegsomaliland@gmail.com>

 

—————————————————————————-

FG: Fikradda Maqaalka Waxay Gaar u tahay Qoraaga, ToggaHerer Looma Tirin Karo

Advertisement

Ku Xayeysiiso