Ma-guuraan (Gabay cusub) Waxa tiriyey: Abwaan Guuleed Yuusuf Axmed

Ma-guuraan (Gabay cusub)

Waxa tiriyey: Abwaan Guuleed Yuusuf Axmed

 

Gabaygan waxa la yidhaahdaa “Ma-guuraan”. Waa gabay cusub oo soo baxay March 2017, waxana mariyey  Guuleed Yuusuf Axmed. Guuleed waa abwaan suugaan badan leh, gabayganna waxa uu si qurux badan ugaga hadlayaa arrimo diini ah, kuwa dhaqan ah, qaar khayraadka iyo waxsoosaarka Ilaahay inagu mannaystay ku saabsan, qaar waddani  ah iyo ugu danbayn qaar maamul iyo arrimo kaleba la xidhiidha. Beydad diini ah ayaa u ku bilaabmayaa haddana waxa uu ku dhammaanayaa beydad diini ah. Waxa uu yidhi abwaanku:

 

Halabuurradoow gabaygu waa, ugu gargaar diine.

Ama waa wax meelgala dheh iyo, god u bannaanaaye.

Haddii kale gef aad korodhsatiyo, waa gabboodfalide.

 

Caddaduu gudbaa socod ninkii, meel u gudayaaye.

Ama waa dharaar galabcarrow, goor qaboono ahe.

Haddii kale habeennimo gudcura, guure haw bixine.

 

Dawo waa Alloo kuu gartiyo, teenna geedaha’e.

Ama waa gumburigaa madheen, go’ayee siidhnayne.

Haddii kalese goor iyo allayl, waa kiniin guro’e.

 

Nin dagaal u gacanqaadayoow, waad jahaad geliye.

Ama qaranimaa lagu gam’aa, waa xorriyad goobe.

Haddii kalese waa guuldarriyo, ruux is gawracaye.

 

Rag aan garanayow diintu waa, aakhiro u gudo’e.

Ama adigu gaadhsii xujada, gaal iyo islaame.

Haddii kalese sida geed-is-maris, hawgu raadgadane.

 

Dhulka xoolo gurigoodu yahay, waa geyiga hawde.

Ama waa silsiladdaa gudbanee, Golis ha daaqeene.

Haddii kalese guban xeebi waa, geeddi haw rarine.

 

Badda ruux dabbaal garanayow, waa gunta u libidhe.

Ama waa gigtiyo mawjadaa, gaaddada u dhigo’e.

Haddii kale sidayduun galgalo, goonyagoonyaha’e.

 

Roobkana gu’ lagu ciilbaxaa, waa fad galabeede.

Ama dayrta gelinkeeda hore, gaadh is meersada’e.

Haddii kale gariir madhani waa, laguma guuraane.

 

Biyo waa xareed galalacliyo, gobo’da roobaade.

Ama harada Geed-deeb leh iyo, Geeddiyoow Bixine.

Haddii kalese goofkaa baddiyo, Gahiba waa ceele.

 

Caws waa dareemada guntiyo, goosimaadka lehe.

Ama garar sarreenoo ka baxay, gooddiyaal bana’e.

Haddii kalese waa gorofta iyo, goonka xaadda ahe.

 

 

Dhirta waxa gabbood laga dhigtaa, gobiyo hooskiiye.

Ama sida galool qun u bixiyo, gaafanoow kulane.

Haddii kalese waa gumar hadhsiyo, tiinka garanwaaye.

 

Yaanyana  geshoo beeri waa, geedmidhood sarace.

Ama sida bustaanada galbeed, garow ku saameele.

Haddii kalese waa gurintir iyo, xoolo dabargoyne.

 

Nimanyahow adduun gumaradii, waa fardiyo geele.

Ama garashaday baan hadlaye, gaambiyow adhiye.

Haddii kalese guunyada lo’timi, waan ka gaabsadaye.

 

Gasab waa wax cuud laga lisiyo, jiidh ka soo go’aye.

Ama waxan gasiin beeraniyo, gidirtu waa maadhe.

Haddii kale geddaan maanta nahay, waa bariis gado’e.

 

Hadday noqoto gaadiidsi dhabar, waa gammaan farase.

Ama waa ratiga kii gurgure, gibilsadaan xaase.

Haddii kale dameer garabsatiyo, guudka baqaleede.

 

Nin ugaadhsi galabeed u baxay, gorayo raacdeeye.

Ama deer garmaamaynayiyo, caydhsay garanuuge.

Haddii kalese biiqyare la ganay, gaajobeel mala e.

 

Geyaanow xarrago waa inaad, guriga joogtaane.

Ama weliba aydaan gabdhoow, gudin habeenkiiye.

Haddii kalese waa galabsigiin, taa ka gurataane.

 

Jacayl guri xalaala u yagleel, waa laba is geya e’

Ama waa inay gashaantiyi qalbiga, kaaga gaardido e’

Haddii kalese waa gaabsigiyo, nooca gaalada e’

 

Intaad gabanka korayoow yartaa, ugub la gaataaye.

Ama waa wax soo yara guntoo, sii gabbaatiyo’e.

Haddii kale gabow xilo la’aan, waa goblamid uune.

 

Waaryaadhaheen guurku waa, gaari la caweeye.

Ama waa mid kaa gayn kartiyo, gabadh ku doondoone.

Haddii kalase goonbaar xun iyo, waa sunbo u gogole.

 

Xidid waa geyaan kala fogoo, loo cammiro gaafe.

Ama laba gobood ugu yaraan, goob ku kulantaaye.

Haddii kale dhashaa laga gartaa, hooyo gaabnida’e.

 

 

Tolku waa sidii laba gacmood, hays gargaarsado’e.

Ama waa haddaan gacashi jirin, yuu is gubtahanyayne.

Haddii kalese waa uur-gubiyo, guri madoobaade.

 

Gan bay taladu leediyo hoggaan, guudcaddaadiya’e.

Ama waayo-arag guunahoo, meel la gayn karo’e.

Haddii kalese waa guridambays, geedka haw tago’e.

 

Ragga geesi baa weheshi tara, hiillimaad gala’e.

Ama inangolyeed kaalin uun, kaa gufayn kara’e.

Haddii kale irmaaneeye gudhan, guurti haw xulane.

 

Suldaanoow waxaad goyn kartaa, waa gar dhaqammeede.

Ama samafal guud dawladdaad, garab ku siisaaye.

Haddii kale guddoonkaad riddaa, waa ku kala guure.

 

Madaxnimo dadkoo kuu gartaa, laga guddoontaaye.

Ama inaad ka gabargaashid way, kuu gol roon tahaye.

Haddii kalase adigaa gadaal, qoomamo u go’iye.

 

Haddii gegi ciyaareed la tago, waa guruub noqo’e.

Ama waa garsoore u ahaw, labada geesoode.

Haddii kalese dani kaama gelin, kooxda guusha lehe.

 

Waxaad dunida guulwade u noqon, gaal Maraykana’e.

Ama shuuci gaangiistaroon, diinba garanayne.

Haddii kale gantaalaha qarxiyo, geeri baa ku lehe.

 

Soomaalaay midnimadaan geyaa, waa shantii gobole.

Ama laba galbaday baa jiree, gaar halloo dayo’e.

Haddii kale ujeedada geddiyan, haygu gaadina’e.

 

Qaynuun gobeed waa sharciga, Guulle soo rogaye.

Ama dhigannay xeer reer galbeed, gacan ku leeyiine.

Haddii kalese waa labagardaaq, gooshkan saan nahaye.

 

Waxaan muumin lagu gaadhi karin, garabsi diimeede.

Amma sida garoomaha xasano, loo galaabbixiye.

Haddii kalesse waa gogol janniyo, guri Fardawsaade.

 

Dhammaad.

 

Waxa tiriyey: Abwaan Guuleed Yuusuf Axmed

Waxa soo diray: Axmed Iid Aadan

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso